Cilmi-baadhis: Jiir labo aabbe leh oo lagu sameeyay shaybaadh

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xayawaanka jiirka ah oo leh labo aabbe oo lab ah ayaa si guul leh ugu koray tijaabadii ugu horreysay ee cilmiyaysan.
Cilmi-baadhayaashu waxay gaadheen heerkan muhiimka ah iyagoo adeegsanaya habka dib-u-samaynta unugyada asliga ah ee uurjiifka, iyagoo si sax ah u beddelay hiddo-wadayaal muhiim ah oo ku lug leh taranka si ay u abuuraan jiir leh labo aabbe.
Farsamadan horumarsan waxay u suurtagelisay saynisyahannada inay ka gudbaan caqabad hore loo malaynayay inaysan suurtagal ahayn oo la xidhiidha taranka xayawaanka ku dhasha jinsi isku mid ah.
Tijaabooyinkii hore, ilmo uur-jiifka jiirka ma awoodi jirin inay si buuxda u koraan, sababtoo ah isticmaalka laba jiir oo lab ah wuxuu sababay dhibaatooyin hidde-side ah inta lagu jiro bacriminta, taasoo keentay cillado dhalasho.
Si kastaba ha ahaatee, khubarrada daraasaddan cusub waxay tuhunsanaayeen in dhibaatooyinkan hidde-side ay sabab u tahay isticmaal la'aanta hiddo-wadayaal dabiici ah – kuwaas oo caadiyan looga baahan yahay in laga dhaxlo waalid lab iyo dhaddig ah.
"Tilmaamaha gaarka ah ee hiddo-wadayaasha aan dabiiciga ahayn waxay saynisyahannada u xaqiijiyeen in ay yihiin caqabadda ugu weyn ee ka hortageysa taranka xayawaanka dhallaanka ah ee jinsi isku mid ah," ayuu yiri Prof Qi Zhou, oo ah mid ka mid ah qorayaashii daraasadda.
"Xitaa marka la isku dayo in lagu abuuro uurjiif leh labo hooyo ama labo aabbe iyadoo la adeegsanayo habab macmal ah, ma horumaraan si sax ah, waxayna hakadaan mar uun inta lagu jiro kobocooda sababtoo ah hiddo-wadayaashan."
Iyadoo la raacayo aragtidan, cilmi-baarayaashu waxay wax ka beddeleen 20 hiddo-wadayaal aan dabiici ahayn iyagoo adeegsanaya habab kala duwan ka hor inta aysan embriyaha gelin "hooyooyin beddel ah."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Natiijooyinkani waxay caddeyn xooggan u yihiin in cilladaha hidde-side ay yihiin caqabadda ugu weyn ee hor taagan taranka jinsi isku mid ah ee xayawaannada dhallaanka ah," ayuu yiri Prof Guan-Zheng Luo oo ka tirsan Jaamacadda Sun Yat-sen.
"Habkan wuxuu si weyn u horumarin karaa natiijooyinka kobaca unugyada asliga ah ee uurjiifka iyo moodellada xayawaanka, taasoo suurtagelinaysa in la helo daawayno cusub oo wax ku ool ah."
Si kastaba ha ahaatee, ma aha dhammaan war wanaagsan. Cilmi-baadhayaashu waxay sheegeen in kaliya 11.8 boqolkiiba uurjiifku ay gaareen heerka dhalashada, xitaa markay dhashaan qaar badan oo ka mid ah ma noolaanin ilaa qaangaarnimo sababtoo ah cilado koboca la xidhiidha.
Intaa waxaa dheer, jiirka gaadhay qaangaar wuxuu la kulmay korriin aan caadi ahayn iyo cimri gaaban, halka kuwa badbaadayna ay ahaayeen madhalays.
Koox khubarro ah ayaa hadda si gaar ah u baadhaya sida beddelidda hiddo-wadayaal gaar ah ay uga caawin karto uurjiifyadu inay si wanaagsan u koraan.
Waxay sidoo kale qorsheynayaan inay cilmi-baadhistooda ku tijaabiyaan xayawaanno kale, sida daanyeerka.
Ilaa iyo inta laga gaarayo heerkaas, lama oga in farsamadan loo isticmaali doono aadanaha.













