Itoobiya: Ninkii cagaha u meyray ninkii wiilkiisa dilay

Xigashada Sawirka, GCIM/FB
Nin u dhashay dalka Itoobiya ayaa ninki wiilkiisa dilay ku yiri 'waan ku jecelahay adiga ayaana wiil ii noqonaya', weliba cafis buuxa u fidiyey.
Mateos Desta waa oday ku nool magaalada Hawaasa ee ku taalla Koonfurta dalka Itoobiya. Dadka magaaladaasi ku nool waxay odaygan ugu yeeraan 'Injineer' balse Injineernimadu ma aha mid uu waxbarasho ku keenay balse wuxuu ku muteystay muddo 30 sano ka badan oo guriyaha magaaladaasi uu dhisi jiray.
Mateos oo ahaa farsama yaqaan guriyaha dhiso oo magaadaasi si weyn looga yaqaanno wuxuu gurigiisa uu ka furtay xafiis yar oo uu ugu tala galay inuu dadka uu ku heshiisiiyo.
Guri dhiska iyo Heshiisiinta dadka uu Mateos ku caan baxay waxaa u dheer oo magaalada uu ku nool yahay si weyn looga hadal hayaa arrin dhif iyo naadir ah oo dad badan ay ka suuragasheen oo uu sameeyey.
Muxuu sameeyey?
Mateos Desta oo ay da'diisu tahay 85 jir wuxuu dhalay 12 carruur ah, 12 caruur ahna awoowo ayuu u yahay. Waxaana laga dilay mid ka mid ah wiilashi uu dhalay.
In mudda ah marki uu baadi goobayey ayaa aabbihi waxaa lagu wargeliyey in la helay ninki wiilkiisa dilay uuna xiran yahay.
Kaddib Mateos wuxuu ninki wiilkiisa dilay uu ku booqday xabsigi uu ku jiray wuxuuna u fidiyey 'cafis buuxa.'
Intaa keli kuma ekaane ninki cafiska uu u fidiyey ayuu boqollaal dad ah hortooda 'cagaha ugu meyray.'
Sida uu dhigayo dhaqanka dalka Itoobiyana qofka qaddarinta iyo ixtiraamka ugu sarreeya loo muujinayo cagaha ayaa loo meyraa, taasoo ka dhigan ixtiraamki ugu dambeeyey in qofkaasi la siiyey.
Mateos arrinkaasi uu sameeyey ayaa noqday mid ka yaabiyay qofkasta oo maqlo maadaamaa dadka intooda badan ay arrintaa ka suurtagasheen.
Mateos wiilka laga dilay waxaa lagu magacaabi jiray Israa'iil. Wuxuuna ahaa wiil uu aad u jeclaa oo howl kar ah. Xilligi la dilay wiilkiisa aad iyo aad buu uga naxay in mudda ahna wuxuu na noolaa murug iyo tiiraanyo.
Dilka siduu u dhacay?
Habeen habeennada ka mid ah oo ay saacadduna ahayd abbaare 11-ka fiidnimo sanadkuna ahaa 2006-dii oday Mateos waxaa lagu wargeliyey iney xaafaddi uu magaalada ka dagganaa ay rabsho ka dhacday mid ka mid ah wiilashiisana uu wax ku noqday.
"Xilligaa xaaskeyga wey nooleyd. Dad badan ayaa xaafadda orod ku tagay si ay u ogadaan waxa meesha ka dhacay. Muddo marki aan duceysanayey kaddib ayaan goobti gaaray waxaanna la kulmay dad badan oo meel ku uruursan. Waxaana la igu wargeliyey inuu wiilkeyga geeriyooday," ayuu yiri Mateos Desta.
"Intaa ka gadaalna booliska ayaa falki dhacay baaritaan ku sameeyey kaddibna waxay ii keeneen meydka wiilkeyga, waxayna booliska ii sheegeen in middi la geliyey sidaana uu ku dhintay."

Xigashada Sawirka, GCIM/FB
"Wiilkeyga adiga ayaa dilay balse aniga waan ku jecelahay"
Ninki wiilka Mateos dilay xabsi ayaa lagu xukumay waxaana loo diray gaalshire. Hase yeeshee Mateos wuxuu go'aansaday inuu la sii noolaan murugo uu xal kale la yimaaddo.
"Xabsigi uu ninki wiilkeyga dilay uu ku xirnaa ayaan tagay meel fog ayaana la iga tusay. Aniguna intaan iska qariyey isaga oo aan i arkeyn ayaan lugaha qabsaday. Wuu isku naxay wuxuuna igu yiri 'maxaad lugaha ii haysataa? Anna waxaan ku iri inaan cagaha kuu meyro ayaan doonayaa.'
'Sabab?' ayuu igu yiri.
"Wiilkeyga adiga ayaa dilay laakiin aniga waan ku jecelahay' ayaan ku iri. 'Waxaanna u raaciyey wiilkeyga Israa'iil ayaad dishay adiga ayaana wiilkeyga noqonaya'.
"Marki aan intaa ku iri ayuu iscelin waayey oo wuuu isku daray rafasho iyo oohin uu afka furtay. Dhulka ka kac ayaan ku dhahay, kaddib ayaan cagaha ugu meyray biyo aan sitay oo aan ku soo tala galay."
"Wixii intaa ka dambeeyey waxaan soo diyaariyey dokumanti aan cafis ugu fidinayo waxaanna codsi u gudbiyey guddiga cafiska, sidaa ayeyna guddiga ku cafiyeen oo xabsiga looga sii daayey ninki wiilkeyga dilay."
Haddaba arrinta la yaabka noqotay ayaa waxay tahay halka ay dadku qofki hadal xun ku yirahda iney cafiyaan ay ku adag tahay inuu odaygan cafiyo ninki wiilkiisa dilay waa arrin cajiib ah oo u baahan go'aan iyo calool adayg.
"Dadku wey ila yaabeen marki aan ninki wiilkeyga dilay cafis u fidiyey oo waxay i weydiinayeen qoyskaaga maxay ku leeyihiin? ma kala tashatay? iwm, aniguna jawaabteyda waxay ahayd go'aan aan anigu gaaraya maskaxdeyda ayaan kala tashtaa oo keli cid kale waxba kama gelin" ayuu yiri Mateos Desta.
Qoyski wiilka la cafiyey marki ay Mateos u yimaaddeen oo ay ku yirahdeen wax weliba na weydii mag iyo waxaad doonto. Hase yeeshee wuxuu ku yiri aniga cafiska wax aan ku baddalanaya ma jirto wixi abaal ahna ilaahey ayaan ka helayaa.
"Laga billaabo maalinti aan ninkaasi cafiyey waxaan dareemayaa farxad iyo niyad wanaag maadaamaa aan ka shaqeeyey qof kale farxaddii, waana go'aanki iigu farxadda badnaa oo aan gaaro inti aan noolaa," ayuu yiri.










