Hab-taranka raha: Maxay raha dhedig isaga dhigtaa wax dhintay si uusan ugu tegin kan labka ah?

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Si ay uga fogaato saameynta kasoo gaareysa kulanka dhex maraya raha labka ah, tan dhedig ayaa qaadda tallaabooyin yaab leh. Sida ku xusan daraasad 11-kii bishan lagu daabacay joornaalka Royal Society Open Science, raha dhedigga ah ee Yurub kasoo jeeda ayaa dhulka isku kala daadisa waxayna jishaa inay dhimatay oo kale si ay isaga dhiciso in kan labka ah uu u galmoodo.
Daraasaddan, ayaa koox ka socota Matxafka Taariikhda Dabiiciga ah ee Berlin ee Jarmalka ayaa rah lab ah geliyay sanduuq waxayna la geliyeen rah yar oo dhedig ah iyo mid weyn waxayna muuqaal ka duubeen dabeeccaddooda isu galmoodka.
Waxay u kuur galeen 54 tusaalooyin oo raha dhedigga ah marka kan labka ah uu kulan dhex marayo, waxayna ogaadeen in boqolkiiba 83 dhediggu ay dhulka is waraan.
Ilaa 33 boqolkii ayaa iyaguna muujiyay dhaqdhaqaaq la’aan. Tani waa marka uu rahu kala bixiyo gacmihiisa iyo lugihiisa si uu isaga dhigo wax dhintay.
Dhaqdhaqaaq la’aanta ayaa waxaa la socda inay is geddiso raha dhedigga ah. Kuwa yaryar ayaa aad u isticmaala sadedxdan taatiko marka la eego raha waaweyn.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxaa xiiso leh, dabeecaddan aan caadiga ahayn ayaa dhab ahaantii la arkay qarniyo kahor. “Waxaan helay buuk uu 1758 qoray Rösel von Rosenhoff kuna qeexayo dabeecaddan, taasoo aan mar kale lasoo hadal qaadin,” ayay Carolin Dittrich u sheegtay wargeyska The Guardian. “Waxaa markii hore loo maleyn jiray in dhediggu aysan awoodin inay doortaan amaba aysan iska difaaci karin galmada labka. Dhediggu maaha sidii markii hore loo maleynayay.”
Kooxdan ayaa garwaaqsan in dabeecaddan ay sidoo kale tahay hab lagu tijaabin karo awoodda iyo adkeysiga labka, maaddaama dabeecaddan ay xoojin karto fursadahooda badbaadada.
Waxay sidoo kale sheegeen in loo baahan yahay in raha dhedigga ee yaryar lagu tijaabiyo kuwa labka ee waaweyn si loo ogaado in dhedigga yaryari ay baxsan karaan iyo in kale.
Taatikadan jilidda ayaa sidoo kale waxaa adeegsada xayawaanno kale si ay uga badbaadaan in la cuno.
Oraahda “jilidda opossum” waxaa laga soo xigtay taatiko ay adeegsadaan xayawaanka opossum ee Waqooyiga Ameerikaanka lagana helo Mareykanka iyo Canada.
Marka xayawaan-biyoodkan uu soo weeraro madax-kuti, wuxuu isu tuuraa dhabar dhabar, ilkaha ayuu bannaanka keenaa, dhareer baa ka daata, waxayna gadaal kasii deysaa dheecaan qurmuun si ay khatarta uga baxsato.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sidoo kale noocyo shimbiraha ka mid ah oo Waqooyiga Ameerika laga helo ayaa iyagana wax dhintay iska dhiga marka uu soo weeraro madax kuti.
Tijaabo la sameeyay sanadkii 1975, 29 ka mid ah 50 shimbiro kala duwan ayaa iska dhigay wax dhintay markii lagu sii daayay dawaco.
Shimbirahan ayaa si dhereriyay oo dhulka is dhigay ilaa markii dambe ay cagaha wax ka dayeen.
Inkastoo ay yihiin xayawaanno wax iska dhicin kara, haddana libaax-badeed badan ayaa iyaguna adeegsada taatikadan dhaqdhaqaaq la’aanta.
Libaax-badeedka loo yaqaanno Liinta ayaa dhabar dhabar isu jeediya, wuu neefsadaa wuxuuna marmar sameeyaa dhaqdhaqaaq marka uu khatar wajaho. Libaax-badeedka Zebra ayaa iyaguna sidan sameeya waxayna xitaa iska dhigaan waxaan dhaqaaqi karin marka gaari lagu rido ee meel loo sii wado.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Caaracaarada labka ah ayaa soo bandhiga jilidda dhimasho oo qaab kale ah loona yaqaanno thanatosis. Waa qeyb ka mid ah shukaansiga iyo haddiyad isa siin oo billowda kulanka kahor.
Daraasad la sameeyay sanadkii 2006, caaracaarada labka ah ayaa “iska dhiga wax dhintay” marka ay soo aadaan kuwa labka ah ee u muujiya xiisaha.
Marka ay galaan xaaladdan thanatosis, caaracaarada labka ah ayaa dhulka iska dhiga oo is kala wara ilaa ay tan dhedigga ah ka cunto haddiyadda uu ugu talo galay. Markaas ayuu bilaabaa inuu dhaqdhaqaaqo sidaas ayayna howshooda ku bilaabataa.













