Dhegeyso: Maxay dawladda Soomaaliya ka tiri eedeynta mucaaradka ee wadahadalladii lagu kala booday
Dhegeyso: Maxay dawladda Soomaaliya ka tiri eedeynta mucaaradka ee wadahadalladii lagu kala booday
Dowladda Soomaaliya ayaa jawaab kasoo saartay shirkii wadatashiga ee lagu kala kacay horraantii todobaadkaan magaalada Muqdisho, iyada oo mucaaradka ku eedeesay in ay miiska keeneen ajandayaal ka baxsan wixii laga wada hadlayay.
Wasiir ku xigeenka warfaafinta ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Al Cadaala oo warsaxaafadeedka u akhriyey warbaahinta ayaa waraysi gaar ah sidoo kale siiyey BBC.
Jawaabta wasiir ku xigeenka ayaa ku salaysnayd hadalkii mucaaradka ee ahaa in shirka uu ku dhamaaday "natiijo la'aan". Wuxuu sheegay in dawladdu diyaar u tahay "inay dhegeysato ra'yiga mucaaradka".
Faarax Lamaane ayuu u warramay


