Maxaa laga yeelayaa ajaanibta Turkiga iyo Sacuudiga ka mid yihiin ee ay qabatay Puntland?

Xigashada Sawirka, HCAP
Maamul Goboleedka Puntland ayaa sii daayey liis ay ku jiraan magacyada, sawirrada iyo dalalka ay ka soo kala jeedaan in ka badan kontomeeyo dagaalyahanno ka tirsanaa kooxda Daacish oo lagu qabtay buuraha Calmis-kaad.
Ragga la soo bandhigay oo sawirradooda lagu hoos dhajiyay calamada dalalka ay ka ay u dhasheen ayaa muujiyey inay ka soo jeedaan dalal kala duwan oo ay ka mid yihiin, Itoobiya, Kenya, Tansaaniya, Masar, Morocco, Yemen, Suuirya, Sacuudiga iyo Turkiga.
''Meel kasta oo ay ka kala yimaadeen, ama ha dhawaato ama ha fogaatee, waa niman isku mabda' ah"ayuu BBC-da u sheegay wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir.
Buuraha Calmis-kaaad waxaa uu muddo sanad ka badan dagaal ku dhexmarayaa ciimada Puntland iyo dagaalyahanno ka tirsan kooxda Daacish oo ka hor dagaalka halkaas ku lahayd fariisimo waaweyn.
''Waxay muujinaysaa guulaha ciidamadu ka gaareen kooxda iyo in lagu jabiyey kooxda Daacish," ayuu intaas raaciyey.
Liiska ajaaniibta ee la sii daayey ayuu BBC-da u sheegay wasiirka warfaafinta Puntland inay xilligan u soo bandhigeen saddex sababood owgood
''Sababaha loo soo bandhigay waa badan yihiin, haddaan ka soo qaado, in dadka Puntland iyo kuwa Soomaliyeedba ogaadana guulihii dagaalka laga gaaray, cadowgii la laayey iyo kuwii nolosha lagu qabtayba, waa muhiin in dalalkii ay ka yimaadeen ay ogaadaan in dadkoodii halkan dhibaato ka geysteen haddana rabaan inay dhibaato kale abuuran, waa muhiim maaddaama isbaddelka juquraafi ahaaneed ee Geeska Afrika ku dhacay haddeer wixii ka jiray halkan in caalamka kale ogaadaan," ayuu yiri.
Dalalka ay ka jeedaan ajaabibtan ayuu Caydiid sheegay in saddex ka mid ah kaliya ay Soomaaliya xadduud dhul ama bad ka dhaxeyso, hase yeeshee intooda badani ka yimaadeen dalal kumannaan kiloomitir u jirta halka laga soo qabtay.
Wuxuu intaa raaciyey in kuwa hadda la soo bandhigay u badan yihiin kuwa la qabtay iyagoo dagaallamaya, balse kuwo isa soo dhiibayna ku jiraan.
Maxaa laga yeelayaa raggan la soo bandhigay?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wasiirka ayaa BBC-da u sheegay waxa ay ka yeelayaan raggan ka tirsanaa Daacish ee ajaabinta ee ay soo bandhigeen.
''Waxaa laga yeelayaa waxa dambiilayaasha laga yeeli jiray, caalamku argagixisada siyaabo kala duwan ayey ula dhaqmayeen iyagoo loo eegayo awooddiisa, keebaa askari kaliya ahaa, keebaa ahaa qof la soo khalday oo ka shallaayaya, keebaa mabaadii' ahaan u aaminsanaa oo madax ahaa oo maamulayey, siyaabaha ay ku dagaallameeyeen ayaa loola dhaqmi doonaa"ayuu yiri wasiir Caydiid.
Isagoo ka jawaabayey su'aal BBC-du waydiisay oo ahayd iinay jiraan xiriirro ay la soo sameeyeen dalalka raggani ka soo jeedaan ayuu yiri ''kuwo annagaa la samaynay iyo kuwa nala soo sameeyeyba waa jiraan, diblomaasiyadu si kale ayey u shaqaysaa, marka xiriir waa dhacayaa waana uu dhacay, waayo dalalkii ay ka yimaadeen inay dambi ka soo galeen oo baxsad ahaayeen laga yabaaa qaarkood inaan dalalkoodu ogayn baa laga yaaba".
Wuxuu sheegay in habka sharciga ay marayaan uu yahay in qofka dambiilaha uu ciqaabta ku maro meeshii uu dambiga ku galay, balse ay dunida wadashaqayn ka leedahay arrimaha ammaanka.
Wasiir Caydiid, wuxuu sheegay inay jiraan sidoo kale kuwa an la soo bandhigay oo ka mid ah ajaaniibta ay gacanta ku hayaan ee ka tirsanaa Daacish oo ku jira xabsiyada Puntland.
Muhiimadda Buuraleyda Calmiskaad

Xigashada Sawirka, HCAP
Waa deegaan fog oo in lagu noolaado aanay sahal ahayn oo ku yaalla gobolka Bari. Hase ahaatee, sababta ugu weyn ee Daacish ay u xusheen goobtan ayaa loo arkaa in ay tahay meel lagaga dhuuman karo duqaymaha dhinaca cirka ee marar badan ay Marykanku iyo dalalka saaxiibbada la ah Soomaaliya ay ka fuliyaan deegaannadaasi.
Sida uu mar sii horreysay BBC-da u sheegay taliyihii hore ee Sirdoonka Puntland sidoo kalena soo noqday taliyaha ciidanka Booliska Puntland Jeneraaal Cabdi Xasan Xuseen Cabdi yare dhulku waa dhul buuraley ah oo ku adag dagaalka.
"Juquraafi ahaan dhulka lagu dagaalamayo waa dhul buuraley ah, aad u khatar badan gaadiidku ay yar tahay intuu ka gali karo, iyaguna muddo ayey ku sugnaayeen wadooyin banaysteen miino tiro barina galiyeen" ayuu yiri Jeneraal Cabdi Yare.
"Buurta Cal-miskaad ama Cal Bari waxay ka bilaabataa buuraha dhanka Boosaaso kaga beeran koonfur bari, buurahaasi waxay ku dhammaadaan degmooyinka Caluula, Baargaal iyo Xaabo dhanka badda waxaa ka saaran degmada Qandala, dherer ahaan waa dhul ku dhow dhow 300km, waa dhul qarar, togag, jeexdimo iyo boholo tiro badan leh, buurtaasi Bosaasaa dugsata degmada Qandala Balidhidin baa ku taalla waa dhul intaas ku yaallaan" auu BBC-da u sheegay Jeneraal Cabdi Yare.
Wax ka ogow Daacishta Soomaaliya iyo xilliga la asaasay
Kooxda IS amaba Daacish ayaa dunida caan ka noqotay sanadihii 2010meeyadii, gaar ahaanna gudaha dalalka Ciraaq iyo Suuriya, balse haatan wuxuu joogitaankeedu ku badan yahay qeybo ka mid ah Afrika.
Laanta Soomaaliya ayaa waxaa sanadkii 2015 aasaasay koox ka goosatay al-Shabaabta gacan-saarka la leh al-Qaacida - kuwaasoo ah kooxda jihaad-doonka ugu weyn ee Soomaaliya ka jirta.
Daacishta Soomaaliya ku sugan waa kuwo aad u daran oo bulshada dhac u geysata inta badanna fulisa weerarro yar oo aan joogto ahayn, sida laga soo xigtay Xafiiska Mareykanka ee Agaasimaha Sirdoonka Qaranka.
Ciidamada Mareykanka ayaa dilay hoggaamiyihii IS, Bilal al-Sudani, iyo 10 kale iyagoo ku jiray god buuralley ah oo waqooyiga Soomaaliya ah sanadkii 2023, kadib howlgal uu amray madaxweynihii xilka ka degay ee Mareykanka Joe Biden.












