Faa'iidooyinka caafimaad ee laga helo sabuul - galleyda Soomaalidu caanka ku tahay

Xigashada Sawirka, JORGE FERNÁNDEZ/LIGHTROCKET VIA GETTY IMAGES
Subuulka Galleyda waa cunno siyaabo kala duwan loo isticmaalo, waxayna xambaarsan tahay faa’idooyin caafimaad oo tiro badan, waan mid ka mid ah cuntooyinka caafimaadka leh ee asalka ah, dunida oo dhanna laga cuno.
Waxaa uu kulansaday nafaqooyin kala duwan, waxaa laga helaa borotiin, faybar, fitamiin C, fitamiin B1, folate, magnesium, potassium, zinc, xadiid, iyo maaddooyin kala nooc ah oo dhamaan waxtar u leh caafimaadka aadanaha.
Marka laga yimaado faa,iidooyinka caafimaad ee galleyda ,waa in aan sidoo kale qorshaha ku darnaa in habka isticmaalka wanaagsan uu qeyb ka noqon karo caafimaadka aadanaha
galleydu waa badarka ugu badan ee laga beero aduunka waxaan laga helaa faa’iidooyin far badan ,sabuulka waa il qani ku ah maadada fiber oo u fiican dheefshiidka,Waxay la dagaallantaa calool istaagga, iyo baabasiirka,
Marka la fiirsho maadooyinka kala duwan ee ka buuxa, waxaa muuqata sida galleyda hodanka uga tahay nafaqooyinka muhiimka ah caafimaadka.
Galleydu waxay ka kooban tahay saddex qaybood, kuwaas oo dhamaan leh faa’iidooyin caafimaad, waxaa ku badan macdanaha magnesium, iron, copper iyo phosphorus kuwaas oo u wanaagsan caafimaadka lafaha. Macdanahaani waxay lafaha ka ilaaliyaan burburka iyo inay duqoobaan.
Dr Kilimou Pyalo Magnoudewa, oo ah khabiir ku takhusayay nafaqada iyo caafimaadka ayaa sheegay in Galleydu qani ku tahay maadooyinka sun-saarista kuwaas oo ilaaliya muuqaalka dhalinyaranimo ee maqaarka.
Magnoudewa oo hadalkiisa sii wata wuxuu kaloo yiri " tusaale ahaan marka aad cunto sabuulka galleyda waxay leedahay fiitamiin A aad u sarreeya oo carotenoid ah".

Xigashada Sawirka, Youtube
Cunista galleyda mar walba waxaa laga yaabaa in kuu keento cayil ,waana cunto fudud oo mar walba la cuni karo.
Galleyda waxaa laga helaa maadooyinka fitamiin C, “carotenoids” iyo “bioflavonoids” kuwaas oo u roon caafimaadka wadnaha, iyagoo xakameeya heerka kolestaroolka xun, isla markaanaa kordhiya qulqulka dhiigga ee jirka.
Galleydu waxay muhiim u tahay hooyada uurka leh, maxaa yeelay waxay ka helaysaa maadada “Folic acid” oo hooyooyinka lagula dardaarmo inay cunaan markay uurka leeyihiin, waxayna muhiim u tahay korriimada ilmaha uurka ku jira, waxay ka ilaalisaa inuu ku dhasho miisaan yari iyo cillado kale. Si fiican u mayr galleyda, sidoo kale la tasho dhakhtarkaaga haddii aad isku aragto gacmaha iyo cagaha oo ku barara.
Dadka waaweyn ee da’da ah ee ka cawda xanuunka kala-goysyada waxaa lagula taliyaa in si joogto loo siiyo galleyda maadaama ay xambaarsan tahay magnesium, iron, fitamiin B iyo barootiin.

Xigashada Sawirka, BSIP/UNIVERSAL IMAGES GROUP VIA GETTY IMAGES
Saameeynta caafimad ee ay leedahay galleyda
Waayihii hore, isticmaalka sabuulka gaarka ah ayaa sababay pellagra oo Dr Kilimou Pyalo Magnoudewa uu ku tilmaamay cudur maqaarka burburiya.
Dr Kilimou Pyalo Magnoudewa ayaa ka digay isticmaalka xad-dhaafka ah ee cuntooyinka galleyda taas oo laga yaabo, in cunitaanka joogtada ah iyo waxyaabaha kale ee lagu daro uu sababi karo xanuunno.
Dadka qaar ayaa ka walaacsan hanaanka bixitaanka galleyda la beddelay. Waxaa suurtogal ah in saynisyahannadu ay wax ka beddelaan DNA-da galleyda si ay uga dhigaan mid aad ugu adkaysta abaarta ama cayayaanka.
Dhawrkii sano ee lasoo dhafay waxay dod ka taagnayd isbeddellada ku yimid hanaanka bixitaanka hadhuudhka iyo waxyabaha lagu bacrimiyo.
Dr. Magnoudewa wuxuu sharraxayaa in uu jiro "farqi u dhexeeya galleyda dabiiciga ah iyo sabuulka waxa laga beddeley, marka laga hadlayo faa’iidooyinka caafimaad ee laga helo iyo nafaqooyinka ku jira.













