Markuu dhaqan galo sharciga cusub ee Koofur Afrika Soomaalida ma loo ogolaan doonaa inay dukaamo furtaan

Koofur Afrika

Xigashada Sawirka, ANA

Dalka Koonfur Afrika waxaa ku nool kumannaan Soomaali ah oo halkasi tagay ka dib wixii danbeeyay burburkii dowladdii dhaxe.

Waxaa ay dalkaasi ka sameeysteen ganacsiyo kala duwan oo u badan dukaamo yaryar oo ay ka furteen deeganada ka fog Magalooyinka waaweyn, halkaasi oo ay u badan yihiin dadka madowga ah, waxaana mararka qaar ay kala kulmaan khataro fara badan oo noloshooda ay ku waayaan.

Warbixin Dowladda Koonfur Afrika ay soo saartay sanadkii 2021 ayaa lagu sheegay Soomaalida ku sugan Dalka Koonfur Afrika ee qaxootiga iyo magangalyo-doonka ah inay yihiin 10% marka la fiiriyo guud ahaan qaxootiga ku sugan dalkaasi, waxaana ay ka mid yihiin ajaanibta ugu badan ee ku nool halkaasi.

Paddy Harper, oo ah saxafi ka howlgal wargeysyka Mail iyo Guardian ee Koonfur Afrika, ayaa sheegay in "Muhaajiriinta Soomaalida ah loo arko inay gacanta ku hayaan dhaqaalaha magaalooyinka, waxaana lagu eedeeyaa inay qabteen shaqooyinki dadka deegaanka, taas waxaa ay keentay weerarro lagu qaado muhaajiriinta, iyo inay soo baxaan kooxo ka soo horjeeda soo galootiga, sida howlgalka Dudula."

Iyadoo ay sii kordheyso naceybka ajaanibta ee ka jira Koonfur Afrika iyo dhibaatada dhaqaale ee dalkaasi ayaa wasiirka arrimaha gudaha Aaron Motsoaledi wuxuu ku dhawaaqay qorsheyaal lagu adkeynayo sharciyada magangalyada qaxootiga iyo guud ahaan socdaalka.

Tallaabadan ayaa cawaaqib xun ku yeelan doonta ajaanibta ay Soomaalidu ka midka yihiin ee ku sugan dalkaasi.

Sharciga cusub ee looga hortagayo dadka qaxootiga ah oo wali dadweynaha dalkaasi ay ka doodayaan ayaa haddii uu dhaqan galo waxa uu dhibaato weyn ku noqon doonaa dadka Soomaaliyeed iyo Afrikaanka kale halkaasi ku qaxootiga ku ah.

Sidoo kale sharciga ayaa xoojinaya awoodaha saraakiisha hay'adda socdaalka, waxaan ay samayn karayaan tarxiil Khasab ah marka ay qofka ajabiga ah qabtaan ayuu yir wasiirka arrimaha gudaha Dr Motsoaledi.

Muxuu yahay xeerka cusub ee Koonfur Afrika ay daqangalinayso

dad kasoo horjeeda muhaajiriinta

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, dad kasoo horjeeda muhaajiriinta
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Garyaqaan Suldan cali Qadeye oo ah sharci yaqaan Soomaliyeed oo ku nool dalka Koonfur Afrika oo wareysi siiyay BBC ayaa sheegay in sharcigan Cusub sadex qodob oo ka mid ah ay saameeyn ku yeelan doonaan dadka Soomaliyeed kuwaas oo kala ah sharciga qaxootiga, xeerka soo galootiga iyo midka muwaadinimada.

“Dadka Soomaliyeed waxa saameeyn doona wax ka badelka dowladda ay ku sameeynayso xeerka qaxootiga ee la soo saaray sanadkii 1998 kaas oo fursad siinayay dadka soo galootiga ah, balse hadda Meesha laga saarayo, kan socdaalka iyo kuwa kale oo dhamaan ay rabto in dowladdu ay laasho”

Sharciga ayaa waxaa soo diyaariyay aqoonyahano, cilmi baareyaal jaamacadaha dalka ka socda iyo guddiyo Dowladda ay u xil saartay, waxaana garyaqaan Cabdullhi Macalin uu sheegay in ay adkaan doonto in la meelmariyo maadaama ay jireen sharciyo kale oo qaxootiga la xiriiray oo midkan ka horeeyay, lana soo saaray sanadkii 2008- 2011 kuwaas oo dhamaan aan dhaqan galin.

Waxa uu xusay in ay jiraan caqabado badan oo ay ka mid yihiin qodobo dastuurka dalka ka mid ah oo diiday wax ka baddal kasta oo la sameeynayo, iyo xeerarka kale oo ay la galeen midowga Afrika iyo sharciga qaxootiga oo dhamaan ilaalinaya xaquuqada dadka qaxootiga ah.

 inta badan dadka ajaanibta ah ayaa lagu bartilmaameeda Koonfur Afrika

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, inta badan dadka ajaanibta ah ayaa lagu bartilmaameeda Koonfur Afrika

Sidee ayuu sharciga cusub u sameeyn doonaa dadka Soomaaliyeed ee ku sugan Koonfur Afrika

Cabdullaahi Macalin Nuur oo ka mid ah ganacstada Soomaaliyeed ee Mudda ku nool Koonfur Afrika oo BBC u warramaya ayaa sheegay in sharcigan uu sameeyn weyn ku yeelanayo ganacstada Soomaaliyeed maadaama ay ku jiraan qodobo xadidaya safarka iyo qaadashada baasboorka oo laga yaabo in loo diido.

“Hadii aan nahay bulshada Soomaaliyeed waxaa uu sharciga nagu yeelanaya sameeyn weyn oo dhan walba ah, waxaa laga yaaba in naloo diido in aan furanno dukaamo, in aan safarno, qofkii lagu qabto xaduudka waa la xiri karaa, dhamaan waxaas oo dhan cabsi ayay nagu hayaan” ayuu yiri.

cabdullaahi Macalin Nuur ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed oo horey dhibaato badan ugu qabay Koonfur Afrika uu sharcigan mar kale gaarsiin doono dhibaato badan hadii uu dhaqan galo.

Barlamaanka dalka Koonfur Afrika oo sidoo kale ansixiyay misaaniyadda lacagaha dadka lagu tarxiilayo ayuu sheegay Cabdullahi Macallin in ay sii badisay walaaca Soomaalida iyo guud ahaan ajaanibta ku sugan dalkaasi.

Dadka ajniga neceb ee reer Koonfur Afrika oo boobayo dukaamo ay Soomaali leeyihiin

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Dadka ajniga neceb ee reer Koonfur Afrika oo boobayo dukaamo ay Soomaali leeyihiin

Hay'adda Socdaalka Koonfur Afrika ayaa sannad kasta masaafurisa inta u dhaxaysa 15,000 ilaa 20,000 ajaanibi ah. Tiradaan ayaa sannad walba kororta sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha .

Maxkamado u gooniya dadka soo galootiga ah ayuu wasiirku sheegay in la dhisayo isagoo yiri "Habka sharci-dejinta ee hadda jira wuxuu ahaa mid aan la sii wadi karin oo keenaya dib u dhac dheer oo ku saabsan dhamaystirka arrimaha socdaalka oo ay ka mid tahay masaafurinta".

Sanadkii 2019 oo ay dhaceen weerarradii ugu xumaa ee ka dhanka ahaa ajaanibta ku ganacsada dalkaas ayaa la soo tebiyay in uu dhaqaalihiisa hoos u dhacay.

Shaqo-la’aanta xilligaas ka jirtay Koonfur Afrika ayaa lagu qiyaasay 27%. Si guudna, waddankan ku yaalla dhinaca koonfureed ee qaaradda Afrika ayaa ka mid ah dalalka ay ka dhacaan dilalka ugu badan ee caalamka.