Iiraan oo qaadday tallaabo laga baqayay oo ku saabsan nukliyeerka

Sawiro Dayax Gacmeed

Xigashada Sawirka, Maxar

Sawirrada dayax-gacmeedka lagu qaaadya 29-kii June ayaa muujinaya qalab iyo mishiino culus oo la geeyay islamarkana ka shaqeeynaya xarunta Niyukleerka Fordow ee uu dhawaan u Mareykanka beegsaday.

Sawiradu waxay muujinayaan cagaf-cagafyo iyo wiish dul saaran waddo dhawaan la dhisay oo soo gasha goobta, kuna dhow halka lagu bartilmaameedsaday bambooyinka awoodda badan ee US GBU-57.

Cagaf-cagaf iyo gaari xamuul ah ayaa sidoo kale lagu arki karaa dhanka buurta hoosteeda.

Mashiinada wax lagu dhisayo ayaa lagu arkayaa albaabka laga galo goobtaasi iyo dhismo burburay oo ku yaala dhanka bari ee dhismahaasi oo waxyeelo kasoo gaartay duqeynta diyaaradaha Israel maalin kadib weeraradii Mareykanka.

Sida laga soo xigtay David Albright, oo ah khabiir hubka nukliyeerka ah oo falanqeeyay sawirada isla goobta 28-kii June, hawlaha dhismaha waxaa ka mid ah buuxinta godadka iyo qiimeynta farsama ahaan khasaaraha soo gaaray.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa weerarrada kadib sheegay in gabi ahaanba la burburiyay xarumihii ugu muhiimsanaa ee lagu kobcin lahaa Yuraaniyaamta Iran.

Laakiin sida uu sheegay Rafael Grossi, Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Tamarta Nukliyeerka ee Caalamiga ah, Iran waxa ay dib u bilaabi kartaa kobcinta uranium-ka dhawr bilood gudahood.

Mr Grossi wuxuu ku sheegay wareysi uu siiyay CBS Jimcihii, qayb ka mid ah oo la sii daayay Sabtidii, in "qaar ka mid ah" xarumaha nukliyeerka ee Iran "ay wali jiraan" iyo in Iiraaniyiintu ay dib boorka uga jafi karaan "dhowr bilood gudahood ama xitaa ka yar."

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa sheegtay in burburka soo gaaray goobaha Nukliyeerka uu yahay mid halis ah,laakin faah faahintu ma cadda,halka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo madaxda sare ee maamulka ay ku adkeysanayaan in barnaamijka Nukliyeerka Iran uu "toban sano" dib uga dhacay waqtigii loogu talagalay.

Su'aasha kale ee muhiimka ah ayaa ah heerka qiyaasta 408 kiiloogaraam ee kaydka Yuraaniyaamka aadka loo tayeeyey ee dawladda Maraykanku sheegtay inay ku duugan tahay gudaha xarunta Fordow, laakiin Iran, warqad ay u qortay IAEA maalintii ugu horreysay ee Israa'iil weerartay Iran, waxay ku sheegtay inay qaadday tallaabooyin "gaar ah" oo lagu ilaalinayo walxahan.

"Ma garanayno halka laga yaabo in qalabkani ku yaal," Mr. Grossi ayaa u sheegay CBS. "Qaar ka mid ah waxaa laga yaabaa in lagu burburiyay weerarka, laakiin qaar ayaa laga yaabaa in loo raray meel kale. Markaa ugu dambeyntii, taasi waa in la caddeeyaa."

Shuruudaha dowladda Iran ee ah in ay hakiyaan wadashaqeynta hay'adda ayaa hadda ah sharci, Tehran ayaa diiday codsigii Mr. Grossi ee ahaa in uu booqdo goobaha ay dhibaatadu saameysey, gaar ahaan Fordow.

"Waxaan u baahanahay inaan awoodno inaan fahanno waxa jira, meesha ay joogaan iyo waxa dhacay," ayuu yiri Mr. Grossi.

Balse Donald Trump ayaa sheegay in la burburiyay xarumaha Nukliyeerka ee Iran, isla markaana dhaqaajinta walxahan ay tahay hawl aad u adag, Iranna aysan helayn waqti ku filan.

Maxaan ka ognahay xarunta Ford?

sawir

Xigashada Sawirka, Maxar/BBC

Xarunta Fordow ee tayaynta uranium-ka waxa ay ku taallaa meel 96 kilomitir koonfurta ka xigta Tehran, dhul buuraley ah oo u dhow magaalada Qom.

Fordow waxa laga dhisay godad qoto dheer buuraha fogfog ee aan la geli karin ee waqooyiga Iran.

Xarunta Fordow ayaa markii hore ahayd dhowr god oo dhulka hoostiisa ah oo ay isticmaali jireen ciidamada ilaalada kacaanka Islaamiga ah, balse ka dib markii ay kashifeen hay'adaha sirdoonka reer galbeedka, Iran ayaa si rasmi ah u xaqiijisay jiritaanka xaruntan tayeynta sanadkii 2009-kii.

Fordow waxaa loogu talagalay in lagu hayo ku dhawaad ​​3,000 oo ah maadada sentrifuges oo inta badan u adkaysata weerarada hawada.

Saxiixa heshiiskii ay Iran la gashay quwadaha waawayn ee JCPOA, Iran waxay ogolaatay inay Fordow u beddesho xarun cilmi baaris oo ay joojiso hawlaha kobcinta uraniumka muddo 15 sano ah.

Si kastaba ha ahaatee, ka dib markii uu Maraykanku ka baxay heshiiska, Iran waxay dib u bilawday hawlihii tayeynta Yuraaniyaamka ee xarunta, iyada oo kordhinaysa 20 boqolkiiba 2021.

Bishii Novembar 2022, Iran waxay kordhisay heerka tayeynta uranium-ka ee xarunta Fordow 60% waxayna ku dhawaaqday inay rabto inay si weyn u kordhiso awoodeeda kobcinta.

Xarunta Fordow waxaa sidoo kale loo yaqaan "Shahiid Alimohammadi ." Masoud Alimohammadi, oo ah borofisar cilmiga fiisigiska ka dhiga jaamacadda Tehran iyo, sida laga soo xigtay saraakiisha Iran iyo warbaahinta, mid ka mid ah "sayniska nukliyeerka" oo lagu dilay Janaayo 2009 waqooyiga Tehran.