Muxuu yahay kaniiniga laga mamnuucay Somaliland ee wali dooddu ka taagan tahay?

Xigashada Sawirka, BARAHA BULSHADA
Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa shaaca ka qaadday inay qabatay dawo tayadeedu liidato oo been abuur ah.
Mukhtaar Maxamed Cali oo ah guddoomiyaha hay’adda dhowrista tayada u qaabilsan Somaliland ayaa BBC u sheegay in dawadaas oo ah kiniin xanuun baabi'iye la yiraahdo Ebufac 400mg, magaceeda rasmiga ahna uu yahay Ibuprofen ay ka dabatageen shirkadda ku qoran taasoo noqotay shirkad jumlad ku bixisa dawada ee aysan ahayn tan samaysa.
Wuxuu intaa ku daray in baaritaan ay sameeyeen ay ku ogaadeen in aysan lahayn dawadaas maaddooyinkii loo baahnaa ee waxtarka lahaa.
“Been abuurku mar walba waa jiray, aqoontana heerkii la taagnaa shalay maanta lama taagna” ayuu yiri Mukhtaar Maxamed cali oo BBC u sheegay inay iminka u sahlan tahay in wax kasta ay xaqiiqdooda dhabta ah ogaadaan. Wuxuu kaloo sheegay in ay ka warqabaan, inta u diiwan gashan, 50 kaartoon oo dawadaas ah oo dalka soo galay.
Mukhtaar wuxuu BBC u sheegay in Somaliland ay leedahay xudduudo dhaadheer oo bad iyo berriba leh, ayna adag tahay in si sahlan loo ogaado halka ay ka soo galaan dawooyinkan, laakinse wuxuu farta ku fiiqay Soomaaliya.
“Waxaa laga yaabaa in koontorobaan lagu soo galiyo, dawooyinka ugu badan ee koontorobaanka ahna waxaa laga soo galiyaa xuduudka Soomaaliya, waxaana kartoon-kartoon loosoo raaciyaa gawaarida yaryar ee Bari ka imaanaysa”.

Xigashada Sawirka, BARAHA BULSHADA
Ma jirto waxyeello la ogyahay oo ay dawadan been abuurka lagu sheegay u leedahay caafimaadka bani’aadmiga sida uu sheegay Mukhtaar Maxamed Cali.
“Qofkii oo u xanuun hayo ama dhibaato haysato haddaanay dawadii waxba u tarayn oo dawadii been abuur tahay, waxyeello taas ayaa ugu filan ayuu yiri”.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Guddoomiyaha hay’adda dhowrista tayada ee Somaliland wuxuu intaa ku daray in xuduudaha ay u joogaan shaqaale hay’adda ka tirsan, “haddiise dawadu ay soo gasho waxaan leenahay dad suuqa noo jooga oo ogsoon wixii soo galaya, kuwaaso magaalaad dhexdeeda ku baara, hadday noqon lahayn farmashiyeyaasha ama jumladleyaasha, iyo bakhaarrada”.
Mar ay BBC weydiisay in ay suurtogal noqon karto in dawada la qariyo dibna suuqa loogu soo celiyo ayuu Mukhtaar ku jawaabay in aysan suurto gal noqon karin oo ay adag tahay. “Waxaan ku jirnaa wakhti dadka shacabka ahi heegan yahay, sidoo kalena dawladda hoose iyo booliskaba ay noola shaqaynayaan si ka badan sida aan u shaqayno, ayagoo mas’uuliyad badan isa saaraya, sidaa darted ma jirto sabab lagu qarin karo iyo meel lagu qarin karo” ayuu yiri.
Guddoomiyuhu ma sheegin in ay jiraan dad la soo xiray, laakinse wuxu sheegay inay garanayaan dad kii iyo shirkaddii keentay dawadaas. “Xeer baan leenahay, xeerka dalka wuxuu dhigayo ayaana lagu qaadayaa.
Dadka ayuu weydiistay in ay akhbaarta u soo mariyaan lambar gaar ah oo uu ku sheegay 9229, kaasoo ay ku soo gudbin karaan wixii khalad ah ama sharci darro ah ee ay la kulmaan.
Hargaysa oo kaliya ma aha meelaha ay ka taagan tahay cabashada dawooyinka tayadoodu liidato, kuwa been abuurka ah iyo kuwa dhacay, waxaana adag in degdeg loo ogaado nooca dawada liidata ama xun haddii aan baaritaan dhab ah lagu samayn ayadoo la adeegsanayo qalabka iyo xirafadda ku haboon.
Maxaa laga yiri?
Ururka ay ku midyasan yihiin shirkadaha soo dajiya dawooyinka ee Soomaaliland ee loo soo gaabiyo (DIWO ) ayaa sheegay inay warqada ka arkeen baraha bulshada balse aysan jirin cid ka tirsan haya’adda Dhowrista Tayada oo la soo xirirtay waxna ka waydiisay arinta ay ka digayaan.
GudDoomiyaha ururka DIWO, Yusuf Ducaale Barre ayaa BBC-da u sheegay in hada doonayaan inay la kulmaan madaxda haya’adda gaar ahaan gudoomiyaha oo xafiiska ugu tagayaan si ay ugu wada hadlaan arintan.
Dhanka kale wuxuu ka gaabsaday inuu intaas wax faahfaahsan ka bixiyo isagoo xusay inay kulamada madaxda haya’adda ka dib ay ka hadli doonaan.













