'Xabaal qodaha aan ledin' iyo xaaladda adag ee ka taagan Khartuum oo BBC fursad loo siiyey inay aragto
- Author, Barbara Plett Usher
- Role, BBC News

Xigashada Sawirka, Ken Mungai, BBC
Ciidanka milateriga ee Sudan ayaa u muuqda inay dib u qabsanayaan magaalada caasimadda ee Khartuum, laba sano ka dib markii magaalada laga saaray. Ayadoo haddaba askarta ay isku diyaarinayaan duullaankii ugu dambeeyey ayaa BBC waxaa la siiyey ogolaansho dhif ah oo la xiriira hawlgalka.
Dadka reer Sudan waxay weli la daalaa dhacayaan diiftii dagaalka, kaasoo dhaliyey geeri badan, burbur iyo xadgudubyo xuquuql insaanka oo lagula kacay dadka rayidka, ayadoo qaybo dalka ka mid ah ay ka jirto gaajo.
Bilihii u dambeyey, askartu waxay dib u qabsanayeen degmooyinka caasimadda ee waqooyiga iyo bariga, iyo qaybo ka mid ah bartamaha Khartuum.
Duullaanka ugu dambeeyey ee ay ku balaarinayeen meelaha ay haystaan ayaa billowday todobaad ka hor. Waxaa naloo kaxeeyey goob uu hawlgal ka socday oo ku taalla waqooyiga Khartuum xilli habeen bar ah.
Askarta niyadoodu way dhisnayd, heeso ayey qaadayeen xilli ay dagaalka gulo ka gaarayeen. Aroortii markii uu waagu baryey, horumar ayey ka sameeyeen, fiidnimada maalintii ku xigtayna waxay jabiyeen deegaan ku yaalla baratamaha oo muhiim ahaa oo ay haysteen RSF, taasoo u saamaxday askarta koofurta galbeed ee magaalada inay ku biiraan ciidanka xarunta dhexe ee waqooyiga.
Sawirro ay sii daayeen milateriga ayaa muujinaya dayaaradaha bilaa duuliyaha ah oo bar-tilmaameedsanaya gaadiid, iyo dab aad u weyn oo ay dhici karto inuu ka kacay rasaas loo waday dagaalyahannada RSF.
Dhismaha qasriga jamhuuriga ayaa ah deegaanka rasmiga ah ee madaxweynaha, wuxuuna leeyahay muhiimad taariikhi ah iyo mid astaan u ah dalka.

Xigashada Sawirka, Ken Mungai, BBC
Hal qof ayaa shaki la'aan u riyaaqay ciidamada waa Abidin Durma, waana nin si aad ah looga yaqaanay qabuuraha Omdurman, oo ah magaalo ay walaalo yihiin Khartoum oo dusha ka eegeysa webiga Niilka ee qayb ka ah gobolka caasimadda.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxaa cad in uu yahay waddani xoog badan, isaga oo si joogta ah ugu yeera dagaalka "dagaalka sharafta". Laakin waxa uu sidoo kale maalin walba la kulmaa dhibaatada soo gaarta rayidka.
Awowayaashii Mr Durma waxay qaraabo ahaayeen Mahdiga, oo ahaa hogaamiyihii qarnigii 19-aad ee abuuray aasaaska dawladnimada Suudaan iyo dhaqdhaqaaq diimeed oo saameyn leh.
Waxay aasaaseen Qabuuraha Axmed Sharfi, oo ka mid ah kuwa ugu da'da weyn uguna balaaran Omdurman. Hadda qabuuraha Mr Durma wuxuu xanaanaynayey tobanaan sano, wuxuuna sawir cad ka bixinayaa heerka dhimashada.
Waxa uu ku fiday saddex dhinac qiyaastii 10 eekar (afar hektar), iyada oo qubuuruhuna ay u samaysan yihiin safaf isku xig-xiga, oo qaarna la calaamadeeyay, qaarna aan lahayn wax calaamad ah.
Urta geeridu waxay ku sii jirtaa hawada. Mr Durma wuxuu ii sheegay in isaga iyo dhallinyaro mutadawiciin ah ay aasayaan "wax aan ka yarayn 25, 30 ama 50 mayd maalintii".
Taasi qayb ahaan sababteedu waxay tahay ayadoo qubuurihii kale ay noqdeen kuwo aan ammaan ahayn intii lagu jiray dagaalladii Omdurman, magaalada waxaa buux dhaafiyay dad barakacayaal ah, nidaamka caafimaadkana waxaa hareeyay iska horimaadyo.
Balse madaafiicda ayaa galaaftay nolosha dad aad u badan. Mr Durma waxa uu i tusay xabaal wadareed ay ku aasan yihiin dhibanayaasha shaqo joojin iskuul ka dhacday.

Xigashada Sawirka, Ken Mungai, BBC
Qayb dhan oo ka mid ah qabuuro cusub ayaa waxaa ku jira meydadka dadkii lagu dilay duqeyntii suuqa weyn bishii Janaayo: ugu yaraan 120 qof ayaa ku dhintay.
Waxaa naloo sheegay in RSF ay mas'uul ka tahay, ayagoo rasaas ku ridaya goobaha ay ciidamadu ka taliyaan ee Omdurman. Laakin labada dhinacba waxaa lagu dhaleeceeyay dambiyo dagaal - militariga waxaa lagu eedeeyay dilal wadareedyo meelo kale ka dhacay.
Meydadka ayaa si toos ah looga soo qaadaa cisbitaalka, kaas oo wacaya xabaal qodaha si uu u ogaado inuu u baahan yahay inuu isu diyaariyo aaska. Nidaamku waa mid hufan, oo degdeg ah.
" Isla markiiba waannu aasaynaa, sababtoo ah ma jiro talaajad [lagu kalsoonaan karo]," ayuu yiri Mr Durma. "Xabaaluhu waa nabad, qabrigu waa diyaar, lebenkii waa diyaar, dadkii aasayey waa diyaar, gudaha xabaalaha".
"Waqti aan seexdo ma jirto ilaa meydka ugu dambeeya laga aasayo," ayuu raaciyay, "ka dibna waxaan seexdaa nus saac ama 15 daqiiqo, ilaa aan helo wicitaan kale. Waan soo noqday sida hadda, waxaana yimid saddex, afar meyd ah".
"Dadka waxay u dhintaan rasaasta iyo duqeymaha, dadka waxaa lagu laayaa iyagoo guryahooda iska fadhiya, dhimasho badan ayaa jirta".
Taleefankiisii ayaa haddana soo dhacaya. Meyd kale ayaa diyaar u ah in la aaso.

Xigashada Sawirka, Ken Mungai, BBC
Ducada dadka dhintay ayaa caado ka noqotay Al-Mabrouka, oo ah xaafad ku taal galbeedka degmada al-Thawra ee Umdurman oo ay isku hor fadhiyaan ciidamada iyo RSF-ta.
Koox saaxiibo ah ayaa isugu soo baxay agagaarka Abazar Abdel Xabib masjidka deegaanka si ay ugu tacsiyeeyaan, iyagoo gacmaha kor u qaadaya, isla markaana akhrinaya aayado qur'aan ah.
Waxaan sii horreysay kula kulannay Mr Abdel Xabib qolka meydka ee isbitaalka, halkaas oo uu ka soo qaadayay meydka walaalkii iyo dumaashidiis. Waxaa haleeshay rasaas xilli ay wiilkooda geynayeen dugsiga barbaarinta. Guriga qoyska, gabadh yar, Omnia, ayaa soo toostay iyadoo la ooynaysa xanuun.
Waxay ku jirtay gacmaha hooyadeed markii uu madfaca ku dhacay, waxaana soo gaaray dhaawac cagta oo keliya uga dhacay. Badbaadadeeda waxa loo arkaa mucjiso. Waxa ay agoon noqotay iyada iyo saddex walaalo ah.
"Waxaan u sheegi doonaa sida saxda ah, waxa dhacay, duqeynta iyo dagaalka" ayuu yiri Mr Abdel Xabib, oo xambaarsan Omnia.
"Waa jiilkii mustaqbalka, ma ogolaaneyno in tani ay saameyn ku yeelato mustaqbalka, waxaan isku dayi doonaa inaan u samayno jacaylka hooyadood iyo aabbahood, inkastoo ay adag tahay. Laakiin tani waa qaddar".
Waxaan ku biiray haween ka mid ah bulshada oo isugu soo baxay qol u dhow si ay ugu tacsiyeeyaan dadka dhintay, sida ay marar badan sameeyeen intii uu socday dagaalka.
Saddex qof oo kale ayaa ku dhintay duqeynta isla maalintaas oo ay ku jireen labo wiil oo dhalinyaro ah.
Ma jiraan wax la mid ah nolosha caadiga ah, ayay ii sheegeen.
"Waxaan ku dhuumannaa sariiraha hoostooda marka duqeyntu bilaabato," ayay tiri Ilham Abdel Rahman, markii aan waydiiyay sida ay u ilaaliso caruurteeda.
"Mid ka mid ah ayaa ku dhacay gurigeena, wuxuuna ku dilay gabadha deriska ah jaranjarada albaabkayaga" ayey tiri.
Xaawo Axmed Saalax ayaa tiri haddii ay aroortii hore duqeymo dhacaan "waxaan aadnaa suuqa wixii intaas ka dambeeya si aan cunto uga soo gadanno".
"Haddii ay taasi dhici waydo, waxa nalagu qasbayaa in aanu fadhiisano oo aanu sugno inta ay duqeyntu imanayso,kadib marka ay joogsato dadku waxa ay tagayaan oo ay soo qaadanayaan waxa ay u baahan yihiin in ay ku noolaadaan.
"Carruurtu had iyo jeer waxay ku jiraan xaalad argagax leh," ayay raacisay.
"Maalin walba waxaan weyneynaa caruurteena, ardaydu ma degi karaan, waxba ma baran karaan, mar walba waxaa jirta xaalad cabsi, mar walba waxaan ku jirnaa xaalad murugo".
Haddii ciidamadu ay si buuxda gacanta ugu dhigaan caasimadda, ugu yaraan halkan duqeymaha ayaa ku joogsan doona.
Balse dagaalka ayaa ka sii socon doona meelo kale oo dalka ka tirsan, dhaawaciisana waxa uu soo gaari doonaa Suudaan sanadaha soo socda.













