Puntland oo BBC uga warrantay sida uu u dhintay Cabdiraxmaan Laahoor oo hore Daacish uga tirsanaa

Xigashada Sawirka, Puntland SSR
Cabdiraxmaan Shirwac oo loo yaqaannay Laahoor kana mid ahaa kooxda Daacish ayaa xalay ku geeriyoday magaalada Boosaaso.
Cabdiraxmaan Laahoor oo ka tirsanaa kooxda Daacish ayaa u qaabilsanaa dilalka qorsheysan. Sida la sheegay waxaa gacantiisa ku baxay dad badan. Laahoor waxa uu dhawaan isu soo dhiibay ciidamada Puntland, waxa uuna ahaa maxbuus.
Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo BBC-da la hadlay ayaa xaqiijiyay geerida Cabdiraxmaan Laahoor. Wasiirka oo ka hadlay sida uu u geeriyooday ayaa sheegay in uu dhiigkar qabay, ayna waxba ka jirin wararka qaar ee sheegaya in si badqab ah uu xalay ku seexday, saakayna loogu tagay halkii uu ku xirnaa isagoo meyd ah.
"Dagaalka dadkii laga soo qabtay oo isa soo dhiibay buu ku jiray, nin weyn buu ahaa, dhiigkarna wuu lahaa, dhiigga ayaa ku karay, dhiiggiisa ayaa la dajin waayay, xalay dhaqtar baa la geeyay, dhaqtarkuu ku dhintay".
Mar aan weydiinnay in uu jiro tuhun la xiriira in Cabdiramxaan Laahoor jirdil loo geystay, wasiirka waxa uu sheegay in aysan taasi jirin.
"Ma jirto sabab loo jirdilo, xogtooda dhan ayaa la hayay maba jirto xog badan oo laga raadiyo".
Laahoor ayaa isu soo dhiibay ciidamada Puntland bishii la soo dhaafay ee Febraayo, kaddib markii Puntland ku qaadday weerarro dhulka buuraleyda ee ay ku jiraan kooxda Daacish.
Cabdiraxmaan Laahoor ayaa hore ugu xukunnaa dil, isagoo lagu eedeeyay in uu ahaa madaxii dilalka iyo qaraxyada ka dhaca magaalada Boosaaso.
Dagaalka lagula jiro Daacish

Xigashada Sawirka, x
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kooxdan isku magacawday Dawladda Islaamka ayaa dhammaadkii bishii Desember weerar ku qaadday ciidammada Puntland ee hadda hawlgalka ku jira, kuwaas oo khasaare uu soo gaadhay, halka iyaguna ay sheegeen in ay dhammaan kooxda weerarka ku soo qaadday ay laayeen, kuwaas oo ay ku jireen dagaallamayaal ajaanib ah.
Kooxdan ayaa muujisay heerka ay awooddoodu gaarsiisan tahay. Kooxda ayaa loo arkayay in aanay saamweyn ku laheyn Soomaali.
Bishii Oktoobar ee sanadkii hore, taliska ciidamada Mareykanka u qaabilsan Africa waxau sheegeen in loo maleynayo in tirada kooxda Daacish ee waqooyiga Soomaaliya ay "laba jibaarantay" sanad gudihiisa.
Kooxda ayaa bishii Diisembar geysatay mid kamid ah weeraradooda ugu casrisanaa, iyagoo duqeeyay xero ay leeyihiin ciidamada milatariga oo ku taal gobolka Bari ee Puntland.
Hoggaamiyaha kooxda Cabdiqaadir Muumin ayaa xubin sare ka ah ISIS-ta caalamiga ah sida ay sheegeen waarbaahinta caalamiga oo xiganrysa saraakiil Mareykan ah.
Maamulka Puntland iyo saraakiil Mareykan ah oo aan la magacaabin ayaa sheegay, in hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya, Cabduqaadir Muumin, uu hadda yahay hogaamiyaha guud ee kooxda.
Saaxiibbada Soomaaliya oo uu Mareykanka ku jiro ayaa weerarro cirka ah ku qaaday goobaha ay ku jiraan kooxda Daacish ee Puntland.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa bishii la soo dhaafay sheegay in uu bixiyey amarka duqayn ka dhacday buuraha Cal-Miskaad ee gobolka Bari. Xiliga Mareykanka ay weerareen halkaas ciidanka Puntland waxay kula dagaallamayaan dagaallameyaal ka tirsan kooxda Daacish.
Duqeynta cirka waxaa lagu dilay Cabdiraxmaan Faahiye Ciise Maxamuud oo ahaa ku xigeenka hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya, sida uu BBC u sheegay Afhayeenka ciidanka ku jira hawlgallada Daacish Jeneraal Maxamuud Maxamed Axmed.
Cabdiraxmaan Faahiye wuxuu al-Shabaab ka soo wareegay 2015-kii. Si isku mid ah, Isaga & Madaxda ISIS ee uu ka midka yahay Cabdulqaadir Muumin ayaa isku wakhti ka soo goostay kooxda, xiligaas oo ay wateen 15 nin oo ilaalo ah oo kaliya, waxayna saldhig ka dhigteen buuraleyda Cal-Miskaad ee u dhow Qandala.
Wasiirka warfaafinta Punalnd Maxamuud Caydiid dirir oo aan weydiinay wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka ka dhanka ah Daacish ayaa sheegay in ciidanka Puntland ay gaareen guulo waa weyn oo wajiga saddexaad dagaalka soo afjarayaan sida ugu dhaqsiyaha badan.
"Waxaan rajeyneynaa in uusan wajiga afaraad yeelan doonin oo si dhaqso loo soo gabogabeyn doono, masaafo aad iyo aad u yar ayey ku soo urureen oo meel ay u baxaan aysan jirin".













