Sida naxdinta leh ee 18 jirkan u dilay hooyadii, walaashii iyo walaalkii isaga oo isu maleynaya in uu yahay fiidiyow game uu daawaday

Nicholas wuxuu kula noolaa guri hooyadiis Juliana iyo laba walaalo ah oo ka yar.

Xigashada Sawirka, YOUTUBE

Qoraalka sawirka, Nicholas wuxuu kula noolaa guri hooyadiis Juliana iyo laba walaalo ah oo ka yar.

Digniin: Warbixintaan waxaa ku jira qaybo dareena haan aad dhibsan karto ama ku xanuujin kara akhristayaasha.

Booliiska ayaa maalin joojiyay Nicholas oo 18-jir ah bishii Sebtembar ee la soo dhaafay, wuxuu horay u dilay hooyadiis, walaalkii iyo walaashii wuxuuna qorsheynayay inuu rasaas ku furo dugsigii hoose oo uu wax ku bartay yaraantiisii.

Nicholas, wuxuu kula noolaa guri ku yaal Luton hooyadiis Juliana iyo laba walaalo ah oo ka yar, Kyle iyo Giselle.

Bishii Sebtembar 13-keedii, wuxuu madaxa ka toogtay hooyadiis, walaashii, iyo walaalkii.

Kadib markii ay maqleen dhawaqa rasaasta, dadka deegaanka ayaa wacay booliiska, kuwaas oo xiray Nichols intii lagu guda jiray xariga xigay. Saraakiisha ayaa sidoo kale helay qorigii uu doonayay inuu u adeegsado toogashada iyo 30 xabadood oo Nichols uu u diyaariyay weerar lagu qaado dugsigiisii hoose.

Markii Nicholas uu ka soo muuqday dhageysigiisii ugu horreeyay ee maxkamadda, aabihiis ayaa ku qayliyay, "Weli waan ku jecelahay, wiilkeyga, qalad maadan sameyn."

Hadalladaas ka dib, aabbihii wuxuu ku ilmeeyay qolka maxkamadda dhexdiisa.

Isniintii lasoo dhaafay, Nicholas waxa uu qirtay mas'uuliyadda dilka saddex xubnood oo qoyskiisa ka tirsanaa, ka dib booliiska ayaa xaqiijiyay in tuhmanaha uu sidoo kale doonayay inuu weeraro dugsiga hoose ee St. Joseph's Catholic Primary School.

Inta lagu guda jiro baaritaanka, waxaa sidoo kale shaaca laga qaaday in aysan jirin wax macluumaad ah oo sheegaya in Nicholas uu qabo xanuun maskaxeed.

Sawirada Nicholas hooyadii, walaashii iyo walaalkii

Xigashada Sawirka, CONTRIBUTED

Xog yar oo ku saabsan Nicholas ayaa shaaca laga qaaday 10-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay ee dhageysiga maxkamadda, laakiin BBC-da ayaa falanqeysay taariikhdiisa internetka, faahfaahinta ka soo baxdayna waa mid aad looga xumaado.

Mareeg uu inta badan booqdo ayaa soo bandhigay muuqaalo muujinaya waqtiyadii ugu dambeeyay ka hor inta uusan dilin xubno ka mid ah qoyskiisa.

Waxaa la sheegay in Websitdku uu xanibay ninkaan kadib markii uu faallooyin dadka dhibaya ka bixiyay mareegtaas.

Waxa kale oo uu xiisayn jiray weeraro lagu qaado dugsiyada adduunka. Wuxuu sidoo kale sheegay in uu daawan jiray muuqaallo anshax xumo ah sida carruur loo galmoodo.

Arrinta ugu yaabka badan ayaa ah in Nicholas uu aad ugu ekaa Clementine, jilaha ku jira muuqaalka 'The Walking Dead'.

Ka dib markii uu dilay hooyadiis, walaashii iyo walaalkii, wuxuu duubay muuqaal isaga oo eegaya kamaradda oo leh, "Anigu waxaan ahay kii la doortay, waxaa doortay Clementine."

Nicholas iyo walaalkiis Kyle labaduba waxay dhigteen Cardinal Newman Catholic School. Iskuulku wuxuu ku tilmaamay Kyle inuu ahaa"Alumnus caan ku ah naxariistiisa iyo inuu yahay saaxiibka ugu fiican ee ardayda kale."

Ka dib markii ay soo baxday faahfaahin ku saabsan ujeedada Nichols ee ah in uu weeraro dugsiga, maamulku wuxuu yiri, "Waxaan rabnaa inaan kuu xaqiijino in badbaadada, daryeelka, iyo farxadda bulshada, ardayda, iyo shaqaalaha dugsiga, ay had iyo jeer ahaan doonaan mudnaantayada koowaad mana ka tanaasuli doono taas."

Nicholas ayaa la xukumi doonaa toddobaadka soo socda, waxaana inta lagu guda jiro xilligaa soo bixi doona macluumaad badan
Qoraalka sawirka, Nicholas ayaa la xukumi doonaa toddobaadka soo socda, waxaana inta lagu guda jiro xilligaa soo bixi doona macluumaad badan
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Amniga dugsiga si joogto ah ayaa dib loogu eegaa oo loola socdaa. Tani waxay noo ogolaanaysaa inaan ogaano in tallaabooyinka aanu meel dhignay ay yihiin kuwo waxtar leh."

Ilaa hadda lama oga in su'aalo laga keenay habdhaqanka Nicholas ka hor, ama in hore loo siin jiray taageero dheeraad ah oo ku saabsan waxbarashada ama caafimaadka.

"Waxaa jiray dareen naxdin iyo walaac ah markii aan ogaanay in Nicholas uu damacsanaa inuu geysto dhibaato kale ka dib dilalkan naxariis darrada ahaa," ayay tiri Hazel Simmons, hoggaamiyaha xisbiga shaqaalaha ee Luton Council.

Waxa uu sheegay in uu sidoo kale farriimo walaac ah ka helay qaar ka mid ah waalidiinta carruurta dugsiyada.

Hazel waxa ay sheegtay in aanay garanayn in Golaha Luton uu wax aqoon ah u leeyahay dhibaato kasta oo soo wajahda qoyska Nicholas.

Dhammaan dugsiyada Luton ayaa la weydiistay inay dib u eegis ku sameeyaan ammaankooda ka dib dhacdada.

Nicholas ayaa la xukumi doonaa toddobaadka soo socda, waxaana inta lagu guda jiro xilligaa soo bixi doona macluumaad badan oo isaga ku saabsan. Laakiin waxa cad in ficilkiisu uu burburiyay qoys.

Kormeeraha guud ee Bedfordshire Sam Khanna ayaa yiri: "Tani waa kiis naxdin leh oo saddex qof oo aan waxba galabsan oo isku qoys ah lagu dilay,".