Wax ka ogoow dhawr sababood oo guusha u sahashay Dr. CK oo uu shaaca ka qaaday

Xigashada Sawirka, CK
Waxaa xalay magaalada Muqdisho looga dhawaaqay abaalmarinta la siiyo dhakhaatiirta ugu fiican takhasusyada kala duwan.
Abaalmarintan ayaa waxaa bixinaysay xarunta abaalmarinada caafimaadka ee Somali Health Awards waxaana abalmarino la gudonsiiyay dhakhaatiir ku takhasusay cuduro kala duwan.
Go'aanka abaalmarinta ayaa sida ay sheegeen madaxda Somali Health Awards waxaa lagu go'aamiyay codeyn ay dadwaynaha qaab online ah u sameeyeen.
Waxaa dhakhaatiirta abaalmarinta ku guuleysatay ee sida wayn loo hadal hayay ka mid ahaa Dr Cabdikarim Maxamed Cusmaan (Dr CK) islamarkana ah dhaktar ku taqasusay caafimaadka iyo daweynta xanuunada ilkaha.
Dr-Cabdi kariim oo BBC la hadlay ayaa sheegay in ay si ayn u farxad galisay abaalmarinta uu ku guuleystay.

Xigashada Sawirka, Somali Health Awards
Dr CK ayaa sheegay in guushan ay dhowr arrimood ay sabab u yihiin isaga oo sheegay in taageerayaashiisa u codeeyay ay u suuragaliyeen islamarkana uu uga mahadcelinayo.
"Waxaa guushan sababteeda lahaa dhammaan taageerayaasheyda, mahad oo dhanna waxay u sugnaatay ilaah ii suuragaliyay inaan ku guuleysto abaalmarinta," ayuu yiri Dr CK.
Waxaa uu xusay in shaqadiisa oo uu si hufan uu u gutay iyo alle ka habsi uu ku muteystay baalmarintan.
"Waxaan is dhihi karaa abaalmarintan waan ku muteystay in shaqa wanaageyga aan ku daray alle ka cabsi, daacadnnimo iyo dadka aan si siman ugu adeego," ayuu intaa ku daray.
Waa kumaa Dr CK?
Dr-Cabdi kariim Maxamed ayaa sida uu sheegay waxaa uu ku dhashay dalka sacuudiga halkaasi oo waxbarashadiisii dugsiga hoose dhexe uu ku so qaatay.
Dr CK ayaa waxbarsahdiisii dugsiga sare ku qaatay magaalada Baledwayne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Dr-Cabdi kariim Maxamed (Dr CK ) ayaa markii uu dugsiga sare dhameystay waxaa uu aaday jaamacadda Camuud ee magaalada Borama halkasi oo caafimaadka ilkaha uu ka soo bartay.
Shaqadiisa xirfadda caafimaadka ilkaha ayaa sida uu sheegay waxaa uu ku jiray muddo 4 sano ah.
Maxaa ka mid cudurada ilkaha ee dadka inta badan ku dhaca?
Dr-Cabdi kariim Maxamed (Dr CK ) ayaa sheegay in bukaano ka cabanaya cudurada kala duwan ee ilkaha ay u yimaadaan ayna daweeyaan.
Waxaa uu xusay in cudurada ugu badan ee bukaanada u yimaada ay la xanuunsanayaan uu ka mid yahay xanuunka Suuska ilkaha gala.
"Dhacdooyiinka iyo xaaladaha ugu badan ee noo yimaadda ee xanuunada ku dhaca ilkaha waxaa ka mid ah xanuunka suuska iyo ciridka," ayuu yiri.
Dr CK ayaa intaa ku daray in qofka si uu uga baaqsado xanuunada ilkaha ku dhaco laga doonayo in uu daryeelo ilkihiisa.
Waxaa uu si gaar ah farta ugu fiiqay in qofka ku dadaalo nadaafada ilkaha lana isticmaalo dawooyiinka lagu rumeysto.
"Waxaan la gudboon oo dhammaan macaamiisha iyo saaxibadey aan kula taliyaa in qofka ku dadaalo nadaafada afkiisa uu isticmaalo boomaatada cadeyga sababtoo ah waxay ka hortagtaa maadada Suuska," ayuu yiri Dr CK.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Maxay tillaabooyiinka laga doonayo qofka xiranaya ilkaha?
Dr-Cabdi kariim Maxamed (Dr CK ) ayaa waxaa uu sheegay in maalmahan dambe ays oo badanayaan dadka doonaya in ay qurxiyaan ilkahooda gaar ahaan biraha lagu xiro ilkaha.
Dr CK ayaa ka digay in qofka uu isaga gaaro go'aanka xirashada ilkaha isaga oo sheegay in dhibaato ay uga imaan karto.
Waxaa uu carabka ku dakeeyay in ay jiraan tallaabooyiin caafimaad iyo baaritaano ay tahay in qofka uu maro ka hor inta aan ilkaha loo xirin.
"Tallabooyinka laga rabo qofka ka hor inta uusan ilkaha xiran, waa in uu booqdaa dhakhtar ilko ka dib dhakhtarka ayaa baaritaan u smaeyn doona taasi oo ah in la hubiyo caafimaadka afkiisa," ayuu yiri.
Dhakhtarka ayaa intaa ku daray in cudurada ay tahay in laga baaro ay ak mid yihiin sida suuska, xanuunada ku dhaca ciridka lan marsiinayo baaritaano dhanka raajada ah.
"Waxaa si gaar ah loo eegayaa in ilkihiisa qaarkood ay suus leeyihiin, sidoo kale in ciridkiisa uu xanuunsan yahay ama dhaawac leeyahay ama caabuq" ayuu yiri Dr CK.













