Colaadda Suudaan: Ma jirto Dhulka meel kale oo ay carruur sidan u badan uga qaxaan dagaalka

Xigashada Sawirka, Joyce Liu / BBC
Maxamuud waa wiil da'yar oo dhoolla-caddeyn badan xitaa inkasta oo dhoosha hore uu ku waayay ciyaarta adag ee carruurtu dheelaan.
Waa agoon Suudaani ah oo labo goor la dayacay, labo jeer ayuuna ku barakacay dagaalkiisa ba'an ee dalkiisa ka socda - wa mid ay ku dhowaad shan milyan oo Suudaanees ah ay ku waayeen wax walba iyagoo lagu qasbay inay hadba meel u guuraan taasoo haatan ah xasaradda bani'aadannimo ee ugu ba'an adduunka.
Ma jirto meel kale oo dunida ah oo ay carruur badan ka qaxayaan, dad badan oo ku nool xaalad gaajo oo daran.
Macluul ayaa horeba looga dhawaaqay hal meel - qaar kale oo badan ayaa qarka u saaran gaajo iyadoo aan ogeyn cunnadooda xigta halka ay ka imaan doonto.
"Waa xasarad aan la arki karin," ayuu carrabka ku adkeeyay madaxa cusub ee arrimaha bani'aadannimada QM Tom Fletcher.
"Shan iyo labaatan milyan oo Suudaanees ah, in ka badan kala bar dalka, ayaa caawinaad u baahan hadda," ayuu intaa raaciyay.
Xilli dhammaan xasarado badan, oo dagaallo ba'an ay ka jiraan meelaha sida Gaza iyo Ukraine ay qabsadeen gargaarka adduunka iyo indhahaba, Mr Fletcher ayaa u doortay Suudaan inuu ku tago booqashadiisii ugu horreysay si uu u iftiimiyo xaaladda dalkaas.
"Xasaraddan ma aha mid aan u muuqan QM, iyo shaqaalaheenna bani'aadannimada ee safka hore jooga oo noloshooda ku weynaya si ay u caawiyaan dadka Suudaan," ayuu u sheegay BBC, mar aan la safreynay booqashadiisa halka toddobaad ah.
Inta badan dadka kooxdiisa ka tirsan ee gudaha ka shaqeynaya waa Suudaanees ku waayay guryahooda, noloshoodii hore hardankan ba'an ee awoodda ee u dhaxeeya ciidamada iyo Ciidamada Birmadka Degdegga ah (RSF).
Booqashadii ugu horreysay ee Mr Fletcher wuxuu ku tegay xarunta agoomaha Maygoma ee Maxamuud uu ku jiro kuna taalla deegaanka Kassala ee bartamaha Suudaan, oo haatan hoy u ah ku dhowaad 100 carruur ah oo ku jira dhisme burbursan oo saddex dabaq ka kooban horena iskuul u ahaa.

Xigashada Sawirka, Joyce Liu / BBC
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxay kuwa daryeela kula noolaayeen caasimadda, Khartoum, ilaa ciidamada iyo RSF ay isku soo jeesteen bishii April 2023, taasoo halis gelisay xarunta agoomaha maaddaama ciidamadan ay dalkooda badeen rabshado, dhac iyo tacaddiyo yaab leh.
Markii dagaalku ku baahan xarunta cusub ee agoomaha ee ku taalla Wad Madani, ee bartamaha Suudaan, kuwa badbaaday ayaa u qaxay Kassala.
Markii aan weydiiyay waxa uu jeclaan lahaa inuu noqdo Maxamuud oo 13 jir ah, isla markiiba oohin ayuu afka jabsaday isagoo uu muuqdo cirridkiisa ay iligtu ka maqan tahay.
"Waxaan doonayaa inaan noqdo barasaab gobol si aan u noqdo qofka maamulka ah una dhiso guryaha burbursan," ayuu ku war-celiyay.
Kow iyo tobanka milyan ee Suudaaneeska ah ee ku qasbanaaday inay hadba meel u qaxaan, inay guryahooda u laabtaan ayna noloshooda dib u dhisaan waxay dhammaan u noqon doontaan haddiyadda ugu weyn.
Haatanse, xitaa helidda cunno lagu noolaado ayaa ah hardan maalinle ah.
Hay'adaha gargaarkuna, oo QM ku jirto, inay gargaarka gaarsiiyaan waa howl adag.

Xigashada Sawirka, Joyce Liu / BBC
Kadib afarta maalmood ee Mr Fletcher uu kulamo sare kula qaatay Port Sudan, taliyaha ciidamada Janaraal Abdel Fattah al-Burhan wuxuu barta X kaga dhawaaqay in QM uu oggolaansho u siiyay inay xarumo gargaar oo badan sameyso ayna adeegsato saddex garoon-diyaaradeed oo dheeraad ah si ay gargaarka uga soo dejiso.
Qaar ka mid ah waxyaabahan la oggolaaday hore ayaa loo oggolaaday balse qaarkood ayaa ah tallaabo hore loo qaaday.
Ku dhawaaqiddan cusub ayaa sidoo kale imaaneysa iyadoo Barnaamijka Cunnada Adduunka ee QM (WFP) ay u suurto-gashay iinuu gaaro bulshooyinka dhibaateysan ee ku nool meelaha ay maamulaan RSF, oo ay ku jirto xerada Zamzam ee ku taalla Darfur hoyna u ah ilaa nus milyan qof halkaasoo dhowaan looga dhawaaqay macluul.
"Bilooyin ayaan ku dadaaleynay in la gaaro bulshooyinkaas," ayuu yiri Alex Marianelli, oo madax ka ah howlaha WFP ee Port Sudan.
Mr Marianelli ayaa sheegay inuusan weligii ku shaqeynin deegaan sidan u adag oo khatar u ah.
Bulshada gargaarka dhexdooda, qaar waxay cambaareeyaan QM, iyagoo sheegay in lagu xiray in Jeneraal Burhaan ay u aqoonsadaan hoggaamiyaha Suudaan.
"Jeneraal Burhan iyo maamulkiisa ayaa maamula bar-koontaroolladaas iyo hannaanka bixinta oggolaanshahaiyo gelidda," ayuu yiri Mr Fletcher isagoo taa ka jawaabayay.
"Haddii aan dooneyno inaan dib ugu laabanno deegaannadan waxaan u baahannahay inaan la macaamilno."
Wuxuu rajeynayaa in mucaaradka RSF ay sidoo kale dadka ahmiyad siiyaan.
Dagaalka naxariis-darrada ah ee Suudaan, dhammaanba dhinacyada dagaallamaya waxaa lagu eedeeyay macluusha inay u adeegsadaan hub dagaal oo kale.
Sidoo kale waxaa ka jira tacaddiyo kufsi oo QM ay ku sheegtay mid aad ugu baahday Suudaan.
Booqashada QM ayaa kusoo aadeysa "16 maalmood ee ololaha" oo dunida uga asteysan in lagu joojiyo tacaddiyada jinsiga.

Xigashada Sawirka, Joyce Liu / BBC
Haweenka qaar ee khudbadda Mr Fletcher dhegeysanayay ayaa BBC-da la hadlay.
"Waxaan dhabtii u baahannahay caawinaad balse shaqada ugu weyn waa inay ka timaaddaa Suudaaneeska qudhooda," ayay tiri Romissa, oo u shaqeysa koox gargaar oo gudaha ka dhisan waxayna dib u milicsatay safarkii ba'naa ee ay uga soo baxday Khartoum billowgii dagaalka.
"Waxaa la joogaa waqtiga dadka Suudaan ay cagahooda isku taagi lahaayeen."
Dadka reer Suudaan iyagoo aan wax badan heyn ayay isku dayayeen inay wax badan qabtaan.
Guri ka kooban labo qol, waxaa ku taalla xarunta Shamaa, ama "Shumac", taasoo xoogaa ftiin u ah nolosha haweenka keligood ah ee tacaddiga loo geystay iyo carruurta agoomaha ah.
Aasaasaheeda, Nour Hussein al-Sewaty, oo loo yaqaanno Mama Nour, ayaa sidoo kale nolol ka billowda xarunta agoomaha Maygoma.
Waxay sidoo kale ku qasbaneyd inay ka qaxdo Khartoum si ay u badbaadiso kuwa xarunteeda ku jiray. Haweeney hadda ku jirta xarunta ayaa dagaalka kahor la kufsaday, kadibna waa la afduubtay haddana la kufsaday.
Xitaa haatan Mama Nour marxalad adag ayay ku jirtaa.
"Aad ayaan u daallanahay. Waxaan u baahannahay caawinaad," ayay tiri.
"Waxaan dooneynaa inaan urinno hawada nadiifka ah. Waxaan dooneynaa inaan dareenno inay weli jiraan dad dunida ku nool oo na daneynaya annaga, dadka Suudaan."












