Maxay Muqdisho u noqotay meel ay kusoo hirtaan dhaqaatiirta Suudaan?

Xigashada Sawirka, Somali-Sudanese Hospital
- Author, Fatuma Maalim
- Role, BBC Somali
Kadib muddo 30 sano ah oo dagaal sokeeye uu ka socday Soomaaliya, hannaanka daryeelka cafimaadka dalka ayaa ahaa mid isku qasan dad badan ayaana ku qasbanaa inay u safraan dalalka deriska ah si ay daaweyn uga raadsadaan - haddiiba ay awoodaan.
Sidaa darteed sanadkii 2014, koox ganacsato Soomaali ah ayaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ka aasaasay Isbitaalka Takhasusiga ah ee Somali-Sudanese, si baahidaas looga jawaabo.
Waxaa jiray aday badan oo Suudaan xilliyadaas u aadayay tababar caafimaad – markii ay waxbarashadooda soo dhammeysteenna, isbitaalka ayaa u noqday meel ay khibraddooda uga shaqeeyaan, sida uu BBC-da u sheegay Dr. Cabdulqaadir Yuusuf Cabdullaahi, oo ah maamulaha Xarunta Cilmibaarista iyo Horumarinta isbitaalka.
Balse sanadkii 2022 ayuu dagaal sokeeye ka qarxay Suudaan – isbitaalka ayaana hoy u noqday dhaqaatiirta Suudaan ee dagaalka kasoo qaxay, waxaana taas loo aaneynayaa xiriirka wanaagsan ee muddada dheer ka dhaxeeyay shacabka labada dal.
Dhaqaatiirta Suudaan ayaa sidoo kale daryeel caafimaad oo gaar ah kusoo kordhiyay isbitaalka, kuwaas oo aan hore dalka uga jirin.

Xigashada Sawirka, Somali-Sudanese Hospital
Suudaan, ayuu dagaal sokeeye ka qarxay bishii April, sanadkii 2023. Dagaalkan ayaa u dhaxeeyay ciidamada Jeneraal Cabdulfataax al-Burhan, iyo hoggaamiyaha RSF, Maxamed Xamdaan Dagalo, oo loo yaqaanno Hemedti.
Labadan nin ayaa isku dayay afgembi bishii October 2021, balse kaddib waxaa dhex martay xurguf dhanka awoodda ah oo horseedday inay hub isu qaataan iyo billowga dagaal aan u muuqan mid dhammaanaya.
Prof Xilmi Daa'uud, wuxuu ahaa ahaa dhaqtarkii ugu horreeyay ee isaga oo qoyskiisa la socdaan usoo qaxa Soomaaliya saddex bilood kadib dagaalka.
Wuxuu Muqdisho tegay bishii July isla sanadkaas, isaga oo ay la socdeen qoyskiisa oo dhan, balse ma fududeyn inuu go'aankaas qaato.
"Inaad dalkaaga kasoo baxdo oo shacabkaaga kasoo fogaato ma aha wax fudud waa dareen aad u adag" ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dr Xilmi ayaa ka shaqeynayay mid ka mid ah isbitaallada magaalada Khartuum markii uu dagaalku qarxay.
"Waxaan waday gaari waxaana ag marayay madaxtooyada markii aan maqlay rasaas. Waxaan u socday goobteyda shaqada aniga oo qalliimo sameyn lahaa. Si dhib leh ayaan ku gaaray isbitaalka" ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in markii uu shaqadiisa soo dhammeystay ambalaas looga soo qaaday isbitaalka sidaasna uu gurigiisa ku tegay maalintaas.
"Maalmihii xigay waxaa isbitaalka la keeni jiray dhaawac u badan rayid oo aan qalliimo u sameyn jirnay, balse markii dambe way adkeyd xitaa inaad guriga ka baxdo, shaqadiina sidaas ayay ku istaagtay" ayuu intaa raaciyay.
Dr Xilmi ayaa u guuray xaafad kale oo isla Khartuum ah, balse markii dambe wuxuu ku qasbanaaday inuu aado magaalada Port Sudan.
"Waxaa jira dareen iyo rajo ah in xaalku hagaagayo oo maalmo iy toddobaadyo uun ay qaadaneyso. Sidaas darteed, ma aan dooneyn inaan dalka ka fogaado, waxaan jecel nahay daaweynta shacabkeenna,"
Wuxuu sheegay in mid ka mid ah asxaabtiisii ay isbitaallada Suudaan iskala shaqeynayeen uu ka howlgeli jiray isbitaalka Somali-Sudanese, sidaasna ay ugu suurto-gashay inuu Muqdisho usoo wareego.
"Waan lasoo xiriiray sidaas ayaana ku yimid Muqdisho oo isbitaalkana uga shaqo bilaabay." Ayuu yiri Dr Xilmi.

Xigashada Sawirka, Somali-Sudanese Hospital
"Magaca isbitaalka wuxuu ka tarjumayaa oo keliya xiriirka wanaagsan ee shacabka Soomaaliyeed iyo Suudaan. Waa dad leh xiriir taariikhi ah oo dhaqanka, hiddaha iyo suugaanta iyo waxbarashada ah," ayuu yiri Dr Cabdullaahi.
Dr Cabdullaahi ayaa sheegay in isbitaalka uu soo jiitay dhaqaatiir Suudaanees ah kahorba inta uusan dagaalka ka qarxin dalkooda.
"Maaddaama caafimaadku ku xiran yahay dhaqan iyo kalsooni, dhaqaatiirta Suudaaneeska waa kuwo u ek dhaqan ahaanna fahmaya shacabka Soomaaliyeed," ayuu intaa raaciyay.
Wuxuu sheegay in markii dagaal uu ka qarxay Suudaan ay sahlaneyd in dhaqaatiirta dalkaas ay yimaadaan Muqdisho, maaddaama isbitaalka uu watay magaca dalkooda.
"Kan waa abaalgud. Inta karaankeenna waxaan isku dayeynaa inaan abaalgud u muujinno oo sidoo kale garab-istaagno walaalaheen iyo dalka Suudaan."
Ilaa 30 dhaqtar Suudaanees ah ayaa haatan ka howlgala isbitaalka, kuwaas oo bixiya adeegyo aad loogu baahnaa oo ay soo kordhiyeen.
"Qalliimada sinta iyo jilbaha iyo kuwa waaweyn ee wadnaha, qalliimada dhaawacyada ciyaaraha oo hadda isbitaalka uu bixiyo waxaa soo kordhiyay dhaqaatiirta suudaan." Ayu yiri Dr Cabdullaahi.
Inkastoo Muqdisho amnigeeda uusan weli hagaagsaneyn, haddana dhaqaatiirtan ayaa dhex deggan shacabka iyagoo raaca gaadiidka dadweynaha.













