Netanyahu oo ka welwelsan qorshaha Madaxweyne Trump

Ra'iisulwsaraaha Israel Benyamin Netanyahu ayaa ku baaqay kulan hor dhac ah oo degdeg ah oo ay yeeshaan Golaha Wasiiradda Dagaalka taas oo ay kaga jawaabayaan magacaabista uu ku dhawaaqay madaxweynaha Maraykanka Donald trump xubanaha Guddiga Hanaanka Nabadda ee Qasa.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ra'iisulwsaraaha Israel Benyamin Netanyahu ayaa ku baaqay kulan hor dhac ah oo degdeg ah oo ay yeeshaan Golaha Wasiiradda Dagaalka taas oo ay kaga jawaabayaan magacaabista uu ku dhawaaqay madaxweynaha Maraykanka Donald trump xubanaha Guddiga Hanaanka Nabadda ee Qasa.

Saraakiisha Israel ayaa qeexay walaacooda ku aadan qaabka loo dhisay waxa lagu magacaabay "Golaha Nabadda" taas oo ay u arkaan in ay ka hor imaaneeyso siyaasadda Israel, sheegayna in aan Israel lagala tashan dhismihiisa.

Golaha Fulinta, oo kormeeri doona maamulka Qasa dagaalka kadib, waxaa ka mid ah mas'uuliyiin ka kala socota Turkiga iyo Qatar, laba dal oo dhaleeceeyay dhaqanka Israel intii lagu jiray dagaalka Qasa.

Dhinaca kale, Falastiiniyiintu waxay tilmaameen in aanay matalin hay'adahan.

Hoggaamiyaha Hindisaha Qaranka Falastiin, Mustafa Barghouti, ayaa u sheegay BBC-da in goluhu uu "u muuqdo inuu yahay hay'ad Maraykan ah oo ka kooban qaar ka mid ah xubnaha caalamiga ah."

Wargeyska Times ee kasoo baxa Israel oo soo xiganayay xafiiska ra'iisul wasaaraha Israa'iil maalintii Sabtida ayaa sheegay in dhawaaqii Aqalka Cad ee la xiriiray samaynta hay'ad cusub oo caalami ah oo kormeera Qasa "aan lagala la tashan Israa'iil, islamarkaana ay ka hor imaanayso siyaasaddeeda."

Sida uu wargeysku sheegay, Netanyahu ayaa u muuqday inuu kasoo horjeedo isku-dhafka golaha cusub, oo loo yaqaan 'Golaha Fulinta.'

In kasta oo Golaha Fulinta uu si farsamo ahaan uu ku shaqeyn doono in uu hoos yimaada Golaha Nabadda—oo uu Madaxweyne Trump guddoominayo isla markaana ay ka mid yihiin hoggaamiyeyaal caalami ah, haddana doorkiisa wuxuu si toos ah uga qayb qaadan doonaa kormeerka maamulka Qasa dagaalka ka dib, taas oo ka dhigaysa inuu noqdo jilaa dhexe, marka loo eego doorka astaaneed ee uu u dhisanyahay Golaha Nabadda.

Xafiiska Netanyahu ayaa ku sheegay hadal qoraal ah, in Ra'iisulwasaaruhu uu amray wasiirka arimaha dibadda Gideon Sa'ar inuu ku wargeliyo dhiggiisa Maraykanka Marco Rubio diidmada Israel ee ku wajahan qaab dhismeedka golaha fulinta.

Bloomberg News ayaa sabtidii soo warisay, iyada oo tixraacaysa qaraarka naqshadeysan, in maamulka Madaxweyne Donald Trump ee Maraykanka uu doonayo inuu waddamada ku qasbo inay bixiyaan $1 bilyan si ay uga mid noqdaan Golaha Nabadda ee uu soo jeediyay, halka Reuters ay sheegtay in aanay warkaasi xaqiijin karin.

Sida ku xusan warbixinta, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu qabanayo jagada madaxweynahaGolaha ee sida madaxweynihii ugu horreeyay, iyadoo xubinnimada waddan kasta ay socon doonto muddo aan ka badnayn saddex sano laga bilaabo marka uu dhaqan galo heshiisku, iyadoo ay suurta gal tahay in lagu cusbooneysiiyo go'aan madaxweyne.

Yaa xubno ka ah guddiga?

Aqalka Cad ayaa ku dhawaaqay liiska xubnaha uu sameeyay Trump ee 'golaha nabadda' ee cusub ee Qaza.

Golaha waxaa ku jira Ra'iisulwsaarihii hore ee UK Tony Blair, Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Maraykanka Marco Rubio, Egayga Gaarka ah ee Maraykanka ee Bariga Dhexe Steve Whitkoff, Wiilka uu Soddogga u yahay Madaxweyne Donald Trump Jared Kushner, milyaneerka Maraykanka Mark Rowan, Madaxweynaha Bangiga Adduunka Ajay Banga, La-taliyayaasha Amniga Qaranka ee Maraykanka Robert Gabriel iyo Nickolay Mladenov, iyo siyaasi reer Bulgaria ah iyo wakiilkii hore ee QM ee Bariga Dhexe.

Aqalka Cad ayaa sheegay in xubin kasta oo ka tirsan Golaha Nabadda laga filayo inay qabtaan hawl muhiim ah si loo hubiyo xasilloonida Qasa.

Si kastaba ha ahaatee, weli ma cadda waxa ay noqoneyso waajibaadka iyo mudnaanta xubnuha, Lamana shaacin weli magacyada haweenka ka tirsan guddigan.

Guddiga Maamulka Qasa: Howsheenu waa inaan dhisno aasaaska soo kabashada dhaqaalaha iyo dib u dhiska nidaamka caddaaladda

Ali Shaath, madaxa Guddiga Qaran ee Maamulka Qasa, ayaa sheegay in guddigu ay yihiin hay'ad Falastiini ah oo ay aasaaseen Falastiiniyiintu isla markaana ay u shaqeyso Falastiiniyiinta, iyadoo ay taageero ka heleyso Ururka Xoreynta Falastiin, Maamulka Qaranka Falastiin iyo dhammaan qeybaha Falastiiniyiinta.

Tani waxay timid intii lagu jiray bayaankii ugu horeeyay ee lasoo saaray Axaddii intii lagu guda jiray caleema saarka guddiga oo ka dhacay Qaahira Khamiistii lasoo dhaafay, kaas oo Shaath uu ku sheegay ballanqaadka guddigu si xirfad leh, hufnaan iyo u adeegidda dadka iyo dadka ku nool Qasa, isagoo xusay in ay ka shaqeyn doonaan hagidda iyo taageerada Golaha Nabadda.

Ali Shaath, madaxa Guddiga Qaran ee Maamulka Qasa, ayaa sheegay inay tahay hay'ad Falastiini ah oo ay aasaaseen Falastiiniyiintu isla markaana ay u shaqeyso Falastiiniyiinta.

Xigashada Sawirka, AliShaathNCAG

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sida lagu xusay bayaanka, hawsha gudigu waa in la ballaariyo baaxadda gargaarka bani'aadamnimada ee Marinka Qaza, dibna loo bilaabo adeegyada aasaasiga ah ee dadweynaha, in dib loo dhiso xarumaha muhiimka ah, in la dhiso aasaaska soo kabashada dhaqaale waara, dibna loo dhiso nidaamka caddaaladda iyo hay'adaha dawladda ee wax ku oolka ah, si loo muujiyo mabda'a hal awood, hal sharci, iyo nidaaminta hubka oo loo maro qaab mideysan, iyo si loo hubiyo amniga, isla xisaabtanka iyo sharciga dadka deggan dhammaan Marinka Qaza.

Marka laga yimaadaa guddoomiyihiisa, guddigu wuxuu ka kooban yahay laba iyo toban xubnood, kuwaas oo kala ah: Abdel Karim Ashour, Guddoomiyaha Beeraha, Omar Shamali, Guddoomiyaha Isgaarsiinta iyo Adeegyada Dijital ah, Ayed Abu Ramadan, Guddoomiyaha Dhaqaalaha, Warshadaha iyo Ganacsiga, Jaber Al-Daour, Guddoomiyaha Waxbarashada, Bashir Al-Rais, Guddoomiyaha Maaliyadda, Ayed Yaghi, Guddoomiyaha Caafimaadka, Sami Nisman, Guddoomiyaha Arrimaha Gudaha, Adnan Abu Warda, Guddoomiyaha Cadaaladda, Osama Al-Saadawi, Guddoomiyaha Dhulka iyo Guryaha, Hana Tarzi, Guddoomiyaha Ammaanka Bulshada, Ali Barhoum, Guddoomiyaha Biyaha, Adeegyada iyo Maamulka Deegaanka, iyo sidoo kale xubno cusub oo la shaacin doono toddobaadyada soo socda.

Dhaawacyo ay ku jiraan carruur oo ka dhashay duqeynta Israa'iil ee Qasa

Dhanka dhulka, ilo caafimaad oo kala duwan oo isbitaallada ku yaal Qasa ayaa xaqiijiyay in tiro dhaawac ah, oo ay ku jiraan carruur, ay ku dhinteen iyadoo ay sii socdaan duqeymaha cirka iyo rasaasta culus ee qaybaha kala duwan ee bariga Qasa, iyo sidoo kale ciidamada oo fulinaya howlgallo ballaaran oo duqeyn iyo burburin ah ee magaalada Rafah ee koonfurta ku taal sida ay sheegeen goob joogayaal iyo ilo ka tirsan difaaca rayidka.

Faahfaahinta kasoo baxeyso, Isbitaalka Nasser ee Khan Yunis ayaa xaqiijisay labo dhaawac oo mid ka mid ah carruur yahay oo ay geysteen rasaasta ciidamada Israa'iil, taas oo ku dhacday aagga Al-Mawasi, galbeedka magaalada Khan Yunis, ee koonfurta Gasa, halka ilo ka tirsan Isbitaalka Baptist ay sheegeen in "tirada qaar ee dhaawacyadu ay gaareen isbitaalka iyadoo rasaasta diyaaradaha aan duulin ee Israa'iil ku dhacday xaafadda Al-Zaytoun ee koonfur-bari magaalada Qasa.

Deegaannada Bariga Al-Bureij iyo xeryaha Nuseirat ee bartamaha Qasa halkaas ayaa lala eegtay rasaas iyo qaraxyo hub culus ah habeenkii xalay ilaa waaberiga Axadda.

Marka la eego xaaladda bani'aadamnimada, UNRWA ayaa ku xaqiijisay bayaanka ay soo saartay in "Israel ay hor istaagtay gelitaanka agabka gargaar iyo hoyga muddo bilooyin ah ku xayirnaa meel dibadda ka ah Gaza."

"Israel waa in ay ka qaadaa xannibaadaha gelitaanka agabka hoyga ee Qaza iyo in ay u ogolaato gargaar ballaaran in uu soo galo, maadaama ku dhawaad hal milyan oo qof oo ku nool Gasa ay weli u baahan yihiin agabka degdegga ah ee hoyga," ayay tiri UNRWA.