Jasiiradda Rose: Amiirkii dhisay jasiirad isaga u gaar ah

Xigashada Sawirka, Lorenzo Rosa/Netflix
Dabayaaqadii 1960-meeyadii, injineer u dhashay dalka Talyaaniga ayaa jasiirad isaga u gaar ah ka dhisay badda Adriatic, jasiiraddaas oo ka koobneyd maqaayad, meel lagu caweeyo, dukaan iyo xafiis boostada ah. Waa sheeko aan caadi ahayn, taas oo aan la soo bandhigin muddo tobnaan sano ah.
Jasiiradda Rose, oo ah filim cusub oo ka bixi doona shirkadda Netflix ayaa waxaa lagu soo bandhigayaa sheekada dhabta ah ee Giorgio Rosa iyo dagaalkii uu kula jiray dowladda Talyaaniga isaga oo doonayay in jasiiraddii uu naftiisa u dhisay loo aqoonsado dal madax bannaan.
Waxaa laga yaabaa inaadan maqlin sheekada, haddii aadan ku nooleyn magaalada waqooyiga Talyaaniga ku taalla ee Rimini, halkaas oo uu Rosa ka dhisay dal yar oo isaga gaar u ah.
"Waa sheekooyinka ka jira Rimini ee ay waaliddiinta uga sheekeeyaan caruurtooda iyo kuwa ay sii dhaleen," ayuu yiri soo saaraha filimka Matteo Rovere. "Waa sheeko aad caan u ah, balse keliya laga yaqaanno gudaha Rimini. Waxaanu u aragnay inay tahay sheeko aan caadi ahayn, isla markaana ay wax lala yaabo tahay inaynaan ka war heyn."
Kahor geeridiisii sanadkii 2017 isaga oo jiray 92 sano, Rosa wuxuu la kulmay dadka aflaanta sameeya, kaddib markii ay ku qanciyeen wuxuu u fasaxay inay baahiyaan sheekada. Filimku wuxuu soo bandhigayaa dhismihii jasiiradda, iyo sidii uu Rosa u diiday codsigii dowladda Talyaaniga ee ahaa inuu burburiyo jasiiradda.

Xigashada Sawirka, NETFLIX
Sheekadu waxay soo bilaabatay sanadkii 1967, markaas oo Rosa uu qorsheeyay inuu dhiso dal yar, kaas oo looga gol lahaa inuu calaamad u noqdo xorriyadda. Dad badan ayaa xilligaas u heystay inuu yahay qof waalan. Balse sida uu tilmaamayo wiiliisa, dhismaha L'Isola delle Rose wuxuu u baahnaa xirfad farsamo.
"Aabbahay wuxuu ahaa injineer weyn, gudaha Talyaanigana sidan oo kale ayaa lagu sheegaa si loo fahmo nooca qofka uu ahaa," Lorenzo Rosa ayaa sidaas yiri. "

Maxay ahayd Jasiiradda Rose?

Xigashada Sawirka, Gambalunga Civic Library, Rimini
- Sanadkii 1967, injineer u dhashay Talyaaniga oo lagu magacaabo Giorgio Rosa ayaa naqshadeeyay isla markaana dhaqaale ku bixiyay dhismaha dhul jasiirad cabbirkeedu yahay 400m oo isku wareeg ah taas oo 26m ka sarreysa biyaha.
- Jasiiradda waxaa laga dhisay meel 12km u jirta xeebta Rimini, oo ka xaggeysa biyaha Talyaaniga, taas oo micnaheedu ahaa inay ka baxsaneyd gacanta maamulka.
- Rosa ayaa isku magacaabay madaxweyne wuxuuna ku dhawaaqay in jasiiraddiisa ay tahay dal madax bannaan - oo lagu magacaabo Jamhuuriyadda Jasiiradda Rose.
- Maamulkii xilligaas ayaan ku farxin dhismaha jasiiradda ee aan laga war gelin isla markaana soo jiidaneysay dalxiiska iyada oo la bixin wax canshuur ah.
- Waxaa sidoo kale la sheegay in jasiiradda loo adeegsan jiray in khamri lagu cabo isla markaana lagu dheelo khamaar, siyaasiyiinta qaar ayaa sheegay in jasiiraddu ay khatar ku tahay ammaanka qaranka.
- Kaddib 55 maalmood markii lagu dhawaaqay madax bannaanida jasiiradda 24 June 1968, Talyaaniga ayaa ciidamo milatari ah u diray jasiiradda. 11-kii Febraayo sanadkii 1969 ayayna burburiyeen jasiiradda.
- Maalmo kaddib, duufaan ayaa qarisay gebi ahaanba dhismaa. Maanta, haraaga dhismaha ayaa ka muuqda badda Adriatic.

Jasiiradda Rose "oo ah sheeko ku saabsan xorriyadda, sida Giorgio Rosa uu uga soo horjeeday dowladda," ayuu sheegay Rovere in. "Uusan dooneyn inuu ka soo horjeesto sharciga, sababtoo ah sharciga sanadihii 60-meeyadii wuxuu dhigayay in haddii aad in ka badan lix meyl u jirto xeebta, ay tahay dhul aysan cedna lahayn, sidaas darteed aad ku sameyn karto waxaad doonto - sida inaad Dayaxa ku sugan tahay.
"Sidaas darteed wuxuu dhisay jasiiradda, taas oo ahayd mid yaab leh. Wuxuu ku dhisay isaga oo ay caawinayaan afar saaxiibbadiis ah iyo shaqaale yar, muddo lix bilood gudahood ah. Wuxuu soo saaray teknolojiyadda lagu dhisayo, aad ayuuna ugu qanacsanaa teknoljiyadda. Xaqiiqdii, markii aanu kala hadalnay [sameynta filinka] aad uma uusan xiiseyneyn sheekada, balse wuu ku qanacsanaa inuu nala wadaago teknolojiyaddii uu u adeegsaday dhismaha."
Markii la dhammeystiray, waxay jasiiraddu durba soo jiidatay indhaha wargeysyadii Talyaaniga, iyadoo uu socday dagaalkii Vietnam War iyo dibadaxyo ka dhan ahaa xuquuqda rayidka, ayay dadka dhalinyarada ah isugu imaan jireen Jasiiradda Rose si ay ugu madadaashaan ayna u dareemaan xorriyad.
Dadaallada lagu doonayay in lagu xiro ayaa caan ka sii dhigay. Dowladda Talyaaniga ayaa isku dayday inay qaadacdo jasiiradda iyadoo sheegtay in loo adeegsado howlo aan sharci ahayn sida khamaarka iyo daroogada.
"Waxay sidaas u sameeyeen keliya waxay doonayeen inay burburiyaan sumcaddeeda," ayuu yiri wiilka Rosa. "Waxay xitaa sheegeen in Ruushku uu adeegsanayay jasiiradda. Eedeyn kalena waxay ahayd in jasiiraddu ay tahay khatar oo aasaaskeedu uusan adkeyn, sidaas oo ay tahayna saddex jeer ayaa qarax lagu burburiyay."

Xigashada Sawirka, Simone Florena
Runtii, xaddiga shaqada adag ee naqshadeynta iyo dhismaha Jasiiradda Rose ma ahayn mid fudud, waxaa taas caddeyn u ah markii agaasimaha filimka Sydney Sibilia iyo kooxdiisa ay isku dayeen dhismaha wax u ek jasiiradda si loogu adeegsado filimka.
Nasiib wanaag, filimka waxaa lagu duubay meel lagu dabaasho oo ku taalla Malta. Balse weli waxaa jiray caqabado.
Sibilia ayaa sheegay in xaaladdu ay adkeyd. Wuxuu sheegay in aflaanta lagu jilo dhul, in haatan lagu jilo biyo gudahoodna ay noqotay wax aan fududeyn.
Wuxuu hadalka ku soo gabagabeeyay: "Aalaaba waxay agaasimayaasha yaryar i weydiiyaan inaan talo siiyo, taladeyda waa tan: filimka dhulka ku duuba!"

Xigashada Sawirka, SIMONE FLORENA
Sheekada ay sameysay Netflix waxay qeyb ka tahay qorshaha shirkadda ee lagu soo saarayo aflaan badan oo ku baxa luqado kale oo aan Ingiriis ahayn. Filimku wuxuu ku baxayaa luqadda Talyaaniga, inkastoo tarjumaad qoraal ah la saaray.
Jilaaga Talyaaniga u dhashay Elio Germano wuxuu ku jilayaa Rosa.
"Waxay caqabad nooga imaaneysay waxyaabo badan oo dhab ahaa," ayuu yiri Germano oo ka hadlayay hannaanka duubisya. "Biyaha, dabeysha, dhammaan wax dhab ah ayay ahaayeen, mararka qaar waxay nala mid ahayd sida aflaanta dagaalka, gaar ahaan aniga, sidaas darteed waxay ahayd khibrad adag dabcan."
Balse, wuxuu intaas ku daray in guul laga gaaray filimka.

Xigashada Sawirka, SIMONE FLORENA
"Xaqiiqdii aad ayuu uga murgay wuuna ka xumaaday [kaddib markii la burburiyay], dhibaato ayuu ka soo maray. Weligiis kama uusan hadlin. Way fiicneyd inuusan qofna ka hadlin sababtoo ah aad ayay taasi usii murjin jirtay, inkastoo uu ka jawaabi jiray haddii su`aalo laga weydiiyo," ayuu yiri wiilkiisa
"Marxaladihii ugu murugada badnaa ee aan maqlay waxay ahayd markii uu warqad ka helay dowladda Talyaaniga taas oo looga doonayay inuu bixiyo lacagtii ku baxday burburintii jasiiradda oo ahayd 11m lira xilligaas." (lacagtaas hadda ma jirto balse waxay qiyaastii ahaan lahayd £5,200.)
Wuxuu hadalkiisa ku soo gunaanaday: "Waan hubaa aabbahay wuu jeclaan lahaa filimka, inkastoo ay soo xusuusineyso xanuunka."

Xigashada Sawirka, Lorenzo Rosa
Kaddib markii Jasiiradda Rose lagu burburiyay qarax, duufaan ayaa qarisay gebi ahaan dhismaha. Maanta haraaga dhismaha ayaa ka taagan badda Adriatic, balse Lorenzo Rosa ayaa ilaa iyo hadda qeyb ka mid ah haraaga dhismaha ku heysta gurigiisa.
"Waxaan heystaa dhagax ay halkaasi dad ka soo qaaden waxay ku dul qoreen qoraal qurux badan," ayuu yiri.

Jasiiradda Rose (L'Isola delle Rose) wuxuu Netflix ka bixi doonaa Arbacada, 9 December.










