Faa'iidooyinka caafimaad ee laga helo canabka ee aadan ogeyn

Canab

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Canab

Khabiir ku takhasusay nafaqeynta ayaa sharraxaya faa'iidooyinka caafimaad ee canabka, waxaana uu sheegay in ilaa shan faa’iido oo kala duwan laga helo .

Canabku waa miro yar oo isku xiran oo ka baxa qaar ka badan oo ka mi ah dalalka caalamka,waxaa laga sameeyaa sabiibka sidoo kale waxaa loo isticmaali kara in laga sameeyo khamriga.

Canabku wuxuu leeyahay midabbo kala duwan sida, guduud, cagaar, madow, jaalle, iyo midabka casuuska.

Dusha sare waxaa kaga daboolan maqaar khafiif ah oo jilicsan, gudahana wuxuu ka kooban yahay nafaqooyin badan oo wax tar u leh jirka bani'aadamka.

Dalalka uu ka baxo sida (UK) iyo midowga Yurub, Canabka waxaa la goostaa inta u dhaxaysa dabayaaqada Agoosto ilaa Nofembar, oo ah waqtiga uu bislaado.

Canab

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Canab

Shanta Faa'iido ee cabanbku u leeyahay caafimaadka

1 Shanta Faa'iido ee cabanbku u leeyahay caafimaadka

Canabku wuxuu ka mid yahay cunnada kor u qaadda difaaca jirka, sidaan kor ku soo xusnay waxaa ka buuxa fitamiino ka hortaga bakteeriyada, fayrasyada iyo caabuqyada, waxaa kaloo laga helaa fitamiinka E oo ka qayb qaata kobcinta difaaca jirka isagoo ka saacido waxyaabo badan.

Maadada “Flavonoids” ee ku jirta Canabka waxa ay hoos u dhigtaa heerka kolestaroolka waxayna caawisa isku-dheelitirka dufanka marka horeba khafiifka ah ee LDL loo yaqaanno ama kalastaroolka xun, taas oo hoos u dhigaysa khatarta wadne istaagga, cudurka faaligga, iyo xanuunka halbowlaha wadnaha (coronary artery disease)

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Canabka waxaa ku jira maadooyinka Resveratrol, Calcium, fitamiin K, Manganese, Magnesium iyo Potassium oo dhammaantood ka qeyb qaata kobcinta cufnaanta lafaha. Canabku wuxuu ka hortagaa xaaladda lafo burburka oo ku badan dumarka.

2- Sare u qaadista caafimaadka wadnaha:

Maadooyinka ku jira Canabka ee Fiber iyo Potassium ayaa ah kuwo waxtar u leh shaqada wadnaha, ayaga oo ka ilaaliya cadaadiska dhiigga, waxaana ay sidoo kale ka hortgaan bararka .

Canabka waxaa ka buuxa maadooyin kale kuwaas oo qaabilsan in unugyada jirka ka ilaaliyaan dhaawaca ka dhasha sunta ka dhalata waxyaabaha jirka gala.

3- Waxtarka Caafimaadka indhaha ee Canabka:

Canabku wuxuu kaloo ka hortagaa daawana u yahay xanuunnada ku dhaca indhaha loona yaqaanno “Macular Degeneration”, cilladaani waxay ku timaadaa qofka markuu duqoobo, wuxuu kaloo ka hortagaa caadka indhaha fuula.

4- Ka hortagga macaanka:

Canabka waxaa ku yar waxa loo yaqaanno “glycemic index (GI)” oo ah cabbirka dhaqsiyaha ay cunnadu kor ugu qaado heerka sonkorta dhiigga.

Canabka waxaa ku jirta maado la yiraahdo “Resveratrol” oo caawisa in sonkorta dhiigga heerkeeda dabiiciga ah aysan iska beddelin.

5- Caafimaadka maskaxda

Canabku waxa uu hoos u dhigaa madax xanuunka, waxa uu xoojiyaa caafimaadka maskaxda, waxa uu ka hortagaa cudurka maskaxda burburiya ee asaasaqa, qofka uu ku dhacana waxa uu u noqdaa dawo wax badan ka caawisa.

Miraha canabku waxay xoojiyaan xusuusta, waxayna wanaajiyaan dareenka qofka.

Qof kasta ma cuni karaa Canabka

Canab

Xigashada Sawirka, social media

Qoraalka sawirka, Canab

In dhibaato caafimaad laga qaado canabka waxaa loo arkaa mid naadir ah, laakiin waxaa suurtagal ah in xasaasiyad uu kugu kiciyo.

Haddii aad leedahay calaamadaha falcelinta xasaasiyadda, sida hindhiso badan, qufac, ama neefsashada oo kugu adkaata, tani waa xaalad degdeg ah oo caafimaad waxayna u baahan tahay daaweyn degdeg ah ma ahan mid uu keeno canabku

Dadka qaata daawooyinka qaarkood, waxa lagula taliyaan in aysan badsan cunista canabka oo mar walba aad dhaqtarkaaga kala tashatid in aad cunayso.