AK 47:Maxay tahay shalaytada uu qabay ninkii soo saaray qoriga AK47 ka hor dhimashadiisa?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wax soo saarka iyo curinta farsamooyinka ku saleysan teknoolajiyadda waa mid ah ka mid ah horumarka ugu ballaarnaa ee uu aadanaha ku tallaabsaday.
Dad badan ayaa lagu xasuustaa curinta farsamooyin wax weyn ka baddelay oo aad u fududeeyay nolosha aadanaha. Waxaase sidoo kale jira dad so saaray farsamooyin si daran u saameeyay nolosha dadka guud ahaan dunida.
Waxaa ka mid ah sameynta qoriga AK47 oo uu soo saaray nin u dhashay Ruushka oo lagu magacaabo Mikhail Kalashnikov.
Waxaa la sheegay in warqad uu qoray kaniisadda ka hor inta uusan dhimanin isago walaac ka muujiyay inuu leeyahay masuuliyadda qof walba uu qorigaasi dlay uuna ka murugeysan yahay.
Warqadda wuxuu qoray markii uu 92 sano jirka ahaa, sanaddii 2012-kii, sida ay sheegen masuuliyiinta kaniisadda. Warqadda uu qoray ayaa hadda uun so shaac baxday.
Kalashnikov ayaa mar horay wax looga weydiiyay arrintan ku gacan seyray nuu leeyahay masuuliyadda kuwa lagu waxyeeleyay qorigii uu isaga soo saaray. Wuxuu geeriyooday sannadkii 2013-kii.
Warqad uu qoray
"Waa su'aal wali maskaxdeyda ku wareeganaysa. Haddii qorigeygii uu sababay dhimashada dad badan, soo aniga ma lihi masuuliyadeeda.. Waxaan ahay qof masiixi ah", ayuu ku yiri qoraalkiisa.
Qoryaha Kalashnikov ee la soo saaray xilligii Midowgii Soofiyeeti weli adduunka oo dhan ayaa laga isticmaalaa.
Qof noocee ah ayuu ahaa
Kalashnikov waxa uu ku dhashay saboolnimo sanadkii 1919, dhulka buuraleyda fog ah ee Atlai ee Ruushka.
Waxa uu ka mid ahaa 17 caruur ah oo qoyskoodu lahaa.
Kalashnikov qorigiisa waxa uu noqday qori shaqsiyeedka rasmiga ah ee dalkii Midowgii Sofiyeeti iyo ciidanka Ruushka markii dambe.
Malaayiin qori oo naqshadiisa laga sameeyay ayaa adduunka laga soo saaray ilaa markaasi.
Qorigiisa AK47 waxa uu noqday mid ka mid ah kuwa caansan caalamka. Laakiin Lacag badan kama sameyn, waxaana mar laga soo xigtay isaga oo yiri "waxaa dhaqaale ahaan ii wanaagsanaan lahayd anigoo sameeya mashiinka geedaha lagu jaro."
Qoriga AK47 waxa qaatay ciidamada dalal fara badan, waxaana qaarkood uu ku jiraa calankooda.
Waxa uu calaamad u noqday kacaanka meelo badan oo dunida ka mid ah.
Waxaa lagu arkay qorigan AK47 4ee uu soo saaray isaga oo lagu dagaallamayo, qaabab kala duwan dalalka Angola, Vietnam, Algeria iyo Afghanistan.
Waxaa sidoo kale si xoog leh u isticmaala kooxaha Falastiiniyiinta, waxaa lagu arkay isagoo ku jira oo aad loogu xasuustaa gacmaha Osama Bin Laden.

Xigashada Sawirka, Mikhail Tereshchenko
Waxa uu qorigan sameeyay markii uu weydiiyay nin ay askarta iskula jireen waxa ay Ruushku ula imaan waayeen qori u babac dhigi kara kuwa ay isticmaali jireen Germany.
Waxaa la dhameystiray oo uu sameeyay qoriga 1947, laba sano kadibna qoriga waxa uu rasmi ka noqday ciidanka Sofiyeetiga.
Kalashnikov waxa uu sii watay shaqada ilaa uu ka gaaray da'da Sideetameeyo oo uu naqshadiistaha ugu weyn ka ahaa shirkadda Izhevsk oo ahayd tii qoriga lagu sameeyay AK47 arkii ugu horreysay.
Waxa uu uu qaatay dhawr abaalmarin oo ay ku jiraan Amarka Lenin iyo Halyeygii Shuuciga.










