Dilaagii burburiyay rajada Qaran idil

Xigashada Sawirka, Getty Images
Laba nin oo sannadkii 2017-kii hadh cad ku dilay madaarka diyaaradaha magaalo madaxda Yangon ee dalka Myanmar qareen la odhan jiray Ko Ni ayaa dil lagu xukumay.
Labada nin waxay gaadeen ninka ay beegsanayeen isaga oo inan yar oo uu awoow u yahay gacanta haya, qoriga caaradiisa ayaaba madaxa ka taabatay isaga oo aan dhaadanayn.
Dilka qareenkaa magaca ku lahaa dalkaas ayaa Myanmar oo dhan ka nixiyey.
Waxay sidoo kale dadka qaar u fasirteen in dilaagu uu baabi'iyay rajo weyn oo uu qaranka ka qabay howlaha uu qareenkaas waday.
Dad badan baa qaba in dilkaa arxan darrada ah ee dhiirrani ahaa mid dadka lagu xusuusinayey in, in kasta oo dalka ay xukuumad rayid ahi ka taliso hadana milatariga dalkaasi awoodda leeyahay.
Kyi Lin oo qoriga keebka qabtay iyo Aung Win Zaw oo dilkaa kula socday ayaa dil haatan lagu xukumay, dacwadoodana aad baa loo dhaliilay. Laba qof oo kale ayaa iyagana dambi lagu helay.
Aad bay suurtogal u tahay in aan labada nin la dilayn maadaama oo la rumaysanyahay in Myanmar aanay muddo 30 sanadood ah fulinin ciqaab dil ah. Waxaana sidoo kale jira dareen baahsan oo ah in aan la caddaalad falin.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ko Ni oo ahaa la taliyaha sharciga ee xisbiga National Leage for Democray ee Aung San Suu Kyi, ayaa ku foognaa siyaabo loo bedeli karo dastuurka Myanmar ee milatarigu qoray 2008-dii. Waxaanay arintaasi keentay in dad awood badani cadow ku noqdaan.
"Aniga halyey buu ii ahaa" ayey tidhi curaddii Ko Ni. Yin New Khaing oo dhakhtarad ah ayaa markay hadalkaa tidhi hooyadeed oo ay ilmada ka masaxayso ag fadhiday.
"Wax kasta wuxuu u huray wuxuu rumaysnaa iyo runta. Nin raga oo geesi ah ayuu ahaa. Aad baan u tebi doonnaa" ayay ku sii dartay.
Waxa sidoo kale tebi doonta dimuqraadiyada. Dastuurka uu Ko Ni isku dayayey in uu bedelo ayaa milatariga si toos ah u siinaya kuraasta aqalka sare iyo ka hoose ee baarlamanka.
Bedelaad kasta oo lala damco dastuurka waxay u baahantahay in, in ka badan saddex meeloodood iyo dheeraad xildhibaanno ahi ansixiyaan, sidaas oo ay tahay ayaa hadana milatarigu leeyahay codka diidmada qayaxan ah.
Sida haatan uu yahay wax qaybsigu milatarigu waxa kale oo uu haystaa saddex wasaaradood oo muhiim ah oo xidhiidh la leh nabadgelyada.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dilka Ko Ni waxa loo arkaa inuu yahay mid waxyaabaha tilmaamaya sida milatarigu wali gacanta ugu hayo cunaha Myanmar, in kasta oo awoodiisii siyaasadeed ee uu kontonka sanadood ahaa ka tanaasulay. Hase yeeshee ciidanku had iyo goor ba wuu beeninayey in uu ka dambeeyey dilkaas. Inkasta oo la sheegay in ninka dilka maleegayay yahay kornayl shaqada ka fadhiistay.
Booliska dunida ee Interpol ayaa soo saaray waaran degdeg ah oo lag xidhayey Aung Win Khine laakiin wuu fakaday ama cid baa ilaalinaysa.
Danjiraha Maraykanka, Scot Marciel, oo ka mid ahaa dadkii maxkamadda joogay, ayaa mar la weydiiyey in ay la tahay in dilkaasi muujinayo sida weli ciidanku talada u haysto, waxa uu yidhi "milatarigu weli wuu awood badan yahay, dhaqanka ah in aan cidna eed loo raacin ayaa isna weli adag waana arin walaaceeda leh. Sida muuqatana waxa lo baahanyahay in arintaa laga gudbo hadii la doonayo in Myanmar guulaysato".
Xukunkii haatan maxkamaddu way ridday hadana iyada oo afar qof dambiyo lagu helay ayaa dadka faro ku tiris ahi rumaysanyihiin in arintaasi muujinayso waxa caddaaladi tahay.
Dalka qofka horseedka u ah in la helo mustaqbal cadaalad hi weli go'doonsanyahay, nidaamka jiraana weli dagaal buu kula jiraa isbedelka.










