Sidee bay ciidamada Israa’iil u adeegsadaan shimbiraha ka dib dagaalkii Xamaas

shimbir

Xigashada Sawirka, RSPB

Qoraalka sawirka, shimbir

Ciidanka Israa’iil ayaa isticmaalaya shimbiraha ugaadhsiga si ay uga caawiyaan helitaanka maydadka dadkii ku dhintay goobihii ay Xamaas weerartay 7-dii October.

Ohad Hatzufe oo ka tirsan Hay’adda keymaha iyo Beeraha ee Israa’iil ayaa dabagal ku samaynayey hannaanka socdaalka ee shimbiro dhowr ah, isaga oo isticmaalaya aaladaha GPS-ka ee raadraaca.

Xogta uu siiyay milatariga Israa’iil ayaa ka caawisay in la helo meydadka afar qof tan iyo markii la weydiistay in ciidanka uu gacan siiyo 23-kii bishii hore.

Wuxuu sheegay in duullimaadka shimbiruhu ay kaalin weyn ku leeyihiin helitaanka dadka la waayay .

Khabiir ku takhasusay cilmiga deegaanka ee Israa’iil ayaa sheegay in markii ugu horreysay uu falanqeeynayo xogta duullimaadyada gorgorka baal-caddaha ah ee u dhashay Israa’iil iyo macluumaadka uu ka keeno gobihii dagaalku ka dhacay iyada oo laga tixracaayo dayax gacmeed ku xiran.

Gorgorka baal-caddaha ah oo ka mid ah shimbiraha ay isticmaalayso Israa’iil ayaa ah mid ku dhaw in uu dabar-go’, balse waxaa hadda dowladda ay billowday dadaalo dib loogu soo celinayo.

Macluumaadka ay shimbiruhu Keenaan ayaa sababay in la helo haraadiga meydadka afar qof, ayada oo goobaha uu ku hakado shimbirka ay tahay meelaha laga yaabo in ay yaalaan meydadka.

Ohad Hatzufe ayaa sheegay in xog badan oo shimbiruhu Keenaan uu la wadaagay milatariga Israa’iil.

Waxa uu sheegay in ay wanaagsaneyd in gacan laga geysto dadaalka baadigoobka dadka waayay maxa yeelay su’aalaha qoysaska dhibanayaasha waxaa ay mudan tahay in jawaabo loo helo.

Askari Israa'iil ah

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Askari Israa'iil ah
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada Israa'iil ayaan weli ka jawaabin codsi BBC-da u dirtay oo la xiriira kaalinta shimbiraha iyo sida loo tababaray .

7-dii Oktoobar, qiyaastii 1,500 oo dagaalyahannada Xamaas ah oo hubaysan ayaa jabsaday xayndaabka xuduudda Israa'iil ay la leedahay Marinka Qaza ee koonfurta Israa'iil waxayna weerareen dadka Israa,iiliyiinta ah ee u dhow xadka, saldhigyo milatari iyo Bandhig faneed ka socday meel u dhaw xadka .

Weerarkan, ayaa waxaa lagu dilay 1400 oo muwaadiniin Israa’iil ah halka in ka badan 200 oo qofna lagu qafaashay.

Israa'iil ayaa wali waxay baadi goobaysaa meydadka qaar ka mid ah dadkii looga dilay dagaalkii xamas.

Weerarkii Xamaas ka dib Israa'iil ayaa dagaal ku qaadday Marinka Qasa kaas oo iminka galay maalintii 40-aad.

Dagaalka waxaa ku dhintay in ka badan 11,000 oo reer falstiinta ah sida ay shaacisay wasaarrada caafimaadka Xamaas ee maamusha Marinka Qasa, ayada oo kumanaan kalana ay ku dhawacmeen.

Waxaa sidoo kale marinka Qasa ka qaxay boqolaal kun oo qof kuwaas oo wajahay xaalado adag oo dhanka nolosha ah sida ay sheegayaan qaramada midoobay iyo haa'yadaha garaarka.

Xilliyadii ay socdeen dagaalkii 1aad iyo kii labaad ee adduunka ayaa qoolle yda aad loogu adeegsaday inay farriimaha qaaddo.

Sannadkii 2010 ayaa Hindiya waxay ka shakisay in Pakistan ay u adeegsatay qoolley in farriimo ay u soo qaaddo, 2015 waxay Hindiya sheegtay in ay Jammu iyo Kashmir ku qabatay shimbir basaas ahayd.

2016 ayaa sarkaal ka tirsan ilaalada xuduudaha Urdun wuxuu shir jaraa'id ka sheegay in kooxda ISIS ay qoolle yda u isticmaalaan inay farriimo ugu dhiibaan xubnaha ururkaas ka tirsan ee jooga meel ka baxsan deegaannada ay kooxdu ka hawl gasho.