Xabaal-wadareedyo tariibayaal ah oo laga helay Libya

Libya

Xigashada Sawirka, .

Meydadka ugu yaraan 21 tahriibayaal ah. Helitaanka ayaa daba socday weerar lagu qaaday beer ku dhow magaalada Ajdabiya, oo ay sidoo kale ku jireen dad ka badbaaday; waxaa kale oo ka muuqday calaamado rafaad.

Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters, saraakiisha ammaanku waxay sheegeen in arrintan naxdinta leh uu ka dhacay meel 10 kilomitir koonfur bari ka xigta magaalada, ka dib markii ay soo baxeen warar xan ah oo sheegaya in qaxootiga ka imaanaya dalalka ka hooseeya saxaraha Afrika lagu haysto beerta.

Sarkaal ayaa sheegay in dhowr qof oo rag, dumar iyo carruur ah laga soo badbaadiyay beerta, kuwaasoo u badnaa kuwo dhaawac qaba.

Isbitaal ayaa loo qaaday dhowr kalena waa la la'yahay, ayuu yiri.

Mulkiilihii beerta ayaa isla markiiba la xiray oo qirtay xabaal wadareedkii laga helay dhulkiisa.

Baarayaasha ayaa ku howlan sidii ay u ogaan lahaayeen sida dhibbanayaasha ay u dhinteen, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ku sugan goobta.

Liibiya ayaa muddo dheer ahayd marinka ugu weyn ee ay maraan muhaajiriinta ka imaanaya dalal kala duwan oo Afrikaan ah oo isku dayaya safarka halista ah ee ka sii gudbaya badda Mediterranean-ka ee Yurub. Xaalada ayaa aad uga sii dartay tan iyo markii uu meesha ka baxay taliskii Mucamar Al-Qadaafi

Dalka saliidda qaniga ku ah ee Waqooyiga Afrika ayaa sidoo kale soo jiita muhaajiriinta shaqo-doonka ah. Si kastaba ha ahaatee, gaar ahaan dammaanadaha amniga ee hadda jira, kumannaan qof ayaa u nugul ka ganacsiga, rabshadaha, iyo xadgudubyada.

Libya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Tahriibayaasha ayaa Libya ku wajaha dhibaato badan
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xabaalahan oo laga helay meel u dhow Ajdabiya, ayaa tusaale u ah dhacdo muujinaysa dhibaatada haysata qaxootiga Liibiya.

Xabaalo wadareedyo noocaan oo kale ah ayaa ah kuwo caadi ah, waxaana bishii February ee sanadkii hore meydadka 28 qof oo qaxooti ah laga helay god ku dhow magaalada Kufra ee koofurta galbeed ee dalka Liibiya, sida uu sheegay dacwad oogaha magaaladaasi.

Goor sii horreysay, god ay ku jiraan 19 meyd ayaa laga helay beer ku taal waqooyiga magaalada Kufra.

Maamulka Liibiya ayaa helay godad ka dib markii nin wax tahriibiya uu weerar ku qaaday xero qaxooti.

Bishii Luulyo, dacwad oogayaasha ayaa sheegay in ay sii daayeen in ka badan 100 muhaajiriin ah, oo ay ku jiraan shan dumar ah, kuwaas oo ay madax furasho ugu haysteen koox mukhalasiin ah isla deegaanka Ajdabiya.

Bishii Sebtembar ee la soo dhaafay, hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa sheegtay in ugu yaraan 50 qof ay dhinteen ka dib markii doon ay saarnaayeen qaxooti u badan Suudaani ay ku gubatay xeebaha Liibiya.

Bishii Oktoobar ee xigtay, kow iyo lixdan mayd ayaa laga helay xeebta Mediterranean-ka ee galbeedka Tripoli.

Sida laga soo xigtay tirooyinka Qaramada Midoobay ee la soo ururiyay intii u dhaxaysay Agoosto iyo Oktoobar 2025 oo keliya, qiyaastii hal milyan oo qaxooti ah oo ka yimid 44 waddan ayaa ku noolaa 100 degmo iyo magaalooyin ku yaal Liibiya.

Kulan ay dhawaan Qaramada Midoobay ku yeelatay magaalada Geneva ayaa dalalka Yurub iyo Afrika waxay si adag ugu baaqeen in la xiro xerada qaxootiga ee Liibiya.

Hay'adaha xuquuqul insaanka ayaa muddo dheer ka digayay in xarumahan lagu hayo qaxootiga ay yihiin goobo lagu jirdilo, lagu tacaddiyo iyo mararka qaar dilal aan loo meel dayin.