Waa kuwee toddobada dal ee ku biiraya Golaha Nabadda ee Trump

Xigashada Sawirka, EPA
Toddobo dal oo ay ka mid yihiin Sucuudiga, Turkiga iyo Masar ayaa sheegay inay ku biirayaan Guddiga Nabadda ee uu aasaasay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, sida lagu sheegay bayaan wadajir ah.
Waxay ku biirayaan Israa'iil, oo iyaduna goor sii horeysay si cad u xaqiijisay ka-qaybgalkeeda.
Fiidnimadii Arbacada, Trump wuxuu sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin isaguna oggolaaday inuu ku biiro, balse Putin wuxuu sheegay in dalkiisu weli baarayo casuumaadda.
Golahan waxaa markii hore loo malaynayay in loogu talagalay ka caawinta soo afjaridda dagaalka laba sano jirsaday ee u dhexeeya Israa'iil iyo Xamaas ee Qasa, iyo kormeeridda dib-u-dhiska. Hase yeeshee, dastuurka la soo jeediyay ee golaha kama hadlin dhulka Falastiin, wuxuuna u muuqdaa mid loogu talagalay inuu beddelo ama hoos u dhigo doorka Qaramada Midoobay.
Si kastaba ha ahaatee, Sucuudiga ayaa sheegay in kooxdan dalalka Muslimiinta u badan—Sucuudiga, Turkiga, Masar, Urdun, Indonesia, Pakistan iyo Qadar ay taageereen yoolka ah xoojinta xabbad-joojin joogto ah oo ka hirgasha Qaza, taageeridda dib-u-dhiska, iyo horumarinta waxa ay ku tilmaameen "caddaalad iyo nabad waarta."
Shirweynaha Dhaqaalaha Adduunka ee ka socda Switzerland ayaa Trump wuxuu wariyeyaasha u sheegay in Putin aqbalay casuumaaddiisa. "Waa la casuumay, wuu aqbalay. Dad badan ayaa aqbalay," ayuu yiri Trump.
Putin ayaa si degdeg ah uga jawaabay, isagoo sheegay in casuumaadda la tixgelinayo, sida ay qortay Reuters. Wuxuu sheegay in Ruushku diyaar u yahay inuu bixiyo hal bilyan oo doollar oo ka mid ah hantida Ruushka ee la xanibay, isla markaana uu u arko golaha mid inta badan quseeya Bariga Dhexe.
Ma cadda inta dal ee lagu casuumay inay ku biiraan hay'addan cusub ee Trump. Canada iyo Ingiriiska ayaa ka mid ah dalalka la casuumay, balse weli si rasmi ah ugama jawaabin. Imaaraadka Carabta, Baxreyn, Albaaniya, Armeeniya, Azarbayjaan, Belarusiya, Hangari, Kazakhistaan, Marooko iyo Vitnam ayaa horay isu diiwaangeliyay.
Arbacadii, Vatican-ka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Pope Leo la gaarsiiyay casuumaad. Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Vatican-ka, Kardinaal Pietro Parolin, ayaa wariyeyaasha u sheegay in Baadarigu u baahan yahay waqti uu ku qiimeeyo in uu ka qaybqaato iyo in kale.
Hase yeeshee, Ra'iisul Wasaaraha Slovenia, Robert Golob, ayaa sheegay inuu diiday casuumaadda, maadaama hay'addu "si khatar ah u faragelinayso nidaamka caalamiga ah ee ballaaran."
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dukumenti la dusiyay ayaa sheegaya in dastuurka Golaha Nabadda uu dhaqan geli doono marka saddex dal si rasmi ah u oggolaadaan inay ku xirnaadaan, iyadoo dalalka xubnaha ah la siinayo muddooyin saddex sano ah oo la cusboonaysiin karo, halka kuraas joogto ah la siinayo dalalka bixiya hal bilyan oo doollar oo u dhiganta (£740 milyan).
Dastuurku wuxuu golaha ku qeexay urur caalami ah oo awood u leh fulinta hawlaha dhisidda nabadda sida waafaqsan sharciga caalamiga ah, iyadoo Trump uu noqonayo guddoomiyaha, isla markaana si gaar ah u ah wakiilka Maraykanka, isagoo leh awoodda magacaabidda xubnaha guddiga fulinta iyo abuurista ama kala diridda hay'adaha hoos yimaada.
Jimcihii la soo dhaafay, Aqalka Cad ayaa magacaabay toddobo xubnood oo ka tirsan Guddiga Fulinta ee aasaasiga ah, oo ay ka mid yihiin Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Marco Rubio, ergeyga Bariga Dhexe Steve Witkoff, soddogga Trump Jared Kushner, iyo ra'iisul wasaarihii hore ee Ingiriiska Tony Blair.
Ergeygii hore ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Bariga Dhexe, Nickolay Mladenov, ayaa loo magacaabay wakiilka golaha ee Qaza inta lagu jiro wejiga labaad ee qorshaha, kaas oo ay ku jiraan dib-u-dhis iyo hub-ka-dhigis, iyadoo golaha loo oggolaaday inuu shaqeeyo ilaa dhammaadka 2027 iyadoo lagu salaynayo go'aan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Sabtidii, xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in qaabka Guddiga Fulinta ee Qaza "aan lagala tashan Israa'iil, isla markaana uu ka hor imaanayo siyaasaddeeda."
Warbaahinta Israa'iil ayaa sheegtay in go'aanka lagu daray wakiillo ka socda Turkiga iyo Qadar—oo labaduba ka qayb qaatay dhexdhexaadinta xabbad-joojinta dhaqan gashay bishii Oktoobar, iyaga oo ay weheliyaan Masar iyo Maraykanka.
Wejiga koowaad ee qorshaha nabadda, Xamaas iyo Israa'iil waxay ku heshiiyeen xabbad-joojin iyo is-weydaarsi maxaabiis ah oo ay ku jiraan la haystayaal Israa'iili ah oo nool iyo kuwo dhintay ee Qaza, laguna beddelayo maxaabiis Falastiini ah oo ku jira xabsiyada Israa'iil, ka bixitaan qayb ahaan ah oo Israa'iil sameyso, iyo kordhin ballaaran oo gargaar bani'aadannimo ah.
Israa'iil ayaa sheegtay inay u gudbi karto wejiga labaad oo keliya marka Xamaas ay soo wareejiso maydka la haystaha ugu dambeeya ee dhintay.
Wejiga labaad wuxuu wajahaya caqabado waaweyn, iyadoo Xamaas horay u diiday inay hubkeeda dhiibto ilaa laga dhisayo dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan, halka Israa'iilna aysan weli ballan qaadin inay si buuxda uga baxayso Qaza.
Xabbad-joojintu weli waa mid jilicsan. In ka badan 460 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymo ay Israa'iil ka geysatay tan iyo markii ay dhaqan gashay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Qaza oo ay maamusho Xamaas, halka ciidanka Israa'iil ay sheegeen in saddex askari oo iyaga ka tirsan lagu dilay weerarro muddadaas gudaheeda.
Dagaalka waxaa sababay weerar ay hoggaaminaysay Xamaas oo 7-dii Oktoobar 2023 ka dhacay koonfurta Israa'iil, kaas oo ay ku dhinteen qiyaastii 1,200 qof, halka 251 kalena la afduubtay.
Israa'iil ayaa ka jawaabtay weerarka iyadoo billowday olole militari oo ka dhan ah Qaza, intii uu socdayna ay ku dhinteen in ka badan 71,550 qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dhulkaas.












