Israa'iil oo amar ku bixisay inay dadku ka baxaan waqooyiga Qasa

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee BBC Somali

Kooban

Tebin toos ah

  1. Dab ka kacay Buurta Daallo iyo gurmadka lagu daminayo oo socda

    Somaliland

    Xigashada Sawirka, Baraha Bulshada

    Wararka ka imanaaya degmada Ceerigaabo ayaa sheegaya in dab uu ka kacay deegaanka buurta Daallo, dabka ayaa khasaaro u geeystay deegaankaas hasa yeeshee ilaa iyo hadda lamasoo werin cid ku dhimatay. Dabka ayaa gaaray meelo dhaadheer oo burta ah, taas oo ay adagtahay in si fudud lagu gaaro.

    Wasiirka Deegaanka iyo Cimilada Somaliland Cabdillahi Jaamac Cismaan (Geeljire) ayaa sheegay in ilaa iyo haddala aqoon sababta rasmiga ah ee dabak dhalisay balse loo maleynayo abaaraha iyo is xoqa dhirta oo madag sameeya, ay kamid noqon karaan laakinse la baari doono .

    Wasiirku waxa uu sheegay in sidii dabkaasi loo damin lahaa ay gacanta ku hayaan ciidanka Dab Damiska howladadeenada Wasaarada Deegaanka , Ciidaanka Ilaalada Xeebaha, Ciidanka Booliska iyo dadweynaha deegaanka oo u gurmuday . “ waxaynu ku dhiiri gelinayaa oo aan ugu baaqeynaa dadka gobolka iyo deegaanka degan in ay la shaqeeyaan ciidamdaas kala duwan siii dabkaasi loo demin lahaa ayu yiri wasiir Cabdillahi.

    Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ayaa baaq degdeg ah u diray shacabka Gobolka Sanaag, gaar ahaan bulshada degmada Ceerigaabo, isagoo ugu baaqay in ay si dhaqso leh uga qayb qaataan gurmadka dabka xooggan ee ka kacay buuraleyda waqooyi ee gobolka, gaar ahaan Buurta Daallo.

    Wasiirka ayaa sheegay in dabkan uu yahay masiibo weyn oo si xawli ah u fidaysa, isla markaana khatar ku ah deegaanka, xoolaha, iyo nolosha dadka gobolka.

    Sidoo kale, Wasiirka Waxbarashada ayaa ugu baaqay hay’adaha dowliga ah, kuwa maxalliga ah, ganacsatada, dhalinyarada, iyo guud ahaan bulshada Soomaaliland in ay kaalin muuqata ka qaataan dadaallada lagu daminayo dabkan si loo yareeyo khasaaraha uu sababi karo.

  2. Iiraan oo sheegtay in 935 qof lagu dilay dagaalkii kala dhexeeyay Israa'iil iyo Maraykanka

    iran

    Xigashada Sawirka, bb

    Iiraan ayaa sheegtay in ugu yaraan 935 qof la og yahay in lagu dilay dagaalkii socday laba iyo tobanka maalmood ee kala dhexeeyay Israa'iil iyo Maraykanka.

    Afhayeen u hadlay waaxda Caddaaladda Iiraan ayaa sheegay in 38 caruur ah ay ka mid ahaayeen dadka dhintay.

    Israa'iil ayaa sheegtay in ay bartilmaameedsatay militariga Iran iyo xarumaha Nukliyeerka iyo saraakiil sarsare oo lala xiriirinay intii lagu guda jiray duqeymaha horaantii bishii June.

    Iiraan ayaa ku adkaysatay inay xaq u leedahay inay sii waddo tayeynta Uranium-ka. Wareysi uu siiyay BBC, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda (Majid Takht-Ravanchi) ayaa sheegay in dowladdu aysan geli doonin wax wadahadal ah ilaa maamulka Trump uu dammaanad qaado in uusan duqeyn doonin Iiran inta lagu guda jiro wadahadal kasta.

  3. Alshabaab oo kusii siqaya deegaanno hor leh oo ka tirsan gobolka Hiiraan

    Somalia

    Xigashada Sawirka, AP

    Wararka laga helayo xadka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaallamayaal ka tirsan ururka Al-shabaab ay ku sii siqayaan deegaanno hor leh oo ku yaala bariga gobolka Hiiraan kaddib markii aagagga qaar ay dib uga gurteen miliishiyooyinka qabaa’ilka deegaanka.

    Baqdin ayaa soo food saartay dadka reer miyigi ah ee dhulkaasi ku nool oo muddaba dagaal kula jiray Al-shabaab.

    Wararku waxa ay intaas ku darayaan in aan maanta aan lasoo werin wax iska hor imaadyo ah, xaaladduna ay deganeyd laakin maalintii shalay ahayd ayaa la sheegay in dagalllamayaal ka tirsan ururka Alshabaab ay galeen tuulada Ceel Qooxle oo ka tirsan gobolka Hiiraan taas oo qiyaastii dhowr iyo labaatan Kiilow mitir u jirta magaalada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

    Dagaallo ayaa waxa ay in Muddo ah ka socdeen inta u dhaxeeysa magaalooyinka Moqokori iyo Aden yabaal oo kakala tirsan gobolada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe iyadoo dagaallamayaasha Al-shabaab ay xoogga saarayeen sidii ay deegaanada Adan Yabaal iyo Moqokori ay gacanta ugu dhigi lahaayeen laakin waxa ay iska caabin xoog leh kala kulmeen maleeshiyooyinka qabaa’ilka oo ay taageerayaan ciidamada dowladda sidoo kalena dhinaca cirka ay ka taageerayaan dowladda ciidamadeeda iyo saaxibada caalamiga ah, lakain taas Alshabaab kama baajin in ay marba marka ka danbeysa ay kusii siqaan tuulooyinka deegaanadaas u dhaxeeyo.

    Maalintii shalay ahayd dagaallamayasha Alshabaab waxa ay si nabad ah ku galeen tuulaada la yiraa Ceel Qooxle iyaga oo maleehsiyaadka qabaa’ilka ee tuuladaasi joogay ay dib uga gurteen.

    Saraakiisha degaanadaas ayaa BBCda u sheegay in dagaallamayaasha Alshabaab ee soo galay deegaanadaas ay go’doon ku jiraan hasa yeeshee wax iska hor imaadyo ah maanta kama aanay dhicin deegaanadaas.

    Alshabaab ayaa isku dayayay in ay ugu danbeyn u gudbaan xadka gobolka Hiiraan iyaga oo kasoo tallaabaya gobolka Shabeelaha Dhexe.

    Guddoomiyah Degmada Moqokori oo BBCda la hadlay ayaa sheegay in uu xaalad dagaal ku jiro islamarkaasina ciidamadiisa iyo kuwa deegaanka uu abaabulayo sidii ay uga hortagi lahaayeen weerarada Alshabaab si gaar ah shababaka shalay soo galay tuulada Ceel Qooxle

  4. Eretria oo 50,000 oo askari u tababareysa dalka Suudaan

    Eritrea

    Xigashada Sawirka, Yemane G. Meskel

    Waddamo badan oo dariska ah ayaa ku lug leh dagaalka sokeeye ee ka socda Suudaan, waxaana taliyaha ciidamada Waqooyiga Suudaan, Maxamed A'Jakumi uu sheegay in madaxweynaha Eritrea Isaias Afewerki uu u ballan qaaday in dalkiisa uu gacan ka geysan doono tababaridda ciidamada.

    Waxa uu u sheegay wargays ka soo baxa Sudan, A’Sudani, 27-kii June in madaxwaynuhu u ballan qaaday Eritrea inay ku taageerto isaga oo siin doona tababar ciidan oo la siinayo ilaa 50,000 oo dagaalyahano ah si ay dalka uga difaacaan khatarta xoogagga Gurmadka dedgdegga ah .

    Ciidamada Sudan iyo xoogagga Gurmnadka degdega aha ayaa la sheegay inay ku tiirsan yihiin kaalmada milateri ee shisheeye.

    Ciidamada Suudaan ayaa la rumeysan yahay inay kaalmo ka helaan Masar, Ruushka, Iiraan, Turkiga iyo Eritrea. Gurmadka Degdegga ah (RSF) waxa ay gargaarka inta badan ka helaan Imaaraadka, Chad, Koonfurta Suudaan iyo Kenya.

    Ciidanka Suudaan ayaa la sheegay in ay si toos ah Masar uga helaan gargaar milateri, hub iyo tababar. Bishii Oktoobar 2024, hogaamiyaha ciidamada RSF , General Mohamed Hamdan Dagalo, ayaa si kulul u cambaareeyay Masar iyo Iran taageerada ay siiyaan ciidamada Sudan.

    Ciidamada Suudaan ayaa sidoo kale sahay milateri ka helay Ruushka oo ay ku jiraan diyaarado dagaal. Saraakiisha Suudaan ayaa dhowr jeer booqday Moscow tan iyo 2024-kii si ay ugala hadlaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada wadal.

  5. Duqeymaha cirka ah ee Israa’iil ay ka fulisay Qaza oo dhaliyay barakac ballaaran

    Palestine

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Israa’iil ayaa duqeymo cirka ah ka fulisay marinka Qaza, taas oo dhalisay barakac ballaaran oo ay ku barakaceen boqolaal qoys oo Falastiiniyiin ah, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

    Kooxaha gurmadka ayaa soo saaray meydadka shan qof, halka tobanaan qof oo rayid ah oo dhaawacmay loo daadgureeyay isbitaalka Al-Ahli ee magaalada Gaza, sida ay sheegayaan wararka gudaha.

    Duqeymahan ayaa daba socda mid ka mid ah amaradii ugu weynaa ee dadka laga saarayo deegaanooda tan iyo markii uu dagaalku dib u billowday bishii March.

    Waxay ku soo beegantay iyadoo uu sii kordhayo cadaadiska lagu hayo ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu inuu dib u eego dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro heshiis xabbad-joojin ah.

    Dadka deggan magaalada Gaza ayaa sheegay in duqeymo dhowra oo cirka ah oo Israel ay la beegsatay xaafadaha bari ah oo dadku ku badan yihiin, sida Shujaiya, Tuffah, iyo Zeitoun.

    Mid ka mid ah duqyemaha ayaa lagu soo waramayaa in uu ku dhacay iskuul ku yaala Zeitoun kaas oo hoy u ahaa qoysas barakacayaal ah.

    Shanta qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen weerar ka dhacay xerada Al Shati, ee galbeedka magaalada Gaza.

    Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa horay ugu amray dadka deegaanka in ay isaga baxaan qeybo badan oo ka mid ah waqooyiga Qaza, iyadoo la filayo in weeraro lagu qaado. Badi dadka la barakiciyey habeenimadii xalay waxay u guureen dhanka galbeed ee magaalada Gaza halkii ay ka aadi lahaayeen gobolka koonfureed sida ay ku amreen IDF.

  6. Suuqa ugu weyn Garissa oo uu dab qabsaday

    Garissa

    Xigashada Sawirka, Facebook

    Suuqa ugu weyn magaalada Garissa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ee Suuq Mugdi ayaa waxaa qabsaday dab, kaas oo waxyeello geystay.

    Bilow Bashiir Cabdow oo ah guddoomiyaha guddiga ganacsatada Garissa oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in gubashada suuqa ay bilaabatay aroor hore saakay.

    “Waxaan u imid suuqa oo badi gubtay, markaas baan dadaal galnay dab-damiskii ayaa yimid gurmad ayaana la bilaabay.” Ayuu yiri.

    Ma aha markii ugu horreysay ee suuqan uu gubto, arrimo kala duwan ayaana sababayay gubashadiisa.

    Bilow ayaa sheegay in xaaladda ay maanta ka roon tahay sidii hore oo suuqu uusan wada guban, kadib markii gurmad fiican la helay.

  7. Ciyaar dhex martay Roobootyo oo ka dhacday Shiinaha

    Ciyaar dhex martay Roobootyo

    Xigashada Sawirka, BBC Sport

    Qoraalka sawirka, Ciyaar dhex martay Roobootyo

    Magaalada Beijing ayaa martigelisay ciyaarta kubadda Cagta oo dhex marayasa Roobootyo maalintii Sabtidii. Afar kooxood ayaa iskaga hor yimid ciyaar loo adeegsaday garaadka macmalka ah. Waxa la arkayay roobootyada oo laadaya, difaacanaya islamarkaana dhalinaya. Dhacdadan ayaa horudhac u noqotay Ciyaaraha Robot-ka ee Adduunka ee soo socda oo lagu wado in ay ka dhacaan Beijing bisha August.

  8. Urdun oo diidday in ay la cayaarto Israa’iil iyo ganaax la saaray

    Kubadda kolayga
    Qoraalka sawirka, Kubadda kolayga

    Urdun ayaa go’aansatey in aanay xulkeeda kubbadda koleyga u dirin Koobka Adduunka ee 19 jirrada oo la qorsheeyay in uu dhaco Axaddii todobaadka. Tani waxay ku soo beegmaysaa xilli dagaalka Israa'iil ee Marinka Gaza uu socdo in ka badan 20 bilood.

    Bayaan uu soo saaray xidhiidhka Kubadda Koleyga Urdun ayaa lagu sheegay in ay ka codsadeen dhiggooda caalamiga ah “in aan la ciyaarin ciyaartaas,” iyaga oo xusay in xidhiidhka caalamiga ah ee kubadda koleyga (FIBA) ay go’aansadeen in aan la qaban ciyaarta dhexmari lahayd labadan dhinac, dhibcahana la siiyo dhinaca kale. FIBA ​​ayaa xaqiijisay in dhiggeeda Urdun uu ku wargaliyay go’aanka ah in aan ka qeyb galin ciyaarta, sida lagu shaaciyay mareegta rasmiga ah ee tartammadaasi waxa Israa’iil loo qoray in ay ku badisay 20-0.

    Inkasta oo xidhiidhka kubbadda kolayga ee Urdun uu diiday in go’aannadaasi ay ku lug leeyihiin wax siyaasad ah, haddana wargeysyada Israa’iil ayaa rumaysan in uu jireen “cadaadisyo siyaasadeed” oo dhaliyay in Urdun ay go’aankaasi qaadato.

  9. Maxaa ka jira in uu Maraykanku iibsanayo TikTok?

    TikTok
    Qoraalka sawirka, TikTok

    Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in uu helay koox maalqabeenno ah oo danaynaya in ay iibsadaan barnaamijka TikTok ee muuqaallada gaagaaban lagu soo bandhigo. Wareysi uu siiyay Fox News, Trump wuxuu ku sheegay in arkaasi uu kala caddaan doono qiyaastii laba toddobaad kaddib.

    In la iibsado TikTok waxa ay u baahan tahay oggolaansho laga helo Shiinaha, laakiin Trump ayaa u sheegay Fox News in madaxweyne Xi Jinping laga yaabo in aanu diidin dalabkaasi.

    BBC waxay la xidhiidhay TikTok si ay xog u raadiso.

    Heshiis hore oo TikTok looga iibin lahaa ganacsade Mareykan ah ayaa burburay bishii Abriil, markaas oo dagaal-ganacsiyeed uu ka dhex qarxay Maraykanka iyo Shiinaha.

  10. Israa'iil oo amar ku bixisay inay dadku ka baxaan Gaza xilli Trump uu xoogga saarayo xabbad-joojin

    Gaza

    Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images

    Israa’iil ayaa ku amartay Falastiiniyiinta in ay isaga baxaan qeybo ka mid ah waqooyiga Qaza ka hor inta aan la kordhin dhaq dhaqaaqa militari, xilli madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu wado heshiis xabbad joojin ah.

    Dadka ku nool xaafadaha magaalada Gaza iyo Jabalia ayaa loo sheegay inay u dhaqaaqaan dhanka koonfureed dhanka xeebta ee al-Mawasi iyadoo howlgallada militariga Israa’iil ay “xoojiyeen oo ay u badiyeen dhanka galbeed”.

    Ugu yaraan 86 qof ayaa lagu dilay weerarrada Israa'iil 24 saac ka hor duhurnimadii Axadda, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho. Saddex carruur ah ayaa ka mid ahaa dadkii ku dhintay weerar lagu qaaday waxa loogu yeero "aagga nabdoon" ee al-Mawasi, waalidkood ayaa sheegay. Trump ayaa ku celceliyay baaqyada ah in "heshiiska lagu sameeyo Gaza" oo "la soo celiyo la haystayaashii".