Sidee ayuu dagaalka Sudan u saameeynayaa dalalka kale ee adduunka?

Xigashada Sawirka, Reuters
Haddii aad rabto inaad ogaato sababta Suudaan ay muhiim ugu tahay wadamo badan oo kale, kaliya eeg khariidadda.
Waxaa jirta sabab keentay in dagaaladii ka dhacay Suudaan todobaadkii hore ay qeylo dhaan ka dhaliyaan dalal badan.
Suudaan keliya ma ahan dalka saddexaad ee ugu weyn Afrika, laakiin sidoo kale juquraafi ahaan waa dal muhiim ah oo ku yaalla gobol aan deganayn.
Wax kasta oo ka dhaca caasimadda Khartoum, militari ahaan ama siyaasad ahaan, waxay saameyn xooggan ku yeelaneysa dalal badan oo daris la ah oo aan cago badan ku taagnayn.
Sudan waxa ay ka mid tahay dalalka uu maro webiga Niil, kaas oo masiirka Suudaan ka dhigaya mid aad muhiimad ah.
Colaadda waxay saameyn weyn ku yeelan kartaa Masar oo markii horeba ka cabaneysay biyo la'aan ka iyo Itoobiya, oo hammigeedu yahay in laga faa'iidaysto biyaha Niilka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Suudaan waxay xuduud la leedahay toddobo waddan, kuwaas oo dhammaantood wajahaya caqabado amni oo ku xiran nolosha siyaasadeed ee Khartoum.
Dagaalka ka dhaca gobolka Darfur ee galbeedka Suudaan wuxuu u sii fidayaa xadka Chad ee deriska la ah.
Hubka iyo dagaallamyaasha Chad ee u nugul inqilaabka iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ee ay dagaalladu aafeeyeen ayaa inta badan saameyn xooggan ku yeesha xudduudaha dalalka dariska la ah.
Sudan waxa ay sidoo kale xuduud la leedahay gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya, kaas oo si dirqi ah uga soo badbaaday colaadda hadda sii dhamaanaysa, taas oo keentay in Ereteriya oo daris la ah saameyn ku yeesho.
Sidoo kale waxaa xiisad ka taagan tahay deegaanada kale ee ay wadaagaan Suudaan iyo Itoobiya, waxaana jira dhul lagu muransan yahay oo u dhaxeeya labada dal.

Xigashada Sawirka, AFP
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dhinaca koonfureed, Suudaan waxa ka saaran South Sudan oo ah waddan cusub kaas oo si rasmi ah uga go’ay Sudan sannadkii 2011 ka dib dagaalladii sokeeye ee ugu dheeraa uguna dhiigg daashada badnaa. Dalkan oo isagana go’itaanka ka dib ay saameeyeen dagaallo sokeeye oo aan markii horeba cago badan ku taagnayan ayaa waxaa saameyn weyn ku yeelan kara dagaalka Sudan.
Markii Koonfurta Sudan ay go’day ayaa waxaa la go’ay goobihii shidaalka ugu qanisanaa ee gobolka, taasoo keentay in dhaqaalo ahaan ay Sudan ka liidato sidii hore, si dadbanna uga qayb qaadatay qalalaasaha hadda ka taagan magaalada Khartoum, oo ay laba kooxood ku hardamayaan sidii ay u xakamayn lahaayeen ilaha dhaqaale ee sii yaraanaya, sida dahabka iyo beeraha.
Qayb ka mid ah halgankan, Jeneraalada Suudaan waxay raadinayaan saaxiibo shisheeye. Dhanka Beeraha, Janaraaladaasi waxay ku casuumeen wadamada Khaliijka inay maalgashadaan dhul baaxad leh oo aan laga faa’iidaysan oo ah carro barwaaqo ah oo ku taal labada ban ee webiga Niil.
Marka la eego dahabka, waxay soo gabagabeeyaan heshiisyo qarsoodi ah oo lala yeesho kooxda calooshood u shaqeystayaasha caanka ah ee Wagner ee Ruushka.
Mareykanka ayaa ku eedeeyay madaxa kooxda Wagner, Yevgeny Prigozhin, inuu "ka faa'iidaysto kheyraadka dabiiciga ah ee Suudaan weliba si shakhsi ah" iyo sidoo kale inuu saameyn ku yeesho go'aan qaadashada waddanka.
Danaha Ruushku ka leeyahay Suudaan iyo mandaqadda ayaa ah mid qoto dheer kaas oo indhaha ku haya badda cas; Muddo sanado ah, Kremlin-ka ayaa doonayay inuu saldhig ka sameysto Port Sudan, halkaas oo Ruushka u sahli doonta inuu maamuli mid ka mid ah marinnada badda ee ugu muhiimsan.
Dowlado badan ayaa muujiyey in ay saameyn ku yeesheen xaaladda hadda ka aloosan Suudaan.
Ilaa hadda, waxa xoogga la saarayaa sidii loo soo afjari lahaa dagaalka u dhexeeya ciidamada militariga iyo xoogga RSF ka hor inta aanu dagaalka ku fidin meel kale.
Marka taas laga soo tago, dowlado shisheeye ayaa u hanqal taagaya in ay Suudaan ku hagaan dariiqa dimoqraadiyadda ee ay dad badan ku taamayeen inay helaan ka dib afgambigii Bashiir 2011-kii.










