‘Keligeed ayaa umushay, cunuggana waxay ku tuurtay beer xilli uu qabow xun jiray’

Xigashada Sawirka, BBC Three
15-kii bishii October ee sanadkii 2013-kii, abbaarihii 9.30am, nin eygiisa ku lugeysiinayay beer ku taalla gobolka Alaska ee dalka Mareykanka ayaa soo wacay lambarka booliska ee 911 kaddib markii uu arkay wax uu ka argagaxay: meydka gabar yar oo looga tegay bannaanka gurigooda hortiisa.
Bulshada ayaa la fajacday, iyadoo gawaarida booliiska iyo shaqaalaha kaamirooyinka ay goobta soo gaareen.
Goor dambe oo galabtii ah, dhaqaatiirta ayaa u tagay haweeney ku jirtay guri meesha u dhow oo ay ku yaalleen dhaawacyada sida qof cunug dhalay, isbitaalka ayaana loola cararay.
Haweeneydaas waxaa lagu magacaabaa Ashley Ard, waana 24 jir.
Ashley waxaa baraha bulshada looga aqoonsaday "haweeneyda loogu neceb yahay Alaska". Dadka qaar ayaa xitaa ku baaqay in dil lagu xukumo sababo la xiriira waxa ku dhacay gabadheeda.
Kooxdii difaaceysay Ashley, ayaa sheegay in xiriir xun oo ay ku jirtay uu khatar u horseeday nafteeda. Mid ka mid ah qareennada ayaa sheegay in isku buuqa dhalmada kaddib iyo dhibaatooyin soo gaaray markii ay uurka lahayd laga yaabo inay sabab u yihiin waxa ay sameysay.
Sidaas darteed, sidee gabar yar loogu tuuray beer habeen qabow uu ka jiray Alaska? Sababtuna maxay tahay?
'Xiriir ku dhisan dabeecad qallafsan'

Xigashada Sawirka, BBC THREE
Ashley Ard waxay ku dhalatay Portsmouth, Virginia. Kahor inta aan loo xirin dilka gabadheeda, weligeed ma sameyn wax dembi ah.
Waxay ka dhalatay qoys diimeed, markii ay ka qalin jebisay dugsiga sarena waxay ku biirtay ciidamada, halkaas oo ay kaaliye ka ahayd.
Intii ay milatariga la shaqeyneysay ayay baratay ninkeedii mustaqbalka, Kennard, oo askari ahaa. Ashley iyo qoyskeeda iyo saaxiibbadeed ayaa sheegay in muddo kaddib uu xiriirkaasi xumaaday.
"Iyadoo oyneysa ayay isoo wici jirtay sababtoo ah waxay caddeyn u heshay inuu khiyaanayay," ayay tiri Ashley saaxiibteed.
"Xiriirkoodu wuxuu ku dhisnaa dabeecad khallafsan," mid ka mid ah xubnaha qoyska Kennard ayaa sidaas yiri.

Xigashada Sawirka, BB THREE
Iyadoo uu jiray walaaca ay ka qabtay inuu gogol dhaaf sameynayay, ayay haddana Ashley guursatay Kennard bishii October 2011. Bil kaddib, waxay yeelatay uurka ilmahoodii ugu horreeyay.
Xagaagii xigay Kennard waxaa la geeyay Afghanistan - safarkiisii ugu horreeyay ee shaqo - isagoo ka tegay Ashley oo cidlo ah, taasina micnaheedu tahay inay keligeed dhasho. Intii uu ninkeedu maqnaa, Ashley waxay go`aansatay inay u guurto Virginia si ay qoyskeeda uga ag dhowaato.
Ashley ayaa sidoo kale sheegtay in kaddib markii uu cunuggoodu dhashay, isla markaana uu Kennard ka maqan yahay dalka, ay la saaxiibtay nin mar kalena ay uur yeelatay. Waxay qorsheysay inay iska soo riddo haddana way ka laabatay.
Markii uu ninkeeda soo laabtay, waxay sheegtay inay isbeddel ku aragtay dabeecaddiisa, isla markaana uu aad u qallafsanaa, isagoo xanaaqi jiray korna u boodi jiray isagoo qeylinaya.
"Ma uusan ahayn qofkii hore," ayay tiri.
Ashley ayaa sheegtay in Kennard uu seexday isagoo qori gashaday sariirta hoosteeda, wuxuuna u sheegay in haddii ay weligeed uur u qaadday qof kale uu dili doono.
Kennard ayaa qirtay inuu mar la dagaalay Ashley, balse wuxuu beeniyay eedeymaha ay u soo ejedisay.
"Inta ay isoo qabato ayay i feeri jirtay, kamana aarsan jirin," ayuu yiri Kennard.
"Mid ka mid ah habeennada wax baan isku qabsannay, way i dharbaaxday anigoo ka jawaabaya ayaan dharbaaxay."
Bilooyin kaddib markii uu ka soo laabtay Afghanistan, Kennard waxaa la geeyay saldhig milatari oo ku yaalla Alaska. Iyada oo nin kale uur u leh isla markaana ay jiraan tacaddiyada ay sheegtay, Ashley waxay go`aansatay inay ninkeeda u raacdo meesha la geeyay.
Kennard ayaa booliiska u sheegay inuusan xilligaas war u heyn in xaaskiisa ay uur lahayd. "Way qarisay si fiican ayayna u qarisay," ayuu yiri. "Marka aad sir qariso, waxyaabo yaab leh ayaa dhacaya."
Wuxuu xitaa booliiska u sheegay inay waajibkooda guurka si caadi ah u wateen, markii uu su`aalay miisaanka ku sii kordhayana waxay u sheegtay inay tahay xaalad caafimaad.
Muddo sagaal bilood ah, Ashley uurkeeda way ka qarisay qof walba oo nolosheeda ku lug lahaa.
Habeen kahor markii ilmaha laga helay beerta, Kennard wuu ka maqnaa guriga wuxuuna sheegay inuusan waxba ka ogeyn wixii habeenkaas dhacay ilaa maalintii ku xigtay la gaaray.

Xigashada Sawirka, BBC THREE
Muddadii saddexda iyo barka saacadood ahayd ee uu Kennard guriga ka maqnaa, waxay booliisku sheegeen in Ashley ay fool qabatay, oo ay dhashay, ilmihiina ay beerta geysay gurigana ku soo laabatay.
Sawirrada ay booliiska ka heleen suuliga ay Ashley ku dhashay waxay muujinayaan in sagxadda iyo derbiyada uu dhiig ka buuxay.
Sida ay dhaqaatiirtu caddeeyeen, Ashley waxaa ka baxay dhiig shan jeer ka badan kan ka baxa haweeneyda caadi u umusha - waa in ka badan kala bar dhiigga jirkeeda ku jira.
Iyadoo ay jireen xaddiga dhiigga ka baxay iyo xaaladda caafimaad ee ka dhalatay, haddana Ashley booliiska ayaa su`aalo weydiiyay labo saacadood uun kaddib markii isbitaalka la geeyay.
"Maanta ayaan cunugga helnay," ayuu sarkaal boolis ah ku yiri.
"Cunuggee?" ayay tiri Ashley. "Cunug ma dhalin aniga."
Ashley waxaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta dil heerka labaad ah. Haddii dembigaas lagu heli lahaa, waxay wajihi lahayd 99 sano oo xabsi ah.
Kahor maxkamadeynteeda, Ashley waxaa lagu hayay xabsiga haweenka ee Alaska: Hiland Mountain Correctional Facility.
Weriyeyaal ku booqday xabsiga, oo loo oggolaaday inay wareysi la yeeshaan, ayaa sheegay in ay inkirtay wixii dhacay habeenkaas.
"Xanuun badan ayaan dareemayay. Dhiig badan ayaa iga baxay, suuliga ayaan ku dhacay" ayay tiri.
Balse kahor inta aysan billaaban maxkamadeynteeda, Ashley waxaa loo soo jeediyay inay qirato dilka, laguna xukumi doono ugu badnaan 20 sano oo xarig ah. Ashley ayaa aqbashay arrintaas.
Ashley waxaa lagu xukumay 12 sano oo xarig ah, iyadoo laga reebay saddexdii sano ee ay xabsiga ku jirtay, taas oo la micno ah inay xabsiga ku jiri doonto sagaal sano.
Ashley oo mar kale weriyeyaasha la hadashay ayaa sheegtay in la talin loo sameeyay ay ka caawisay inay ka hadasho wixii habeenkaas dhacay.
Waxay xaqiijisay in Kennard uusan wax lug ah ku lahayn dhimashada cunugga balse aysan ka war heyn sida ay keligeed u dhashay ilmaha.
"Waxaan xusuustaa inaan soo qabtay oo aan sariirta saaray," ayay tiri.
"Markaas kaddib waxaan xusuustaa inaan soo qabtay oo aan gaarigeyga soo qaatay oo aan ku riday. Maro ayaan ku duuduubay taas waan xusuustaa.
"Waxaan xusuustaa inaan u sheegay inaan ka xumahay oo aanan daryeeli karin isla markaana uu qof kale daryeeli doono balse aan aniga awoodin.
"Waxaan xusuustaa aniga oo leh waxaan ku dhex arki doonaa dukaan ama waxaan ku dhex arki doonaa iskuul isla markaana ay caadi tahay haddii aysan aqoon cidda aan ahay balse uu qof kale daryeeli doono iyada."
Iyadoo barooraneysa ayey hadalkeeda sii raacisay: "Balse taas ma dhicin."










