Shey aan laga waayin guryaha Soomaalida oo faa'iido cajiib ah u leh caafimaadkaaga

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xawaashka aad ku darsato cuntada waxay kaa caawin karaan inaad nuugto fitamiinno iyo macdan badan. Saynisyahannadu waxay aaminsan yihiin inay kor u qaadi karaan nafaqada aan ka helno cuntada.
Filfisha, oo inta badan aan laga waayin xawaashyada cuntada lagu macaaneeyo, gaar ahaanna Soomaalidu ay ku darsadaan maraqa iyo mashaarida, waxay ahayd mid la isticmaalayay kumannaan sano, sababtuna waa awoodda ay u leedahay inay dhadhan u yeesho xataa cuntooyinka aan dhadhanka lahayn. Filfisha waxaa markii ugu horreysay lagu beeray dalka Hindiya in ka badan 3,500 oo sano ka hor, halkaas oo uu asal ahaan kasoo jeedo geedka soo saara xawaashkan; waxayna noqotay mid ka mid ah badeecadaha ugu qiimaha badnaa dunidii hore. Maanta badideennu waxaynu ku darsannaa cuntadeenna innaga oo aan xataa ka fekerin.
Laakiin ku darista filfisha ee cuntadaada waxay qaban kartaa wax ka badan dhadhan kaliya. Waxay kordhin kartaa xaddiga nafaqada aad ka helayso cuntadaada.
Miraha filfisha waxay ka kooban yihiin kiimiko ka caawisa fitamiinnada iyo nafaqooyinka kale in si fudud loogu nuugo wareegga dhiigga. dhibco yaryar oo dufan ah oo laga helay caanaha iyo saliid saytuunka ayaa sidoo kale la ogaaday inay hagaajiyaan helitaanka nafaqada ee jirka. Saynisyahannadu waxay hadda isku dayayaan inay ka faa'iideystaan saamayntan si ay u horumariyaan noocyo cusub oo cuntooyin ah oo la xoojiyey, ayna u caawiyaan dadka ku dhibtooda inay nuugaan nafaqada ay u baahan yihiin si ay u noqdaan kuwo caafimaad qaba.
Mid ka mid ah dhibaatooyinka aan kala kulanno xataa cuntooyinka nafaqada ugu badan leh ayaa ah in jirkeennu awood u leeyahay inuu soo saaro fitamiinnada iyo macdanta marka ay dhex marayaan hab-dhiska dheefshiidka. Soo qaado hadhuudhka, tusaale ahaan. Miraha hadhuudhku shaki la'aan waxaa ka buuxa faa'iidooyin – waxaa ku badan fiber, borotiin, fitamiinno iyo macdano yaryar sida botashiyaamka (potassium). Laakiin qof kasta oo gala musqusha ka dib markii uu cunay hadhuudh wuxuu la yaabi doonaa inta ay le'eg tahay nafaqadaas uu nuugay. Qolofta dibadda ee wax-ka-midka ah ee hadhuudhka ayaa ku adag jidhkeenna inuu kala jebiyo, gaar ahaan haddii aynaan si fiican u calalin markaba.
"Markaad cuntid hadhuudhka [adigoon si ku filan u calalin] wuxuu dhex maraa dhammaan caloosha iyo mindhicirka wuxuuna ku dhammaadaa musqushaada, dhammaan nafaqooyinkii ku jirayna wali waxay ku dhex xayiran yihiin gudaha," ayuu yidhi David Julian McClements, oo ah borofisoor ku takhasusay sayniska cuntada oo wax ka dhiga Jaamacadda Massachusetts, Mareykanka.
Nasiib wanaag, marka la calaliyo hadhuudhka, jirkeennu wuxuu soo saari karaa nafaqada ka buuxdo gudaha.
Muhiimadda inaad xawaash ku darto cunnadaada

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waana halka ay filfishu kasoo galeyso sheekada. Markii McClements iyo kooxdiisu ay mirahan ku dareen saladhka, waxa ay sii kordhisay nuugista xitaa in ka badan intii ay filanayeen.
Unugyada ku jira dahaarka mindhicirka waxay inta badan leeyihiin walxo ka saari kara nafaqooyinka la nuugay, iyaga oo dib ugu sii gudbiya caloosha iyo mindhicirka. Si kastaba ha ahaatee kiimikaad ku jira filfisha ayaa xannibaysa walxahan, taasoo u oggolaanaysa fiitamiin ama carotenoids badan uu nuugo dhiiggaaga.
Kadib McClements wuu ogaa - in habkani uu horey u jiray kumannaan sano.
Wuxuu sheegay inay hore u baareen caanaha dahabiga ah ee aadka looga isticmaalo Hindiya, kuwaasoo ay ku jiraan huruud iyo filfil.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Faa'iidada filfisha
1. Dheefshiidka
Sida lagu xusay dhowr daraasadood, filfishu waxay kordhisaa dheecaanka aashitada caloosha ee loo yaqaanno "Hydrochloric Acid" kaasoo muhiim u ah shiidista cunnada, waxaa kaloo lagula tacaalaa shubanka iyo calool fadhiga, iyadoo la sheegay in dhibaatooyin badan oo caloosha ah ay wax ka tari karto.
2. Miisaanka
Filfisha waxay burburisaa unugyada dufanka sameeya, taasoo laga yaabo inay kaa caawiso miisaan dhimista.
3. Maqaarka
Saynisyahannada qaar ayaa aaminsan in filfishu ay la tacaasho qaar ka mid ah xanuunnada maqaarka ku dhaca, waxayna sare u qaaddaa difaaciisa.
4. Xanuunnada hawo-mareenka
Ma is weydiisay sababta maraqa loogu daro filfisha? Sababtoo ah waxay u fiican tahay daaweynta hargabka iyo qeyb ka mid ah caabuqa hawo-mareenka ku dhaca.

Xigashada Sawirka, Getty Images
5. Jeermiska ayay dili kartaa
Filfishu waxay saynisyahannada sheegaan inay awood u leedahay dilidda jeermiska. Hindidii hore ayaa aad cunnada ugu darsan jirtay ilaa caanaha caanka noqday ee dahabiga ah. Waxay sidoo kale hoos u dhigtaa dufanka dhiigga ee kolestaroolka.
6. Sun saarista
Filfisha waxay basbaaska iyo barbarooniga kala mid tahay awoodda sun saarista jirka, suntaas oo haddii jirka ay ku aruurto dhaawac u geysan karto beerka, wadnaha iyo ganaca.
7. Caawinta mindhicirrada
Filfisha waxay cunanda kale ku caawisaa in jirka uu si fiican u nuugo, gaar ahaan khudradda, cunnada laga helo maaddada jirkaaga ku yar.
8. Xasuusta
Filfisha waxaa ku jirta maaddo loo yaqaanno "Piperine" oo sare u qaaddo xasuusta iyo awoodda maskaxda qofka, cilmi-baaris lagu sameeyay arintaan waxaa la ogaaday xanuunada xasuusta lumiyo in filifshu u roon tahay.













