Turkiga oo xirxiray weriyeyaal lagu eedeeyay inay kaartuun ka sameeyeen Nebi Maxamed NNKH

Dadweyne ayaa isugu soo baxay afaafka hore ee dhismaha majaladda.

Xigashada Sawirka, OZAN ​​KOSE/AFP via Getty Images

Booliska dalka Turkiga ayaa xabsiga u taxaabay saddex ka mid ah shaqaalaha majaladda caanka ah ee Leman, kadib markii ay daabaceen sawir-gacmeed u muuqda in lagu muujinayo Nebi Muxamed NNKH.

Wasiirka arrimaha gudaha Turkiga Cali Yerlikaya oo cambaareeyay falkan wax uu ugu yeeray fal fool xun oo uu sheegay in lagu ciqaabi doono.

Bayaanka majaladda ka soo baxay ayaa dhankooda lagu yiri "Ma aqbaleyno wasaqaynta magaceenna sababtoo ah ma jiro wax sawir ah oo Nabigeenna ah".

Dhanka kale dad careysan ayaa isugu soo baxay afaafka hore ee majaladda Leman iyaga oo ku dhawaaqayay takbiirta, waxaana ay ku dhawaaqayeen halku-dhig ah "shareecadu ha noolaato".

Wasiirka caddaaladda Yılmaz Tunç oo ku dhawaaqay baaritaanka uu xafiiska xeer ilaalinta guud ee Istanbul ku bilaabay joornaalka wax ka qora arrimaha kaftanka iyo maadda ee Leman ayaa ku dhawaaqay in la bilaabay baaris iyada oo la raacayo qodobka 216 ee xeerka ciqaabta Turkiga "oo ku saabsan sawir gacmeed" Nebi Muxamed NNKH kaasi oo lagu faafiyay barta X.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in shaqsigii sameeyay sawir gacmeedka iyo tafatiraha guud ee majaladda Leman ay ka mid yihiin dadka la xiray.

Sawirku waxa uu muujinayaa laba sawir oo baal leh - oo loo malaynayo in loola jeedo Nebi Maxamed iyo Nebi Muuse - NNKH oo gacan qaadaya ama isa salaamaya iyaga oo ku sugan cirka, magaalo ay ku socoto duqeymo gantaallo.

Majaladda ayaa beenisay in ay sameysay kartoonka laga dhigayo Nebi Maxamed NNKH . Muuqaallo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya dad careysan oo dhooban afaafka hore ee xafiisyada madbacadda ee bartamaha Istanbul.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wasiirka arrimaha gudaha Turkiga Cali Yerlikaya ayaa yiri, "Waxaan mar kale cambaareynayaa kuwa isku daya inay fidnada abuuraan iyagoo sameynaya wax ay u eg Nebigeenna (NNKH)."

Xafiiska dacwad oogaha guud ee Istanbul ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in go'aan lagu gaaray in la uruuriyo caddeymaha, waxaana la bilaabay in la xannibo isticmaalka akoonnada baraha bulshada ee Leman.

Leman: 'Farshaxaniistuhu waxa uu rabay in uu muujiyo xaqa ay leeyihiin dadka Muslimiinta ah ee la dulmay isaga oo sawiraya Muslim ay Israa'iil dishay'.

Warbixin ay soo saartay majaladda Leman, ayaa lagu sheegay in ay jiraan 200 oo milyan oo qof oo wata magaca Muxamed.

"Kartuunistaha waxa uu rabay in uu ku muujiyo xaqa ay leeyihiin dadka Muslimiinta ah ee la dulmay, isaga oo sawiraya qof Muslim ah oo ay Israa'iil dishay, waligiisna kuma talogelin in uu aflagaadeeyo qiyamka diinta," ayaa lagu yiri.

War-murtiyeedka ka soo baxay Mjaladda taasi oo lagu baahiyay barta X ayaa u dhignaa sidan."Ma aqbaleyno wasaqda nalagu soo tuuro, sababtoo ah ma jirto wax sawir ah oo Nebigeena ah, waa arrin aad u xasaasi ah inaad u fasirto kartoonka qaabkan."

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in majaladdani ay marar badan soo bandhigtay qadiyada falastiin, sidoo kale ", waxaan jecelnahay in aan cadeyno in aadan xaq u lahayn in aad damiirkeena iyo iimaankeenna su'aal galisaan waliba qaab khaldan".

Walaaca amniga ee shaqaalaha majaladda

AFP ayaa ku warantay in booliisku ay isticmaaleen rasaasta cinjirka iyo sunta dadka ka ilmeysiisa si ay dadka u kala eryaan.

Xigashada Sawirka, OZAN ​​KOSE/AFP via Getty Images

Ka dib markii laga soo horjeestay sawir-gacmeedka baraha bulshada, dad badan ayaa isugu soo baxay afaafka hore ee dhismaha majaladda Leman ee Beyoğlu ka dib baaaqyo soo baxayay.

Dadkii isku dayay in ay gudaha u galaan dhismaha ayaa waxaa ka hortagay booliska.

Sawirrada dadweynihii isugu soo baxay oo ku dhawaaqaya shareecada ha noolaato, iyagoo salaad tukanaya kuna dhawaaqaya takbiirta ayaa la baahiyay.

Wadooyinka uu dhismuhu ku yaalo waxaa ku sugnaa tobanaan basas boolis ah iyo ciidamo badan oo ah kuwa ka hortaga rabshadaha.

Ururka lagu magacaabo Great Eastern Raiders Association ayaa ku baahiyay barta X muuqaalo iyo sawiro dadweynihii isugu soo baxay dhismaha hortiisa iyagoo "Calanka uu ku xardhan yahya Tawxiidka lagu dhejinayo majaladda Leman." Boqolaal qof ayaa la arkayaa oo isku halkaasi.

Guddoomiyaha ururkan Great Eastern Raiders ee gobolka Istanbul Alper Kaan Aykut, ayaa khudbadiisa ku yiri, "Halkani waa dhulkii Anatolian-ka ee Muslimiinta, ama waanu tagi doonaa ama way tagi doonaan, ama way dhimanayaan ama way dhimanaynaa, waxaan diyaar u nahay inaan nafta u hurno ama aan naf u gooyno.".

Shaqaalaha majaladda ayaa ugu baaqay wasaaradda cadaaladda iyo ciidamada amniga inay tallaabo qaadaan.

Barasaabka Istanbul Davut Gül ayaa dhankiisa ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa X in ay jiraan qaar ka mid ah mudaaharaadayaasha oo qaadayay falal kicin ah. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri "Kooxaha banaan baxa dhigayay waa muhiim inay kala tagaan si loo ilaaliyo xasiloonida shacabka",.

"Ma jiro qof xaq u leh ama xor u ah inuu dembi galo, iyadoon loo eegin sababta," ayuu yiri.

Gelinkii dambe ee shalay, booliisku waxay isticmaaleen sunta dadka ka ilmeysiisa iyo rasaasta ka sameysan si ay dadka u kala eryaan, sida ay sheegtay AFP.

Waxaa sawir-gacmeedkan siyaabo kala duwan u cambaareeyay wasiirro ka tirsan dowladda oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka caddaaladda iyo wasiirka arrimaha dibadda.