Waxa lagu samaynayo dawooyinka dadka lagu dilo ee Maraykanku raadinayo

Xigashada Sawirka, Getty Images
Randy workman waa sarkaal ka shaqeeya qaybta xabsiyada ee gobolka Oklahoma. Shaqsiyan wuxuu ka qayb qaatay 32 dil oo uu kaalimo kala duwan ku lahaa, waxaana kamid ah inuu maxaabiista soo kaxeeyo, inuu kala xulo dilayaasha, iyo inuu dalbado irbadaha dadka lagu dilo.
“Waad ogaan kartaa marka ay dhacayaan. Tiro badan oo ka mid ah ah ayaad isha ku haynaysaa, degdeg ayaadna u ogaan kartaa marka ay dhamaadaan” ayu BBC u sheegay.
Shaqadiisa isbeddel ayaa ku yimid 2010 markii Hospira oo ah shirkadda samaysa dawada Sodium Thiopental ay joojisay samaynta dawada ee Maraykanka sababo aan la cayimin, laakinse lala xiriirinayo helitaanka waxyaabaha laga sameeyo.
Dawada oo qofka miyirka ka qaadda, culaysna saarta hanaanka dareen-wadka,waa mid ka mid ah 3 dawo oo aad loogu isticmaalo dilka, waana dawada ugu faca weyn ee la ansixiyey in ciqaabta dilka loo adeegsado.
Shirkaddu waxay isku dayday in soo saarista dawada ay u wareejiso Talyaaniga oo ah dal ciqaabta dilka ay mamnuuc ka tahay, laakinse dalkaasi waa uu diiday inuu u ogolaado Hospira ilaa iyo in ay damaanad qaddo in aan loo adeegsan doonin in dad lagu dilo.
Sidaa darteed, shaqadiisa ayey noqotay inuu dawo kale helo, mana sahlana. “waxay kaa dhigaysaa qof umadda ka gooni ah sababtoo ah waxaad dareemaysaa indunida oo dhan ay kugu kacsan tahay”. Workman waxaa u suurto gashay inuu dawada ka helay shirkad ku taalla Hindiya.

Dhinaca kale, gobolka Arizona, madaxa xabsiga Carson McWilliams wuxuu isna geestiisa ka raadinayey dawada dadka lagu dilo.
Wuxuu telefoonno ku wacayey shirkadaha dawooyinka si uu u ogaado haddii ay hayaan dawooyin ka haray shixnado hore.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Markuu dhinacna waayey ayuu Hindiya u jeestay, dhowr dalab ayuuna sameeyey.
Aad ayey muhiim u ahayd in la helo, sida uu sheegay McWilliams, waayo marka gobolka Arizona la soo saaro amarka, xabsiga wuxuu haystaa 31maalmood oo uu ku fuliyo, ka hor inta uusan amarku dhicin, haddii kale waxay noqonaysaa in dib loo soo bilaabo hanaanka.
“Saacad ayaa kugu socota, sidaa darteed waa in aad noqotaa qof hal-abuur leh oo wax kasta oo aad samayn karto aad samayso si ay kuugu suurto gasho” ayuu yiri.
Mixnada kale waxay tahay, marka Maraykanka la keeno ayaa waxaa la wareegaya saraakiisha federaalka.
Wuxuu mar kale McWilliams la xiriiray shirkad Ingiriiska ku taalla uu u keeni karta Sodium thiopental, waana sharci inay u soo dhoofiso, laakinse ama ahayn shirkad weyn oo la yaqaano.
Boqolaal xirmooyin yaryar ah oo ay ku jirto budada cad ayaa lagu soo xiray kaartoon loo soo diray xafiiska McWilliams. Madaxda xabsiyada ayaa hoosta isaga sheegay, farriimo badan ayaana la is dhaafsaday, wuxuuna McWilliams noqday nin laga soo doonto dawada iyo halka laga heli karo.

Iminka ilaa 2,400 oo maxbuus ayaa xabsiyada ku jira oo dil sugeyaal ah, laakin ilaa 60 shirkadood oo ah kuwa dawada sameeya ma ogola in dawadooda loo isticmaalo in dad lagu dilo.
Gobollo ay ka mid yihiin Idaho, Mississippi, Oklahoma, Utah ioy South Carolina waxay ansixiyeen sharci u ogolaanaya inay maxaabiistu dooran karaan in toogasho lagu dilo.
Workman hadda wa hawlgab, wuxuuna ku nool yahay beer yar oo u dhow Xabsiga gobolka Oklahoma.
Mar uu dib u milicsaday juhdigii uu galiyey inuu helo dawada dadka lagu dilo ayuu yiri “waxay ahayd dhib weyn, waxay la mid ahayd sidii in aad la macaamilayso dadka ka shaqaysta dawooyinka sharci darrada ah”.
Wuxuu taageeraa ciqabta dilka ah, laakinse wuxuu doonayaa inuu hawshaas iska illoobo oo uu noloshiisa reer miyiga ku noolaado.
“Ma jecli in aan daawado dad dhimanaya, Shaqadayda ma aha, weli dadkaas waa dad” ayuu yiri.













