Kalluun cajiib ah oo qarniyaal noolaa isagoon gaboobin

Kalluun

Xigashada Sawirka, Alec Lackmann

Cilmi-baadhis dhawaan la sameeyey ayaa muujisay in kalluunka loo yaqaanno Bigmouth buffalo uu noolaan karo wakhti dheer isaga oo u adkaysta xanuunnada xitaa marka uu gaboobo. Sidaas oo ay tahay, saynisyahannadu waxay ka walaacsan yihiin in tiradooda ay hoos u dhacayso.

Haro ku taalla gobolka Minnesota ee dalka Mareykankaoo la yidhaahdo Rice ayaa inta badan lagu arkaa noocyadan kalluunka, gaar ahaan bishan Maarso.

Kalluunka noocan ah ee buffalo oo ayaa la sheegay in uu ka mid yahay noocyada tirada yar ee kalluunka ee muddo dheer ku noolaada biyaha macaan.

Qaarkood waxa la sheegay in ay noolaan karaan in ka badan 100 sano.

Sannad kasta, kalluunkan - oo miisaankoodu ka badan yahay 50lb (23kg) - waxay ku dhalaan harooyinka gaar ahaan harada loo yaqaanno Rice ee dalka Maraykanka.

Noocyada kalluunkan ayaa inta badan laga helaa Waqooyiga Ameerika iyo weliba koonfurta Saskatchewan iyo Manitoba ee dalka Kanada, iyo xitaa qaybo ka mid ah gobolka Texas ee Maraykanka. Maaddaama aanay jilaabashadooda cidina jeclayn, muhiim uma aha in ganacsi laga sameeyo.

Cimri-dherer iyo caafimaad-qab

Cilmi baaris la sameeyay shantii sano ee la soo dhaafay ayaa muujineysa in qaarkood ay jiraan da'da 127. Waxaana la yaab noqotay in da'da ama wax gabow la xidhiidha aanay ka muuqan. Taasina waxa lagu tilmaamay in adkaysi ay dheer yihiin noocyada kale ee kalluunka aynu naqaanno.

"Waa mid ka mid ah kalluunka ugu da'da weyn adduunka, mana jirto xannaano ama ilaalin gaar ah oo loo sameeyo," ayuu yidhi Alec Lackmann, oo ah cilmi-baadhe kalluun oo ka tirsan Jaamacadda Minnesota, Duluth.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Lackmann ayaa hor kacayay daraasaddan lagu sameeyay kalluunka jaadkan ah, oo la daabacay 2019-kii. Daraasadda ka hor, waxaa loo malaynayay in kalluunkan uu noolaan karo kaliya 26 sano.

Kooxda hawshan u xilsaaran ayaa go'aamiya da'da kalluunka iyagoo adeegsanaya otoliths, qaabab dhagax-u-eke laga helo dhegaha kalluunka noocan ah. Saynisyahannadu waxa ay ka doodaan oo ay xisaabiyaan da'da macquulka ah ee uu jiri karo kalluunkani.

Daraasad la daabacay 2021-kii ayaa lagu baadhay caafimaadka kalluunkan, waxaana lagu ogaaday in aanay u nuglayn gabowga, waxa kale oo ay cilmi-baadhistu muujisay in caafimaadkoodu uu yahay mid wanaagsan xitaa marka ay duqoobaan.

Britt Heidinger, oo ah cilmi-baadhe ka tirsan Jaamacadda Waqooyiga Dakota State, ayaa sheegay in kalluunka noocan ah uu u muuqdoo mid habdhiskiisa jidheed iyo hannaankiisa difaac uu wanaagsan yahay.

"Weli waxaa jira wax badan oo aan laga ogayn sida kalluunkani uu u ahaan karo mid caafimaad qaba xilli ay da'diisu weyn tahay," ayuu yidhi Heidinger.

Lake Rice

Xigashada Sawirka, Alec Lackmann

Waxa jira sir kale oo ka soo baxday daraasaddan. Maadaama inta badan kalluunka loo isticmaalo muunad cilmi-baadhiseed waxa dhalatay weydiin ah "Aaway kalluunkii yaryaraa"?

Daraasad ay sameeyeen Lackmann iyo asxaabtiisa, waxay sheegeen 99.7% kalluunka loo isticmaalo muunad ahaan - 389 ka mid ah 390 kalluun ayaa da'doodu ka weyn tahay 50 sano jir, celceliska da'da waa 79, taasoo la macno ah in inta badan kalluunka noocan ahi ay dhasheen ka hor dhammaadka dagaalkii labaad ee aduunka.

Laakiin waxaa la yaab leh, inkastoo kalluunku uu sannad walba soo saaro jiil cusub oo la nooc ah leh, haddana kalluunka yaryar lama arko.

Cilmi-baadhayaashu waxay rumaysan yihiin in sababta hoos u dhacan ku yimid kalluunka yaryar ay tahay suurtogalnimada u gaadhsiga xayawaannada kale ee harada kula nool. Laakiin waxaa loo baahan yahay cilmi baadhis dheeraad ah si loo ogaado xaqiiqada dhabta ah.

Run ahaantii, ilaa maantadan la joogo, qofna ma garanayo sida uu ku yimid farqiga hadda jira ee 60-ka sano ah. Xilli noocyada kalluun ee hadda nool ay da'da ahaan sii weynaanayaan waxa walaac laga qabaa in in kalluunka jaadkan ahi uu dabar go'o.

Ilaalinta iyo wacyiga ayaa muhiim ah ayaa uu yidhi Lackmann. Khubaradu waxay rajeynayaan in gobollada sida Minnesota oo kale ay dejin doonaan siyaasad lagama maarmaan u ah ilaalinta kalluunka.

Hal aragti oo ku saabsan sababta kalluunka yaryari ugu halgamayaan inay qaan-gaadh noqdaan ayaa ah inay jiri karaan nooc ka mid ah cimilo-guur ku yimid deegaanka iyo dhismaha biyo-xidheenno aaggaasi laga dhisay ayuu yidhi Lackmann.