"Dil ayaa lagu xukumay, 26 sannadoodna waxa uu u xirnaa dil uusan geysanin balse hadda wuu faraxsanyahay"

Nin u dhashay North Carolina oo si khalad ah loogu xukumay dil, xabsigana ku jiray 26 sannadood ayaa guddoomiyaha gobolka uu cafis buuxa u fidiyay.
Dontae Sharpe wuxuu muddo u dagaalamayey inuu caddeeyo inuusan wax dambi ah gelin tan iyo markii la xiray 1994-tii. Waxaa xabsiga laga sii daayay Ogosto 2019.
"Ugu dambeyn magaca qoyskayga waa laga saaray meesha," ayuu u sheegay suxufiyiinta Jimcihii. "Waa culeeys laga dajiyay garbahayga iyo kuwa qoyskaygaba."
Tallaabadan ayaa ka dambeysay ka dib filim dokumenti ah oo ay BBC-du ka diyaarisay caddaalad-darrada lagu sameeyay kiiskiisa.
Sheekada Mr Sharpe ee BBC ayaa iftiimisay sida ay sannado ku qaadan karto in la helo cafis buuxa xitaa ka dib marka qofka la dafiro oo uu helo xorriyadiisa.
Barasaab Roy Cooper ayaa bayaan uu ku shaaciyay cafiska ku sheegay in uu si taxadar leh u eegay kiiska, kuwa sida Khaldan loo xukumay sida Mr Sharpe "ay mudan yihiin in cadaalad daradaas lagu sameeyay si buuxda loo qiro".
Cafis buuxa, ka dib Mr Sharpe wuxuu awood u yeelan doonaa inuu codsi magdhow ah u gudbiyo gobolka.
"Xorriyadeyda weli ma dhameystirna ilaa iyo inta ay jiraan dad si khalad ah xabsiga ugu jira, si khalad ah loo xukumay, iyo dad sugaya cafis," ayuu Mr Sharpe ku daray.
"Waan ku soo dhex jiray oo waxaan ogahay inay jiraan niman aan waxba galabsan oo og in nidaamkayagu uu musuqmaasuq yahay oo uu u baahanyahay in wax laga beddelo."
Mr Sharpe haatan waa saaxiib la shaqeeya Forward Justice, halkaas oo uu u doodo dib u habaynta cadaalada dambiyada ee North Carolina.
Waxaa lagu helay dambi dil oo darajada koowaad ah oo ku saabsan dilkii George Radcliffe. Bilo ka dib dacwadda, gabadh goob jooge ah oo gobolka mataleysay ayaa ku marqaatifurtay.

Kulankii dhexmaray Dontae Sharpe iyo weriyaha BBC-da Chelsea Bailey
Markii aan la kulmay Dontae Sharpe horaantii xagaagan wuxuu ii sheegay inuu u hurayo inta ka dhiman noloshiisa si uu u hagaajiyo nidaamka cadaalada dembiyada ee Mareykanka.
Hadda oo uu xor yahay - ka dib ku dhawaad 30 sano oo uu u dagaalamayey sidii uu u burin lahaa xukun khaldan oo uu u helo cafis buuxa - shaqadaas ayaa si dhab ah u bilaabantay.
Laga soo bilaabo 1989-kii, in ka badan 2,887 qof ayaa dambi lagu waayay, marka loo eego Diiwaangelinta Qaran ee Dambi dhaafka.
Ugu dambayntii, Mr Sharpe xorriyaddiisa waxa ay ku jirtay gacanta barasaabka North Carolina, Roy Cooper, kaas oo maanta uun saxeexay cafiskiisa ka dib markii ay taageerayaashu sannado badan ka codsadeen gobolka.
Qareenkiisa, Caitlin Swain, ayaa sheegay in dagaalka Mr Sharpe uu caddayn u yahay in ay jirto hab ka wanaagsan oo caddaalad loogu sameeyo North Carolina iyo guud ahaan dalkan.
Waxay qaadatay tobanaan sano oo dagaal ah in ugu dambeyntii la tuuro xukunkiisa iyadoo la adeegsanayo ciidan ka kooban qareeno, wadaaddo, taageereyaal iyo xubno ka tirsan qoyska Mr Sharpe.











