Maxaa ka jira in Maraykanku Venezuela u isticmaalay hub ah 'mowjado maqalka beegsada'

Xigashada Sawirka, US ARMY
Sheegashada ah in "hubka dhawaaqa sameeya" ee aan la aqoon loo adeegsaday Venezuela ayaa kicisay mala awaalka ku saabsan tignoolajiyada militariga Mareykanka iyo saameynta ay ku yeelan karto jirka bini'aadamka.
Goobjooge ka mid ahaa ilaalada Venezuela, oo ay la wadaagtay warbaahinta bulshada xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Karoline Leavitt, ayaa sheegay in hubka uu jilbaha dhulka u dhigay ciidamada ammaanka ee Venezuela iyo Cuba, "ayagoo sanka dhiig ka keenaya, sidoo kalena dhiig matagay.
Inkasta oo maamulka Trump uusan xaqiijin hubka haddiiba ay dhici karto in la isticmaalay, misna khubarada difaaca ayaa tilmaamaya qalab cod-yaqaan ah oo caan ah oo la isticmaalayey sannado badan.
Hubkaasoo loo soo gaabiyo LRAD waxaa lagu tilmaamay inay tahay "cod codadka ka duwan," sida uu qabo Mark Cancian, oo ah gaashaanle sare oo hawlgab ah oo Marine ah iyo la-taliye sare ee Xarunta Istaraatijiyadda iyo Daraasaadka Caalamiga ah.
Hawl-wadeennada Maraykanka ayaa laga yaabaa inay isticmaaleen markii ay ku soo degayeen magaalada Caracas ee dalka Venezuela, si ay u jahawareeraan ciidamada ammaanka ugana digaan inay hubka dhigaan.
Madaxweyne Trump ayaa ku faanay fiidnimadii Talaadada in 'cid kale' aysan haysan hubkan, isagoo ku faanayey awoodda milateriga Maraykanka.

Xigashada Sawirka, White House
Weli su'aalo ayaa ku gadaaman nooca hubka iyo sida loo isticmaalay. Trump aad ayuu uga gaabsanayey inuu faahfaahin bixiyo markii ay waraysanaysay Katie Pavlich oo ka tirsan warbaahinta NewsNation.
"Waa hub aanan doonayn…cid kale aysan haysan" ayuu yiri. "Laakin waxaan haysanaa hub aysan cid kale ogayn" ayuu sii raaciyey.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Waxaanan leeyahay waxaa fiican in aanan ka hadlin, laakinse waxaan haysanaa hub cajiib ah" ayuu yiri, wuxuuna intaa ku sii daray "wuxuu ahaa weerar cajiib ah".
Warkan ayaa soo baxay markii barta X lagu qoray in hub maqalka waxyeelleeya loo adeegsaday Venezuela kaasoo ku khasbaya askarta inay matagaan. Xoghayaha saxaafadda ee aqalka cad Karoline Leavitt ayaa ayadana caddaymo kula wadaagtay barta X horraantii Bishan.
Barta ay ku leedahay X ayey ku wadaagtay waraysi laga qaaday askari aan magaciisa la sheegin oo sheegay inuu shaqaynayey habeenki la weeraray Venezuela ee la qabatay Maduro.
"Jooji waxa aad samaynayso oo midkan akhri" ayey ku soo qortay ayadoo adeegsanaysay emoji muujinaya calanka Maraykanka.
Wareysiga ayaa laga arkay waardiyaha oo shaaca ka qaaday awooda naxdinta leh ee hubka cusub ee dahsoon ee militariga Mareykanka, kaas oo uu ku tilmaamay 'mawjad dhawaaq ah oo aad u daran' taasoo curyaamisay ciidamada Venezuela.
'Si degdeg ah ayaan u dareemay sidii in madaxu gudaha iga qarxayo' ayuu yiri askarigaas. 'Dhamaanteen sanka ayaan dhiig ka keennay. Qaar dhiig ayey matageen. Dhulka ayaan ku dhacnay, waana nuuxsan weynay. Xataa ma awoodin in aan istaagno markii la isticmaalay hubkaas ka dib'.
Aqalka madaxtooyada Ruushka ee Kremlinka ayaa dalbaday in maraykanku uu bixiyo xog dheeraad ah oo ku saabsan hubkaas maqalka waxyeelleeya.
Afhayeenka Putin Dmitry Peskov ayaa sheegay in xukuumadiisu ay bilaabi doonto baaritaan, ayna uruurin doonto xog dheeraad ah oo la xiriirta hadalka Trump.
Hubka maqalka waxyelleeya ayaa lala xiiriiriyaa xanuunka loo yaqaano Havana Syndrome oo ah xanuun muran dhaliyey, laakinse aan weli dhab ahaan loo aqoonsan.
Astaamaha lagu yaqaanno waxaa ka mid ah madax xanuun, wareer, lallabbo, qofka oo aan si saani ah u fekeri karin, xusuusta oo mudo yar lunta, hurdo la'aan.
Haddii hubka noocan ah oo loo soo gaabiyo LRAD uu yahay kan laga hadlayo ee loo maleynayo in la isticmaalay, waxaa hore u isticmaalay dalal kale oo Israa'iil ay ka mid tahay.











