Saddex natiijo oo dagaalka Sudan ku dambeyn karo

Kor matoorrey

Xigashada Sawirka, AFP

Ka sokow xabbad joojinta ku meel gaarka ah iyo hakad uu galay dagaalka Sudan, dad yar ayaa aaminsan in tani ay tahay dhamaadkii isku dhaca waxaana jira su’aalo ku saabsan sida ay wax ku dambeyn karaan toddobaadyada iyo bilaha inagusoo aaddan.

BBC-da ayaa arrimahan wax ka weydiisay khubarada falanqeeya arrimaha Sudan si aan il uga fahanno natiijooyinka suurta galka ah ee xaaladdu ku dambeyn karto.

1) Guul milatari oo deg deg ah

Tani uma muuqato mid aad loo filayo maadaama ay labada dhinacba haystaan faa’iidooyin gaar ah oo u hiilinaya wajiyada kala duwan ee dagaalka.

Waa ciidammo milatari oo kala jabay oo labada dhincaba ay guul sheeganayaan xilli hore.

Waxay u muuqataa sida ay sheegeen dadka ka qaxaya magaalada caasimadda ah ee khartuum, in RSF-tu ay xoogaa ku gacan sareeyaan gudaha caasimadda.

Waa koox ciidan fudud ah oo u qaabeysan sida jabhadda, waxaana loo daabuli karaa si degdeg ah kana dhakhso badan ciidamada kale ee culus ee iyaga kasoo hor jeeda. Tan ayaa u hiilisay dagaallada ka socda bartamaha caasimadda Khartuum.

Balse ciidamada ayaa la filayaa inay ay haystaan hub badan, sida taangiyada madaafiicda goobta iyo gacan sarreynta dhanka cirka iyaga oo diyaarado ku hubaysan.

Iyada oo diblomaasiyiinta iyo ajaaniibta ay ka baxayaan caasimadda, waxaa laga cabsi qabaa ina hubkan Khartuum lagula soo jeesto goor dhow.

“Qayba baaxad leh oo ka mid ah Khartuum ayey kusoo xoomayaan ciidagama RSF iyaga oo galaya dhismayaasha xaafadaha,” ayuu yiri Alan Boswell oo kasocda kooxda isku dhacyada caalamigah ee loo soo gaabiyo (ICG).

"Waxay dhab ahaantii ku dhiirranayaan ciidanka inay burburiyaan magaaladooda. Waxaad is dhihi kartaa [ciidanku] ma rabaan inay Khartoum burburiyaan, laakiin iyaga wuxuu u yahay dagaal jira aan laga fursan karin."

Sida uu aaminsan yahay falanqeeyahan arrimaha Sudan ee madaxa badannaan, Jonas Horner, lbada dhinacba waxay heli karaan gurmad bannaanka uga yimaad taas oo haday dhacdo dagaalka sii daba dheerayn karta

Waxaa loo maleynayaa in ay ciidamadu haystaan taageerada buuxda ee Masar oo ah quwadda gobolka in kasta oo sida rasmiga ah ay deriskan dhanka wuqooyi qaaateen dhexdhexaadnimo.

Ciidamada Birmadka Degdegga ah (RSF) ayaa ayaa dhankooda haysta Imaaraatka, Iskood u xoogsatada Ruushka ee Wagner iyo jabhadaha kale ee goblka.

2) Colaad daba dheeraata

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxaa jira siyaabo badan oo khilaafkani isu badali karo, midkoodna uma wanaagsana dadka Suudaan.

"Waxaa hubaal ah in iskudhacani leeyahay dhammaan curiyeyaasha amaba sababihii ka dhigi lahaa dagaal sokeeye oo daba dheeraada," ayuu qabaa weriyaha BBC Mohanad Hashim, oo qudhiisu Suudaan u dhashay.

"Waxaa jiray kacdoono badan oo ka imaanayay kuwa daacadda u ah taliskii hore ee Cumar Al-Bashiir iyo xisbigiisa National Congress Party, kuwaas oo haysta fikrad Islaami ah."

Bashiir waxaa xukunka ka tuuray ciidamada milatariga sannadkii 2019, ka dib dibadbaxyo ballaaran oo waddooyinka qabsaday. Muddadii 30-ka sano ahayd ee uu xukunka hayay, waxaa soo baxay jabhado qowmiyadeed oo aad u hubeysan.

"Bashiir waxa uu si badheedh ah uga shaqeeyey in uu kala qaybsanaan ka dhex abuuro qoomiyadahan kala duwan, ka dibna abuuray maleeshiyooyin," ayuu yidhi Mr Horner.

qalalaasaha amni ee ka dhashay [karintiisa] waxay ka dhigan tahay in ay dib u furmeen maleeshiyooyinkii, sababtoo ah waxay ku qasbanaadeen inay maareeyaan ammaankooda."

Haddii ay maleeshiyooyinku dhinac la saftaan, iskahorimaadkan waxa laga yaabaa inuu isu beddelo wax ka sii khatarsan oo "ballaadhin kara colaaddan oo adkeyn karta in dib loogu celiyo sanduuqa codeynta", ayuu rumaysan yahay Mr Horner.

Cunsurka suurtagalka ah ee qowmiyadeed ayaa leh kormeerayaal badan oo si dhab ah uga welwelsan. Sidoo kale waa wax ay labada jeneraalba damceen inay kasbadaan.

Kahor inta uusan dagaalku bilaaban, waxaan aragnay Hemedti iyo jen Burhaan oo labaduba hurinaya kala qeybsanaan qowmiyadeed, iyaga oo ka hadlaya deegaanadooda," ayuu yiri Haashim.

Khariiradda sudan

"Waxaan arkeynay xaalad ay RSF sameynayeen, iyadoo laga qoray qaybaha la haybsooco ee dalka, si ay iskugu dayaan in ay isu muujiyaan sidii kuwa iyagu wax mideynaya," ayuu yiri Axmed Soliman oo ka tirsan Chatham House-tank.

Tani waxay kala qaybin kartaa dalka iyadoo RSF ay u guureyso "xarunteeda Darfur si ay isugu daydo oo ay dib ugu soo celiso una abaabusho dagaalyahano badan".

3) Heshiis nabadeed

Diblomaasiyiinta ayaa isku dayaya in ay labada Jeneraal ku heshiiyaan in xabad joojinta la kordhiyo, laakiin marka ay timaado in la bilaabo wada hadal nabadeed, cidina hadda ma fileyso in ay taasi dhaceyso waqti dhow.

Waxa kale oo jirta su'aasha ah waxa ay aqbali karaan dadka caadiga ah ee Suudaan.

Hashim waxa uu ku sugnaa Khartoum intii lagu guda jiray kacaankii 2019, waxa uuna daawaday jeneraalada marar badan oo ku guul daraystay in ay xukunka ku wareejiyaan bulshada rayidka ah, oo au ugu dambeeyay afgambigii 2021-ka.

“Waxay galeen sanad iyo badh ka dib afgambigii ay ku fashilmeen inay dalka maamulaan, heshiis noocee ah ayay labadan nin gaadhi karaan oo u cuntami kara Suudaanta? ayuu weydiiyey.

Qof kastaa wuxuu u muuqdaa inuu ku raacsan yahay in heshiisku ka imanayo cadaadiska dibadda oo kaliya.

"Fikirka ah in la awoodo inaan helno joojinta buuxda ee dagaalka iyada oo aan la helin awood weyn, cadaadis siyaasadeed, cadaadis dhaqaale oo ay adeegsadaan xulafada gobolka, sida Masar, UAE, Saudi Arabia, ayaa ah mid ay adag tahay in la qiyaaso," ayuu yiri Mr Boswell.

Garoonka diyaaradaha Khartuum oo qiiq ka kacayo

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Garoonka diyaaradaha Khartuum oo qiiq ka kacayo

Dhibaatadu waxay tahay in ay jiraan dano badan oo iska soo horjeeda, oo qaar badan oo ka mid ah ay yihiin kuwo aan isku mid ahayn.

Mr Horner waxa uu aaminsan yahay in "awoodda gobolku ay door bidayaan in ciidan ama qof awood leh uu ka soo baxo arrintan. Tani waxay war laga noxo u tahay bulshada rayidka ah."

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jirta cabsi ah in haddii wadahadallada nabadeed aysan si dhaqso ah u billaaban - sida laga soo jeedinayo Koonfurta Suudaan - in colaaddu ay kala qaybsami karto taasoo adkeynaysa in xal la helo.

"Weli waxaa jira daaqad wadahadal ah oo nabadeed. Caqabadda jirta ayaa ah in aysan jirin rabitaan ah in la qaboojiyo labada dhinacba. Nasiib darrose muddada gaaban ee diiradda la saarayo diblumaasiyadda ayaa ah mid ku lug leh waxa ay rabaan labada Jeneraal, iyada oo khasaaruhu soo gaarayo hamiga dimoqraadiyada rayidka ah," ayuu yidhi Mr Soliman oo ka tirsan Chatham House.

Dhibaatadu waxay tahay in waxa ay rabaan labada nin ay si toos ah isu khilaafsan yihiin, balse waxaa ka sii muhiimsan rabitaanka dadka reer Suudaan.

Kani waa dagaal ku saabsan awoodda, xukunka iyo hantida, kaas oo ay labada dhinacba u arkaan aasaaska.

Waxaa jira qiimo culus oo lagu bixinayo hamiga laba nin, waxaana bixin doona shacabka Suudaan.