Ma dhab baa in hadda ka hor kacbada laga xaday Xajarul Aswad, yaase xaday

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Muhammad Abdul Rauf
- Role, Weriye BBC Arabic
Dawaafka Kacbada ee Makka waa cibaadada udub dhexaad u ah gudashada xajka. Malaayiin Muslimiin ah ayaa ku wareegaya (ku dawaafa) Kacbada, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah ay isku dayaan in ay gaaraan Dhagaxa Madow (Xajarul Aswad) oo ay dhunkadaan, iyaga oo raacaya dhaqankii Nebi Muxamed. Muuqaalkan ayaa soo noqnoqday in ka badan 1,400 oo sano.
Sida laga soo xigtay xisaabaadka taariikhiga ah, Xajarul Aswad ayaa laga xaday Maka qiyaastii 1,100 sano ka hor, ka dib weerar dhiig badan ku daatay oo salka ku hayey khilaafaadyo diimeed iyo siyaasadeed, waxaana la la'aa in ka badan labaatan sano.
Sanadkii 317 ee Hijriyada (930 AD) waxaa Maka soo weeraray dad ka soo jeeda qowmiyadda Qaraamidiyiinta. Marka laga soo tago dilka xujeyda, waxay kaloo meesha ka saareen Xajarul Aswad, waxayna u rareen caasimadooda, oo hadda ku taal gobolka Al-Axsa ee bariga Sacuudiga.
Waa ayo Qaraamidiyiinta
Ilo wareedyo u dhuun daloola taariikhda firqooyinka Islaamka ayaa sheegaya in Qaraamidi ama Qaramatax ay ahaayeen kuwo raacsan urur diimeed iyo mid siyaasadeed oo ka dhex abuurmay dhaqdhaqaaqii Ismaaciiliga qarnigii saddexaad ee Hijriyada, balse ay isla markiiba ka go'een oo ay samaysteen laan raacday akhrin diimeed iyo mid siyaasadeed oo xag jir ah.
Ismaaciiliya lafteedu waa mad-hab shiico ah oo ka soo ifbaxday caqiidada kala duwanaanshaha qarniyadii hore ee Islaamka.
Shiicada oo aaminsan in Imaam Cali bin Abii-Daalib oo Nebiga ay ilmo adeer ahaayeen, ahaana ninkii qabay inantiisa Faadumo uu yahay dhaxal-sugaha Rasuulka, ayaa waxay u kala qaybsameen kooxo kala duwan oo isku khilaafay kala dhaxlidda imaamnimada.
Ilo xog ogaal u ah firqooyinkan ayaa sheegaya in geeridii Imaam Jacfar Al-Sadiiq oo abtirkiisa dib ugu laabanaya Xuseen ibnu Cali bin Abii Daalib uu soo shaac baxay khilaaf u dhaxeeya labo kooxood oo shiico ah oo markii danbe kaalin weyn ku lahaa caalamka islaamka.
Koox shiico ah oo loo yaqaanay laba iyo toban (Ithnaa cashariya) ayaa sheegay in Imaam Sadiiq uu magaca Imaamka ku xigi doona u sheegay asxaabtiisii ugu dhowaa oo kaliya, sidaas darteed Imaamku wuxuu imaamnimada u sii gudbiyey wiilkiisii Muusa al-Kazim. Kadibna wuxuu u sii gudbiyey isaguna wiilkiisii Cali bin Muusa Al-Rida, gudbintii imaamnimaduna way socotay ilaa ay gaadhay Muxammad bin Xasan Al-Askari oo ahaa imaamkii laba iyo tobnaad oo ay aaminsan yihiin inuu yahay Mahdigii la ballan qaaday.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Laakiin koox kale oo Shiicada Ismaaciiliyiinta ah ayaa sheegay in Imaamku uu ka soo gudbay Jacfar Al-Sadiiq oo uu u gudbiyey wiilkiisii Ismaaciil, inkastoo qaarkood ay rumaysnaayeen in Ismaaciil uu dhintay intii uu aabbihii noolaa, qaar kalena waxay rumaysnaayeen in aanu dhiman ee uu baxsaday si uu uga badbaado dhibaataynta. Sida aragtidaas laga qabo imaamnimadu waxay u gudubtay ina Ismaaciil oo la oran jiray Muxammad ibnu Ismaaciil.
Dabayaaqadii qarnigii saddexaad ee hijriyada, waxaa sii socday kala qaybsanaantii firqooyinka dhexdooda, waxaana soo ifbaxay khilaaf hor leh oo u dhexeeya laba kooxood oo magac ku leh mad-habta.
Koox ay ka mid yihiin Qarmatiyiintu waxay rumaysnaayeen inuusan Muxammad bin Ismaaciil dhiman oo uu yahay Mahdigii la ballan qaaday.
Magaca Qaraamidiyiinta waxaa lala xiriiriyaa wadaad Ismaaciili ah oo caan ah oo la yiraahdo Xamdaan ibnu Ashcath, oo lagu naaneyso Qarmat.
Waxaa jira xisaabo kala duwan oo ku saabsan sababta magaca. Qaarkood waxay yiraahdeen ereyga "Qarmat" wuxuu asal ahaan ka soo jeedaa Armenia, waxaana loogu bixiyay magacan lugahiohiisa gaaban ama indhihiisa cas.
Xamdaan Qarmat waxa uu si firfircoon uga hawl-geli jiray magaalada Kuufa ee koonfurta Ciraaq iyo nawaaxigeeda nuskii dambe ee qarnigii saddexaad ee Hijriyada, waxana uu casharradiisu gaadhay gobollo kala duwan oo ka tirsan dunida Islaamka, sida Yemen, Shaam iyo gobolka Baxrayn. Baxrayn waxa ay wakhtigaas u jeedday gobollada bari ee Jasiiradda Carabta iyo sidoo kale jasiiradaha Baxrayn.
Isla xilligaa Qaraamidiyiinta gobolka Baxreyn ayaa awooddooda ku xoojinayey Jaziirada Carabta, waxaa caalamka Islaamka ka socday horumarro waaweyn.
Khilaafadii Cabbaasiyiinta ayaa waxay lumisay awood badan qarnigii afraad ee hijriyada.
Dawlado iyo imaarado tiro badan ayaa laga sameeyay gobollo kala duwan, kuwaas oo aan matalin oo keliya ka bixistii siyaasaddii khaliifadii Cabbaasiyiinta ee Baqdaad, balse waxay sidoo kale mararka qaar wiiqi jireen awooddooda diineed ee Sunniga ah. Tusaale ahaan, taliyayaashii Faadimiyiinta waxay aasaaseen khilaafa barbar socota oo ku salaysan caqiidada Shiicada Ismaaciiliya.
Cilmi-baare Jarmal ah oo lagu magacaabo Adam Metz waxa uu buuggiisa "Ilbaxnimada Islaamka ee Qarnigii Afraad ee Hijriyada" ku tilmaamay in wakhti laga joogo qarnigii afraad ee hijriyada, Khaliifkii Cabbaasiyiinta aanu lahayn wax awood siyaasadeed ah marka laga reebo Baqdaad iyo nawaaxigeeda.
Caqabadaha kale ee ay la kulmeen khilaafadii Cabbaasiyiinta waxaa ka mid ahaa jabhado iyo kacdoono ay dadka diintu ku milmeen aragtiyo siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale, sida jabhaddii Zanj ee koonfurta Ciraaq iyo kacdoonkii Babak Khuramdin ee Iran qarnigii saddexaad ee hijriyada.
Si kasta oo ay tahay in Qaraamidiyiintu kacdoonnadaas saamayn ku yeesheen iyo in kale, waxa iyaga laftooda loo arkayey caqabad ku wajahan awoodda diimeed iyo siyaasadeed ee Khilaafadii Cabbaasiyiinta oo ay dagaallo badan la galeen.
Balse jawiga colaadeed ee labada dhinac ayaa mararka qaar barbar socday xilliyo nabadeed iyo xitaa wadashaqeyn.
Liiska cadawga Qaraamidiga kuma koobna oo kaliya khulafadii Cabbaasiyiinta ee Sunniga ahayd, balse waxa ku jiray Faadimiyiinta oo iyaga laftoodu raacay caqiidada Shiicada Ismaaciiliya.
Kala aragti duwanaanshiyaha dhanka fikirka ah ee Qaraamidiga iyo Faadimiyiinta ee ku saabsan dhaxal-sugaha imaamyada ayaan ahayn sababta kaliya ee keentay cadaawadda labada dhinac, balse kororka awoodda Faadimiyiinta iyo gacan ku haynta deegaanada xuduudka ah ee ay ka taliyaan Qarmatiyiinta ayaa sidoo kale ka mid ahaa waxyaabihii ku qasbay labada kooxood inay iska hor yimaadaan.
Sida xiriirkii Cabbaasiyiinta oo kale, Qarmatiyiintu xiriirkii ay la lahaayeen Faadimiyiinta waxa kale oo ay ku sifoobeen saaxiibtinimo iyo iskaashi xilliyada qaar.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Abuu Daahir iyo weerarkii Makka
Ilaha taariikhiga ah ee Islaamku waxay ka warrameen in hoggaanka Qarmatiyiinta Baxrayn uu u wareegay nin la odhan jiray Abu Dahir Janabi sannadkii 311 ee Hijriyada (923 AD).
Sanadkii 317 ee Hijriyada ayaa Abuu Daahir iyo asxaabtiisa ay weerareen Maka xilli lagu guda jiro Xajka. Dhacdadan waxa si faahfaahsan loogu sheegay buugag laga qoray.
Sida laga soo xigtay taariikhda, ka dib markii safarkii ugu muhiimsanaa ee xujaajta ah ay yimaadeen Maka, waxaa faafay warka ku saabsan imaatinka Abu Dahir iyo boqolaal askartiisa iyo fardooleydiisa ah. Taasina waxay keentay in amiirkii Maka oo ay weheliyaan wafdi odayaashii magaalada ah ay u tageen inay soo dhaweeyaan oo ay isku dayaan inay kasbadaan oo ay lacag siiyaan. Si kastaba ha ahaatee, Taliyaha Qaraamidiyiinta ayaa ku gacan seyray dalabkaas, waxaana dhacay dagaal, kaasoo ku dhamaaday guul u soo hoyatay Qaraamidiga.
Waxay soo galeen Maka, waxay laayeen dad aad u tiro badan, waxay ku jees jeeseen xurmada Maka iyo xajka, waxay jabiyeen albaabkii Kacbada, waxayna dumiyeen Dhagaxa Madow. Tirada dadka la dilay waa ay ku kala duwan tahay taariikhyahanada, xisaabaadka qaarna waxa ay gaarsiinayaan tobanaan kun.
Professor Shainul Jiwa, oo ku takhasusay taariikhda Faadimiinta oo ka tirsan machadka daraasaadka Ismaaciiliga ah ee London, ayaa BBC u sheegay in warbixinadii u dambeeyay ee Qarmatiyiinta ay ahayd in si taxadar leh loola dhaqmo, maadaama uu cadawgoodu soo xigtay: "Qaramatiyiintu waxay la mid ahaayeen Khawaarijta oo kale, cid kastana way cadaw ku ahaayeen, xataa Faadimiyiinta".
Jiva waxa ay aaminsan tahay in mid ka mid ah sababaha Qaraamidiyiintu u saareen Dhagaxa Madow ay tahay rabitaankooda ah in ay xujeyda ku soo jiitaan xudunta awoodooda iyada oo la kaashanayo qaab dhismeedka cadaawadda ay u qabaan Cabaasiyiinta.
Farhad Daftari, oo ah cilmi-baare ku takhasusay daraasaadka Ismaaciiliya, waxa uu buuggiisa Taariikhda Shiicada Islaamka ku qoray in Abu Dahir Janabi uu wakhtigaas saadaaliyay – isaga oo ka duulaya xisaabaadka xiddigiska- in Mahdigii uu qarka u saaran yahay in uu soo muuqdo, "marxaladda ugu dambaysa ee taariikhda oo aanay Shareecadu meelna ku lahaynna" ay bilaabanayso.
Weerarkii Qaraamidiga ee Maka waxa uu saameyn nafsi ah ku yeeshay caalamka Islaamka, inkastoo aysan ahayn markii ugu horreysay oo Maka ay ka dhacaan weerarro uu dhiig badan ku daato, sababo la xiriira khilaafaadyo siyaasadeed oo ka dhex jira Muslimiinta, sidoo kale waxay dhacday xilligii Umawiyiinta.

Xigashada Sawirka, Wikipedia
Waxa jira xogo laga helay ilo taariikhi ah oo sheegaya in labada khulafo ee Cabbaasiyiinta iyo Faadimiintu ay warqado u qoreen Abu Tahir si loo soo celiyo Dhagaxa Madow ee Maka (Xajarul Aswad), balse dadaalladaas ayaa lagu guul-darraystay. Si kastaba ha ahaatee, Cabbaasiyiinta iyo Faadimiyiinta – oo ka talin jiray Waqooyiga Afrika (Tunisia iyo bariga Aljeeriya) waxay go'aansadeen inay adeegsadaan awood ciidan si ay u soo celiyaan Xajarul Aswad.
Dhanka kale, Muslimiintu waxay sii wadeen gudashada waajibaadka Xajka iyadoo uu maqan yahay Dhagaxa Madow. Riwaayadaha qaar ayaa sheegaya in xujaydu ay gacmaha saarayaan goobtii ay hore u joogeen oo ay dhunkanayeen goobtaas.
Laakiin Qaraamidiyiinta waxay la kulmeen dhibaato gudaha ah laba sano ka dib weerarkii Maka. Nin iyaga ka mid ah oo aan magaciisa lagu soo qaadin sheekada, ayaa sheegtay inuu yahay Mahdigii, wuxuuna ku guuleystay inuu koox ku qanciyo inay qaataan, balse madaxdii Qaraamidiga ayaa ka shakiyay oo ugu dambeyntii dilay. Waxaa la sheegay in Abuu Dahir uu dhintay sanadkii 334-tii Hijriyada.
22 sano ka dib weerarkii Maka, Qarmatiyiintu waxay ku celiyeen Dhagaxa Madow ee Masjidka weyn ee Xaramka, laakiin taariikhyahanadu waxay isku khilaafeen sababta go'aankan.
Dadka qaar ayaa aaminsan in Cabaasiyiintu ay Qaramaatiyiinta lacag badan siiyeen si ay dhagaxa ugu soo celiyaan.
Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in tallaabadan loo qaaday ka dib codsi uga yimid Khaliifkii Faadimiinta.
Laakin Dr. Shainul Jiwaa waxa uu soo jeedinayaa in sheekadii nin Imaamnimo ka sheegtay Qaraamidiyiinta ka dibna la dilay ay saamaysay kalsoonidii ay ku dhex lahaayeen xertooda, awooddoodiina wiiqday, kuna qasabtay inay soo celiyaan Dhagaxa Madow.
Awooddii Qaraamidiga ee gobolka Baxrayn waxay socotay ilaa nuskii labaad ee qarnigii 5aad ee Hijriyada, ilaa abbaaraha 470 ee Hijriyada (1077 AD), ka dib beesha Qaraamidiinta ayaa burburtay.













