Mucjiso la yaab leh: Sida labo kun oo sano kadib lagu ogaaday maskax bini'aadam oo dhalo isku beddeshay iyo halka laga helay

nin maxkasiidu muraayad noqotay

Xigashada Sawirka, Guido Giordano

Qoraalka sawirka, Jajabka maskaxda dhalada isu beddeshay oo cabirkoodu yahay ilaa 2cm ayaa la helay.

Ku dhawaad 2,000 oo sano ka dib markii nin dhalinyaro ah uu ku dhintay qarax foolkaanada Vesuvius, saynis yahanadu waxay ogaadeen in maskaxdiisa oo badbaaday ay isku beddeshay muraayad ama dhalo ku jirta daruur aad u kulul oo dambas ah.

Cilmi-baarayaashu waxay heleen muraayadda sanadkii 2020 waxayna saadaaliyeen inay ahayd maskax fossil ah, laakiin ma aysan ogaan sida ay u samaysantay.

Qeybta leh cabirka digirtga ee muraayada madow ayaa laga helay gudaha lafta madaxa ee dhibanaha oo da'diisu ahayd qiyaastii 20 sano, kaasoo ku dhintay markii foollkaanuhu ku qaraxday sanadkii 79-aad ee ka hor dhalashadii nabadi Ciise meel u dhow magaalada Naples ee casriga maanta .

Saynis yahanadu hadda waxa ay rumaysan yihiin in daruur dambas ah oo u kulul oo darajo ahaan ah 510C ay maskaxda dabooshay ka dibna si degdeg ah ay u qabowday, isuna beddeshay xubintu dhalo.

Waa kiiska keliya ee la og yahay ee unugga bini'aadamka ama walxo kasta oo dabiici ah u beddelaya muraayad si dabiici ah.

"Waxaan rumeysannahay in xaaladaha gaarka ah ee aan dib u dhisnay si ay u soo nooleeyaan [habka shay isku beddelaya muraayad] maskaxda ay aad ugu adag tahay inay jiraan haraagii kale ee la midka ahaa, in kasta oo aysan suurtagal ahayn," ayuu u sheegay BBC Prof Guido Giordano oo ka tirsan jaamacada Roma Tre.

magaalada Herculaneum

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Magaalada Herculaneum oo u dhow Naples

"Tani waa helitaan gaar ah," ayuu yiri.

Maskaxda waxaa la haa nin lagu dilay sariirtiisa gudaha dhismo lagu magacaabo Collegium oo ku yaalla wadada weyn ee magaalada Herculaneum ee dalka Roomaanka.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Jajabjka dhalada ah ee ay saynis yahanadu heleen waxay u dhexeeyaan 1-2 cm ilaa dhawr milimitir oo keliya cabirkoodu.

Qaraxii foolkaadii weynayd ee Vesuvius, ayaa gubtay magaalada Herculaneum iyo Pompeii oo iyana u dhawayd halkaas oo ilaa labaatan kun oo qof ay ku noolaayeen. Haraaga ilaa 1,500 oo qof ayaa la helay.

Saynisyahanadu waxay hadda u malaynayaan daruurta dambaska ee kulul ay ahayd tii foolkaaninihii Vesuvius, lagana yaabo inay dhalisay inta badan dhimashada

Qulqulka soconaya ee gaaska kululk iyo waxlaha foolkaanaha sidoo kalana loo yaqaano "pyroclastic flow," oo soconaya ayaa aasay aaga.

Khubarada ayaa rumeysan in daruur dambas ah ay ninka maskaxdiisa u beddeshay muraayad, sababtoo ah qulqulka pyroclastic ma uusan gaari lahayn heer kul ku filan ama si dhaqsi ah u qaboojiso.

Habka samaynta muraayadda waxay u baahan tahay xaalado heer-kul gaar ah oo si dhif ah u dhaca si dabiici ah.

Si walax u noqoto muraayad, waa in ay jirto farqi weyn oo heerkul ah oo u dhexeeya walaxda iyo waxa ku hareeraysan.

Sheekada mucjsiada ah ee ninka

Xigashada Sawirka, Guido Giordano

Qoraalka sawirka, Ninka dhalinyarada ah ayaa lagu dilay sariirtiisa

Qaabka dareeraha ah waa inuu si degdeg ah u qaboojiyaa si uusan u dhalanin marka uu adag yahay, waana inuu ahaadaa heer kul aad uga sarreeya kan ku hareeraysan.

Kooxdu waxay adeegsatay sawir-qaadista raajo iyo mikroskoob elektaroonig ah si ay u soo gabagabeeyaan in maskaxda ay tahay in la kululeeyay ugu yaraan 510C ka hor intaysan si degdeg ah u qaboobin.

Ma jiraan qaybo kale oo ka mid ah jirka ninkan oo la rumaysan yahay inay isu beddeleen dhalo ama muraayad.

Kaliya walxaha qaar ka kooban dareere ayaa noqon kara muraayad, taasoo micnaheedu yahay in lafuhu aysan noqon karin muraayad.

Unnugyada kale ee jilicsan sida xubnaha, ayey u badnatahay inay ku burbureen kulaylka ka hor inta aysan qaboojin ku filan helin si ay isugu beddelaan muraayad ama quraarad.

Saynis yahanadu waxay rumaysan yihiin in lafta dhafoorku ay maskaxda siinaysay xoogaa difaac ah.