Sida Muhandiskan dhallinta yar ee Soomaaliga u sameeyey diyaarad duuliye la'aan ah

Xigashada Sawirka, AC KORNAYL
Axmed Xasan Maxamuud oo wiil dhalinyara ah oo ku nool degmada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa hirgaliyey hami uu qabay ilaa intii uu yaraa oo u noqotay riyo u romowday.
Bilowgi 2018 ayuu bilaabay mashruuc uu doonayey inuu ku sameeyo diyaarad drone ah oo duulaysa kaas oo sida BBC-da u sheegay Axmed uu kala kulmay caqabado badan oo isugu jiray kuwa uu kala kulamo ehelka iyo saaxiibadiis iyo caqabadihii ka qabsaday helitaanka agabyadii uu u baahnaa.
Wuxuu sheegay inuu aad u jeclaa maadooyinka Kimistariga iyo Fiisigiska intii uu dhiganayey waxbarashada dugsiga sare oo uu dhameeyey 2020-kii, uuna darajo ahaan keenay A+,kuwaas oo ka caawiyey inuu yeesho aqoon uu ku ferkaro inuu dhiso diyaaradan
“Dadka ehelka ah,deriska iyo dadka asxaabtayda waxay igu oran jireen qaarkood intaan howshan waday wuu khafiifay ama waashay waayo biro badan iyo qalab ayaa ii yaalay meeshan ku samaynayey, qaar kale oo waalidkay ahna ayaa I garab qabtay oo I taageeray” ayuu yiri Ahmed.
diyaarada iyo Qalabka ay ka kooban tahay

Xigashada Sawirka, AC KORNAYL
Sida uu Axmed sheegay qalabka diyaarada ayaa ka kooban kuwa uu isagu gacantiisa ku sameeyey oo isku rakibay iyo kuwa uu ka dalbaday dalka dibadiisa.
Matoorka diyaarada, Marwaxadaha, ramuutka laga hago iyo Baytariga ayuu xusay inuu ka dalbay habka online-ka oo ka dirsaday dalka Shiinaha.
Waxaa intaa ku daray in 80% agabka kale ee diyaarada uu isagu sameeyey ayna ka kooban tahay waxyaabo biro ka samaysan oo deegaankiisa ka helay.
Fahankiisa engineernimo ee ay hibadu weheliso ka sokow waxaa uu sheegay in internetka uu ka heli jiray aqoonta qaar oo ku saabsan sida walxaha duula loo hirgaliyo.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
“Arinta ugu muhiimsan waa cabirka iyo naqshadaynta taas ayaa ka muhiimsan qalabka, waxay u baahan tahay xisaabo, Cuf-is-jiidadka iyo baalasha diyaaradda oo la saxo si ay ula falgasho hawada markay duulayso marka waxaa waqtiga ugu badan waxa ka qaadaya waa in shaygu duuli karo” ayuu yiri Ahmed Xasan.
Wuxuu diyaaradiisa kowaad ee uu soo saaray ugu magac daray Maandeeq oo sida uu sheegay ah astaan gobanimo oo suugaanta ku tilmaamtay bilashadii Jamhuuriyad xor ah oo Soomaali ah.
Culayska diyaarada ayaa ka kooban 1.5kg, balaceeda dhanka baalasha ayaa dhan 1.5 meter halka dhererkeedu dhan yahay 1 mitir.
Diyaaradan ayaa hawada sare u duuli karta masaafo dhan 1500 mitir oo dhan kasta marka laga qiyaaso halka uu Ahmed ka hagayo rumuutka. Halka ay hawada ku jiri karto 30 ilaa 25 daqiiqo marka ay xawaaraha dabayshu ay xoog leedahay iyadoo xiliyada dabayshu hooseyso ay ka badan tahay waqtiga duulimaadkeeda hawada.
Waxaa uu intaa raaciyey inuu helayo digniino uu bixinayo rumuutka marka baytariga dhamaanayo.
Mar uu ku sigtay inuu iska dayo.
Intii uu ku jiray samaynta diyaaradan,wuxuu xusay in uu mararka qaar gaaray niyad jab ilaa heer uu faraha ka qaado samaynteeda. Sababta ugu weyna wuxuu xusay in tahay in marar badan siduu rabay ugu hirgali weyday
Maalin kasta wuxuu duleedka Buurtinle u bixi jiray afar saacadood si uu ugu guulaysto tijaabadiisa duulinta oo u arko inay diyaaradiisa oo mar uun hawada gasha.
Bandhigii Diyaarada.

Xigashada Sawirka, PUNTLAND STATE HOUSE
Toddobaadkan ayey Ahmed u suurta gashay inuu soo bandhigo diyaaradiisii uu mudada dheer samaynayey ka dib casumaad uu ka helay bandhiga buugaagta Nugaal oo Garoowe oo fursad u siiyey in diyaaraddu ka mid noqoto waxyaabihii lagu bandhigay madashaasi.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni ayaa ka mid ahaa dadka uu kula kulmay bandhiga oo sida uu BBC-da u sheegay Ahmed ka helay dhiira galin ah inuu sii wado riyadiisa.
“Madaxweyne Deni wuxuu igu yiri hore u soco laakin wax intaas dheer iima sheegin, wuxuuse khudbadiisa ku sheegay in loo bahan yahay in dhalinyarada anigoo kale ah ee hal abuurka leh la taageero” ayuu intaas raaciyey.
Axmed wuxuu sheegay inuu jeclaan lahaa in Dowlada Soomaaliya ay ka fekerto sidii looga gacan siin lahaa si uu u sii wado soo saarista diyaarado drone ah oo dalku mustaqbalka yeesho, kana caawisa dhanka horumarka iyo ciidamadaba.
Wuxuu intaa ku daray in diyaaradiisa Maandeeq loo adeegsan karo in lagu xiro kaamarado wax lagu duubo ama loo adeegsan karo dhanka sahanka.
Mustaqbalka ayuu tilmaamay inuu rajaynayo inuu samayn doono diyaaarado kaligood is wada oo awood u leh in Computerka laga hago oo ka miisaan weyn tan hada uu soo saaray.














