Colaadda Suudaan maxay uga dhigan tahay gobolka Daarfuur?

Xigashada Sawirka, AFP
Dagaal xooggan ayaa ka soconaya gobolka Daarfuur ee galbeedka dalka Suudaan, inkastoo ay jirto xabbad joojin aan cago buuxa ku taagnayn.
Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaad Carab ah ay bilalaqeysanayaan bakhaarrada raashinka, suuqyada iyo guryaha dadka rayidka ahi.
Sarkaal sare oo ka tirsan booliska ayaa halkaasi lagu dilay, waxaana jiro warar sheegaya in dad badan ay ku xayiran yihiin guryahooga cabsi awgeed.
Cabdulladhiif Eldhayib oo ah nin ka shaqeeya arrimaha samafalka ayaa BBC-da u sheegay in uu miciin biday sariirtiisa hoosteeda oo uu halkaa kaga gabanayo rasaasta.
"Xitaa ma awoodi in aan aado musqusha," ayuu yiri Cabdulladhiif oo ku nool magaalada Al-Juneynah.
Colaadda hadda ka jirta dalkaasi Suudaan ayaa uga sii dartay xiisadda u dhaxeysay qowmiyadaha deggan gobolka Daarfuur.
Gobolkani ayay colaad ka jirtay muddo sanado ah, iyadoo colaaddani ay u dhaxeysay qabaa’illada Afrikaanka ahi iyo Carabta.
Dowladda Suudaan ayaa sanadkii 2003 hawlgelisay maleeshiyaad Carab ah kaddib markii dadyowga Afrikaanka ahi ay hub qaateen, dowladdana ku eedeeyeen faquuq.
Maleeshiyaadkaasi Carabta ayaa markii dambe lagu eedeeyay in ay gobolkaasi ka geysteen tacaddiyo markii dambe sababay in madaxweynihii dalkaasi Cumar Xasan Al-Bashiir looga yeero maxkamadda dambiyada dagaalka ee ICC.
Tan iyo maanta, dadyow badan oo Afrikaan ah oo reer Daarfuur ah ayaa waxay ku nool yihiin xeryo qaxooti sababo la xiriira amnigooda.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Haddase, maleeshiyaadka Carabta oo lala xiriirinayo ciidamada sida milatariga u tababaran ee Dacmu Sariif la yirahdo oo haatan dagaal kula jira milatariga dalkaasi ayaa u muuqanaya in ay ka faa’iideysanayaan firaaqa dhanka amniga ahi ee ka jira gobolka Daarfuur.
Cabdulladhiif ayaa BBC-da u sheegay in maleeshiyaadkani Carabta ay haatan boob xooggan ka wadaan gobolkaasi ku yaal galbeedka Suudaan.
"Rasaas xooggan ayaa ka dhaceyso gurigeyga hortiisa, gaar ahaan meel u dhow qolkeyga jiifta. Mar kastaa oo aan doonayo in aan suuliga aado waa in aan dhawr daqiiqo sugo oo aan xaaladda eego.
Dagaallo xooggan ayaa laga soo sheegayaa glabeedka gobolkaasi Daarfuur.
Waxaa jiro warar sheegaya in maleeshiyaadka Carabta ay xitaa gubeen xeryo ay deggan yihiin dad ku barakacay colaadda ka jirtay gobolkaasi muddada sanaddada ahayd.
Ergayga gaarka ahi ee Qaramada Midoobey u qaabilsan dalka Suudaan, Volker Perthes, ayaa sheegaya in kooxaha hubeysan ee ka hawlgalaya gobolkaasi Daarfuur ay ka faa’iideysanayaan xaaladda haatan jirta isla markaana ay doonayaan in colaaddu ay sii socoto.
Toban sano ka hor markii ay colaadda ka billaabatay gobolkaasi ayaa waxaa gobolkaasi ka soo baxay maleeshiyaad Carbeed oo la oran jiray Janjawiid, kuwaa oo uu hawlgeliyay isla markaana uu hubeeyay madaxweynihii xilligaasi dalka xukumayay ee Cumar Al-Bashiir.
Maleeshiyaadkaasi ayaa markii dambe kumannaan qof ku dilay gobolkaasi, iyagoo sidoo kale gubay tuulooyin ay leeyihiin dad rayid ah oo Afrikaan ah.

Xigashada Sawirka, AFP
Tacaddiyadii ay geysteen maleeshiyaadkaasi ayaa lagu tilmaamaa xasuuqii ugu horreeyay qarniga 21-aad.
Maxkamadda dembiyada dagaalka ee ICC ayaa dacwad kusoo oogtay madaxweyne Al Bahsir, inkastoo aysan gacanta ku dhigin, hadana wuxuu guulo is xig xiga ka sameeyey doorashooyinkii sannadihii 2010 iyo 2015, wallow ay ka soo hor jeesteen xisbiyada waaweyn ee mucaaradka.
Amarka xirigga Al Bashir wuxuu sababay mamnuucida safaradiisa caalamiga ah, hasa yeeshee wuxuu safaro diblmaasi uu ku tegay wadamada Masar, Sacuudi Carabiya iyo Koonfur Afrika, inkastoo markii dambe lagu qasbay in uu si dagdag ah uga baxo Koonfur Afrika bishii Juun ee sannadkii 2015, kadib markii la sheegay in la tix galiyo dhaqan galka amarka maxkamada ee xariga Al Bashiir.
Dembiyada maxkamadda ICC-da ay u heysato madaxweyne Al Bashir ayaa kala ah dil, shirqool, barakicin, kufsi iyo jirdil, waxaana sidoo kale jirta dembiyo dagaal oo ay kamid tahay weerarkii uu ku qaaday shacabka deggan gobolka daarfur.
Maleeshiyaadka Dacmu Sariic ee haatan dagaalka kula jira ciidamada milatariga Suudaan ayaa waxay ka kooban yihiin xubno horey ugu tirsanaa maleeshiyaadkii Janjawiid, waxaana haatan laga cabsi qabaa in ay colaad mar kale ka abuuraan gobolka Daarfuur oo ay ka leeyihiin dano gaar ah.
Xaaladda gobolkaasi waxaa sii hurin karayo wararka sheegaya in rag ka tirsanaan jiray maamulkii Cumar Al-Bashiir oo xiriir dhow la lahaa maleeshiyaadka Janjawiid ay ka baxsadeen xabsiyadii ay ku xirnaayeen ee magaalada Khartuum.
Dadkaasi waxaa ka mid ah Axmed Haaruun oo ahaan jiray wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ee dalka Suudaan, kaa oo maxkamadda ICC ay u doondooneyso dambiyadii uu ka geystay gobolka Daarfuur.
In kastoo xabbad joojin lagu dhawaaqay, haddana taasi ma ahan mid la filayo in ay ka dhaqangasho gobolka Daarfuur sababo la xiriira maleeshiyaadka Carabta ee haatan dib uga hawlgalaya gobolkaasi.












