Batariyaal aan weligood dhammaan oo laga sameeyay suuf iyo biyaha dhanaan ee badda

Xigashada Sawirka, Alamy
Korontadu waa maqan tahay. Balse waddo ku taalla Hindiya, waxaa jirta mashiin kaash lagala soo baxo oo ay dadku weli si farxad leh uga qaadanayaan lacago caddaan ah. Waxaa mahaddaas iska leh suuf la gubay.
Mashiintan waxaa ku dhex jirta batari kabid ah, waxayna ka sameysan tahay kaarboon si fudud looga soo saaray suuf.
"Hannaanka saxda ah, haddii aan daacad ahaado," ayuu yiri Inketsu Okina, oo ah sarkaalka sirdoonka ee PJP Eye, oo ah shirkadda Japan laga leeyahay ee sameysay batariga. Ma kaftamayo, sidoo kale. "Heerkulka waa mid qarsoodi ah dhulkuna sidoo kale. Cadaadisku waa qarsoodi," ayuu yiri.
Okina ayaa sheegay in cimilo kulul loo baahan yahay, kana sarreysa 3,000C (5,432F). Iyo in 1kg (2.2lbs) oo beer suuf ah 200g (7oz) oo kaarboon ah – iyo keliya 2g (0.07oz) loo baahan yahay batari walba.
Shirkadda ayaa suuf soo iibsatay sanadkii 2017 welina dhammaan ma aysan isticmaalin, ayuu yiri Okina.
Batariyada ay shirkaddu soo saartay, iyo baarayaasha Jaamacadda Kyushu ee Fukuoka, Japan, kaarboonka ayaa loo isticmaalaa anode oo ka mid ah waxyaabaha lagu dabeeyo batariga.
Inta badan batariyada ayaa anode ahaan u adeegsada graphite balse PJP Eye ayaa ku doodeysa in hannaankooda uu yahay mid oolli kara, maaddaama ay anodes ka sameyn karaan haraaga suufka ka haray shirkadaha dharka.
Iyadoo batariyadu ay leeyihiin dalabaad aad u badan sanadaha soo socda, taasoo ay uga sii dareen sare u kaca gawaarida korontada ku shaqeeya iyo hannaanka keydinta tamarta, baarayaasha qaar iyo ganacsiyada ayaa xiiso u qaba soos aaridda suurtogalnimada ah in lala yimaado wax beddeli kara batariyada ka sameysan lithium iyo batariyaasha graphite ka sameysan kuwaasoo maanta aad caan u ah.
Sida PJP Eye, waxay ku doodayaan in laga yaabo inaan isticmaalno kuwo oolli kara iyo waxyaabo aad loo heli karo si batari looga soos aaro.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Soo saaridda Lithium ayaa saameyn la taaban kara ku yeelan karta deegaanka. In birta la soos aaro waxay u baahan tahay xaddi badan oo biyo iyo tamar ah, hannaanka ayaana dhibaato badan u geysan kara dhulka.
Maaddama lithium ee lasoo saaro ayaa aalaaba meelo fog fog loo dhoofiyaa iyadoo laga soo qaadayo halka laga qoday si loogu sifeeyo dalalka sida Shiinaha. Graphite, qudhiisa, ayaa la qodaa amaba laga sameeyaa shidaalka la cusbooneysiin karo, kuwaasoo labadoodaba saameyn taban ku leh deegaanka.
"Aad ayay u fududdahay in la qiyaaso, iyadoo waxa laga sameeyo batariga uu soo marayo qoditaan iyo dhoofin, sida kaarboonkaas uu isu biirsan," ayuu yiri Sam Wilkinson, oo ah falanqeeye ka tirsan shirkadda S&P Global Commodity Insights.
Tusaale ahaan: cobalt, oo loo isticmaalo batariyaal badan oo ka sameysan lithium-ion, waxaa intooda badan laga soo saaraa Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo. Balse waxaa jiray warar sheegaya in xaaladaha shaqo ee halkaas ay halis yihiin.
Laga soo bilaabo biyaha badda ilaa haraaga iyo kalarrada dabiiciga ah, waxaa jira liis dheer ah oo ay ku jiraan waxyaabo beddel u noqon kara oo si aad ah loo heli doono – dhanka adag ayaase ah caddeynta in midkood uu si dhab ah ula tartami karo noocyada bateri ee haatan suuqa yaalla.













