Maxay carabi ku haysataa boqorad Raaniyada Urdun

Xigashada Sawirka, Getty Images
Intii uu socotay arooskii qaaliga ahaa ee lagu qabtay magaalada quruxda badan ee Venice, Talyaaniga, oo uu Jeff Bezos – ganacsadaha reer Maraykan ah iyo aasaasaha shirkadda Amazon – ku guursaday gabadha lagu magacaabo Lauren Sanchez, ayaa waxa uu dhaliyay muran iyo mudaharaadyo kala duwan, halka gobolka Bariga Dhexe si gaar ah looga hadlayay ka qeybgalka Boqorad Rania ee Urdun.
Arooskan, oo loo tixgelinayo midka ugu kharashka badan sanadkan, waxaa ka qeyb galay dad caan ah oo caalami ah, waxaana uu noqday mid hadal hayn badan dhaliyay. Tani waxay ahayd guurkii labaad ee Jeff Bezos iyo sidoo kale Lauren Sanchez, oo horey u ahayd martida barnaamijyo kala duwan oo ka bixi jirey Fox TV iyo ABC.
Jeff iyo Lauren waxay wada joogeen dhowr sano, waxayna si rasmi ah isu mehersadeen bishii May 2023.
Qiyaastii 200 qof ayaa lagu casuumay arooska, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen naqshadeeyaha caanka ah Diane von Furstenberg, gabadha madaxweynaha Maraykanka Donald Trump – Ivanka Trump, iyo ninkeeda Jared Kushner.
Inkasta oo baraha bulshada Carabta si weyn loogu amaanay dharka ay xiratay Boqorad Rania, haddana waxaa si kale loogu dhaleeceeyay ka qeybgalkeeda xafladdaas, iyada oo loo eegayo xidhiidhka shirkadda Amazon la leedahay maalgashiyada safrinta xogta ee internetka ee (cloud computing) ee ay ku leedahay gudaha Israel.
Arrintan ayaa dhalisay dood badan, iyada oo dad badan ay su'aalo ka keenayaan mowqifka boqoradda marka la eego xasaasiyadda siyaasadeed ee gobolka iyo doorka Amazon ee dhaqaalaha Israa'iil.
Waa tuma boqorad Raaniya?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Boqorad Rania waa Boqoradda Urdun iyo xaaska Boqor Cabdalla II. Waxay asal ahaan kasoo jeeddaa Falastiin, si gaar ah Daanta Galbeed ee Quddus, inkasta oo ay ku dhalatay dalka Kuwait.
Waxay haysataa shahaadada koowaad ee ganacsiga oo ay ka qaadatay Jaamacadda American University ee Qaahira. Kadib Dagaalkii Khaliijka ee 1991, iyada iyo qoyskeeda waxay u guureen caasimadda Urdun ee Ammaan, halkaas oo ay kula kulantay Amiir Cabdalla — oo markaas ahaa amiir — isna guursadeen.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Boqorad Rania waxay horey uga hadashay weerarrada Israa'iil ku qaaday Gaza iyo dagaalka halkaas ka socda.
Wareysi ay siisay weriyaha CNN Christiane Amanpour dhowr maalmood kadib markii Xamaas ay weerartay Israa'iil sannadkii 2023, Boqorad Rania waxay sheegtay in:
"Dadka ku nool Bariga Dhexe oo ay ku jiraan reer Urdun, ay si weyn uga argagaxeen ugana niyad jabeen falcelinta beesha caalamka ee burburka Gaza."
Waxay intaa ku dartay in:
"Indhaha dunida Carabta, ay hayaan reer Galbeedku 'ku lug leh', si gaar ah waddamada Reer Galbeedka ee si toos ah uga qaybqaadanayaan xasuuqa Falastiiniyiinta iyagoo taageeraya weerarrada Israa'iil ee Gaza."
Wareysigaas gudaheed, waxay ka digtay in xitaa haddii Xamaas la tirtiro, iska caabinta Falastiiniyiinta ee gumeysiga Israa'iil ay sii socon doonto.
Sidoo kale, wareysi ay sannadkii hore siisay warbaahinta Mareykanka, Boqorad Rania waxay sheegtay in:
"Israa'iil ay la kulantay hal mar wixii dhacay 7-dii October, halka Falastiiniyiintuna ay la kulmeen dhacdooyin la mid ah taas 156 jeer."
Wareysi kale oo ay si gaar ah ula yeelatay warbaahinta Mareykanka, Boqoraddu waxay sheegtay in:
"Gargaarka oo ay la socdaan duqeymo ma joojin karaan burburka iyo xasuuqa, dagaalka Gaza waa in si degdeg ah loo joojiyaa."
Waxay sheegtay in Israa'iil ay mas'uul ka tahay in dadka Gaza laga hor istaago nolosha aasaasiga ah.
Boqorad Rania waxay tiri:
"In Falastiiniyiinta la gaajaysiiyo lana harraadiyo waa musiibo ay Israa'iil abuurtay. Nacaybka ay Falastiiniyiintu u qabaan Israa'iil wuxuu salka ku hayaa waxa Israa'iil ku hayso."
Taariikh kooban - Urdun
Juqraafi ahaan, Urdun waxay ku taallaa meel aad u xasaasi ah oo ah badhtamaha Bariga Dhexe. Waxay xuduud la leedahay dalalka Sacuudi Carabiya, Ciraaq, Suuriya, iyo sidoo kale Israaiil iyo Daanta Galbeed. Xeebta Urdun ee Badda Cas (Red Sea) waxay dhererkeedu yahay kaliya 16 mayl.
Sida uu sheegay Bangiga Adduunka, Urdun waxay leedahay dad gaaraya in ka badan 11 milyan, kuwaas oo in ka badan 90% ay yihiin Carab, halka luuqadda rasmiga ahna ay tahay Carabi. Dalka Urdun waxa uu martigeliyaa dad badan oo ka soo haajiray Falastiin iyo Suuriya.
Urdun waa boqortooyo, waxaana haatan boqor ka ah Boqor Cabdalla II. Boqortooyada Haashimiya (Al-Hashimoon) waxay dalka xukumaysay tan iyo markii uu Urdun si rasmi ah uga xorowday gumeystihii Ingiriiska sanadkii 1946.
Bogga rasmiga ah ee Boqor Cabdalla II wuxuu si faahfaahsan u sharaxayaa taariikhda iyo nasabka boqortooyada Haashimiya, wuxuuna sheegaa in Boqorka Urdun uu si toos ah ula xidhiidho haybta Nebi Muxamed (NNKH), isaga oo kasoo jeeda reer Hashem, awowgii Nebiga.
Kahor qarnigii 20aad, gobolka uu Urdun ku yaallo wuxuu muddo afar boqol oo sano ah hoos imaan jiray Xukunkii Cusmaaniyiinta (Ottoman Empire). Balse go'aankii Cusmaaniyiintu kaga qaybqaateen dagaalkii koowaad ee aduunka oo ay la galeen xoogagii lidka ku ahaa xulafada, ayaa fursad u siiyay Emir-kii Makka ee waqtigaas, Shariif Xuseen bin Cali, inuu raadiyo madax-bannaani, taasoo lagu gaadhay kacdoonkii Carabta ee Arab Revolt sanadkii 1916, iyadoo uu taageerayay Ingiriiska iyo xulafadiisa.
Sannadkii 1917, ciidamada isku dhafka ahaa ee Ingiriis iyo Carab ayaa la wareegay gobolka oo ay ku jirtay Falastiin. Sanadkii 1921, Falastiin ayaa laga gooyay gobolkaas, waxaana la dhisay Transjordan, iyadoo maamulka lagu wareejiyay Cabdalla, kaas oo markii dambe noqday Boqorkii ugu horreeyay ee Urdun.
Intii u dhexeysay 1948 ilaa 1973, Urdun waxay la gashay Israa'iil afar dagaal:













