Dagaalka Sudan oo sii baahaya xilli la ogaaday dalal shisheeye oo qayb ka ah

UAE IYO Iran oo la sheegay in ay qayb ka yihiin dagaalka Sudan

Kooban

  • Madaxweynaha Kenya oo dibadbaxayaasha ku ballansaday X Spaces
  • Rag hubeysan oo arday ku afduubtay Itoobiya
  • Rishi Sunak oo iska casilay xilka raysal wasaaraha UK
  • Xisbullah oo weerar aargoosi ah ku qaadday Israa'iil kadib dilkii taliyaheeda sare
  • Ku dhowaad 100 meydadka muhaajiriin laga soo saaray Badweynta Atlaantikada
  • Goorma ayuu bannaynayaa kursiga Raysalwasaarihii hore ka cusubna iman doonaa?
  • Maxaa helay xisbigii hayey tallada UK ee Conservativeka oo si daran loo diray
  • Ninkii hore u hoggaamin jriey xisbiga shaqaalaha oo isla xisbigiisii ku garaacay doorashada UK
  • Doorashadii UK oo lagu kala baxay iyo Xisbigii oommanaa 14 sano oo guulaystay

Tebin toos ah

Cabdiraxmaan Cali Dhimbiil

  1. Sade Buulle: "Ayeeyaday waxay ka dardaarantay inaan Muqdisho lagu aasin balse halkii ay dalbatay ayaan dib ugu aasnay"

  2. Waa maxay biyaha Samsamka, maxayse muhiim u yihiin?

  3. Sacuudiga oo xirxiray dad kaararka Xajka oo been abuur ah

    Sacuudiga

    Xigashada Sawirka, SOCIAL

    Dowladda Sacuudiga ayaa xirxirtay 14 qof oo kasoo jeeda dalalka Hindiya, Masar, Pakistan, iyo Indonesia kuwaasoo loo heysto inay iibinayeen kaarar Xajka oo been abuur ah.

    Xiritaankan ayaa qeyb ka ah howlgal ballaaran oo ciidamada ay ku sugayaan ammaanka.

    Raggan ayaa lagu xirxiray Makah, waxayna iibinayeen dal ku gal booqasho ah. Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale kala wareegay lacag, telefoonno iyo kumbiyuutarro.

    Waxay arrintan daba socotaa 11 qof oo kae oo dhowaan loo xiray xayeysiinta inay dadka geynayaan Xajka taasoo been abuur ahayd.

  4. Maxay yihiin waxyaabaha Muslimiinta ka reebban bisha Dul-Xaj?

  5. Haweeneydii ugu da'da weyneyd ee sanadkan gudaneysa waajibaadka Xajka

  6. Maxaa ku dhacaya jirkaaga haddii aad iska badiso kafeyga?

  7. Madaxdii Gaarisa oo arrimo musuqmaasuq ah loo haysto

    Guddiga Anshaxa iyo La-dagaalanka Musuq-maasuqa ayaa sheegay in ay baadhayaan eedaynta ku aaddan lunsiga in ka badan Sh1.2 bilyan oo ahaa karashkii ismaamulka Gaarisa taas oo loo haysto siddeed ka mid ah madaxda ismaamulkaas.

    Afhayeenka EACC Eric Ngumbi ayaa bayaan uu soo saaray Arbacadii ku sheegay in hawlgal baadhitaan oo la sameeyay Talaadadii, June 11, uu shaaca ka qaaday in mas’uuliyiintan lagu eedeeyay in ay si toos ah iyo si dadbanba ay kharsahkii ismaamulkaas u adeegsadeen gelinta shirkado ay iyagu leeyihiin, xubno qoys oo dhow iyo dad ay saaxiibo yihiin.

    ..

    Xigashada Sawirka, Integrity Centre

  8. Amiirka Qatar oo la wada hadlay Abiy Ahmed iyo Xasan Shiikh

    Amiirka dalka Qatar Amir Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani, ayaa shalay la wada hadlay laba jeer oo is xigta Madaxweynaha Soomaaliya iyo Raysal Wasaaraha Itoobbiya, sida ay baahisay warbaahinta qaranka ee dalka Qatar

    Amiirka Qatar ayaa Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo Raysal Wasaare Abiy Ahmed kala wada hadlay saaxiibtinnimada dalalkooda iyo sidii loo kordhin lahaa wada shaqaynta ay leeyihiin.

    Halka sida oo kale sida lagu baahiyey warsaxaafadeedyadaa kala duwan ee ku saabsanaa wadahadalladiisii labadan masuul in uu kala hadlay arrimaha gobolka ka taagan iyo walaacyada mideeya.

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

  9. UAE iyo Iran oo la ogaaday in ay qayb ka yihiin dagaalka Sudan

    Baadhitaan ay samaysay BBC-da Carabiga ayaa lagu ogaaday cadaymo muujinaya in dhinacyada isku haya Sudan ay isticmaalayaan hub ay siiyeen Iran iyo Imaaraadka Carabta, inkastoo Qaramada Midoobay ay saartay cunaqabatayn dhanka hubka ah dalkaas.

    Muuqaal laga soo duubay Ciidamada Taageerada Degdegga ah oo soo ridaya Diyaarad Drone ah oo ay leedahay Dowladda Suudaan ayaa u muuqda mid muujinaya in laga lahaa diyaaraddaas dalka Iiraan, halka baarnimyada dabagalka duullimaadyadana ay muujinayaan diyaarado dhowr ah oo Iiraan leedahayay ku soo degeen Magaalada Port Sudan.

    BBC-da ayaa sidoo kale heshay caddaymo muuqaal ah oo taageeraya eedeynta Qaramada Midoobay ee ah in U-A-E ay siiso RSF hub. U-A-E iyo golaha madax banaanida Suudaan ayaa beeniyay eedeymahan.

    Ciidanka Suudaan, R-S-F iyo wasaaradda arrimaha dibadda Iran ayaa iyaguna diiday in ay ka hadlaan arrintan. QM waxay sheegtay in qulqulka hubka ku socda dalkaas uu yahay kan sii dheeraynaya dagaalka sokeeye, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan lix iyo toban kun oo qof, halka toban milyan oo kalena ay ku barakaceen.

    .

    Xigashada Sawirka, @RapidSupportSdn

    Qoraalka sawirka, hub