Imisa dagaal ayuu Madaxweyne Trump si dhab ah u soo afjaray?

Trump
Qoraalka sawirka, Trump

Iyadoo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu isku dayayo inuu heshiis nabadeed laga gaaro dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine, ayaa waxaa uu si weyn u muujinayaa taariikhdiisa la xiriirta wadaxaajoodyada nabadda tan iyo markii uu bilaabay xilligiisa labaad ee xafiiskiisa.

Isagoo ka hadlayay Aqalka Cad 18-kii Agoosto, halkaas oo hoggaamiyeyaasha Yurub ay ku cadaadiyeen xabbad-joojin laga gaaro colaadda Ruushka iyo Ukraine, Trump wuxuu sheegay: "Waxaan soo afjaray lix dagaal… dhammaan heshiisyadaas waxaan ku gaaray anigoo xitaa aan isticmaalin ereyga 'xabbad-joojin'."

Maalintii ku xigtay, tirada dagaallada uu sheegay inuu soo afjaray waxay kor ugu kacday ilaa "toddobo dagaal."

Maamulka Trump ayaa sheegaya in abaalmarinta Nabadda ee Nobel ay tahay "mid aad u soo daahday" in la siiyo "hoggaamiyaha nabadda," waxaana ay liis gareeyeen dagaallada la sheegay inuu soo afjaray.

Qaar dagaalladaasi waxay socdeen maalmo kaliya – inkasta oo ay salka ku hayeen xiisado soo jiitamayay muddo dheer – waxaana wali aan la hubin in heshiisyadaasi ay sii jiri doonaan.

Trump sidoo kale wuxuu isticmaalay erayga "xabbad-joojin" marar badan isagoo kaga hadlaya arrimahan bartiisa Truth Social.

BBC Verify waxay si dhow u eegtay dagaalladan iyo in uu Trump si dhab ah u mudan yahay in lagu amaano soo afjaridooda.

Israel iyo Iran

Colaadda 12-ka maalmood socotay waxay bilaabatay markii Israa'iil ay bartilmaameedsatay goobaha Iiraan 13-kii Juun.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Trump ayaa xaqiijiyay in Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu uu horey ugu wargeliyay duqeymahaas.

Mareykanka ayaa weeraray xarumaha nukliyeerka Iiraan – tallaabo dad badan u arkeen mid si degdeg ah u soo afjartay colaadda.

23-kii Juun, Trump ayaa soo dhigay fariin uu ku leeyahay: "Rasmiyan, Iiraan waxay bilaabi doontaa XABAD JOOJIN, 12-saacadood gudahood Israa'iilna waxay bilaabi doontaa XABAD JOOJINTA, 24-saacadood gudahood DUNIDU waxay u dabaaldegaysaa DHAMMAADKA RASMIGA AH EE DAGAALKII 12-KA MAALMOOD."

Markii dagaalku dhamaaday, Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan Ayatollah Ali Khamenei ayaa ku adkeystay in dalkiisu gaaray "guul cad", isagoo aan ka hadlin wax xabad joojin ah.

Istraa'iil waxay tan iyo markaas sheegtay in ay mar kale weerari karto Iiraan si ay uga hortagto hanjabaado cusub.

"Ma jiro heshiis rasmi ah oo nabad waarta ah ama hab lagu kormeero barnaamijka nukliyeerka Iiraan," ayuu yiri Michael O'Hanlon, oo ah khabiir sare oo ka tirsan machadka Brookings.

"Sidaas darteed waxa aan hayno waa xabad joojin aan rasmi ahayn halkii uu ka ahaan lahaa dhammaad dagaal, balse waxaan siinaa qaddarin, sababtoo ah Israa'iil oo gacan ka helaysa Mareykanka waxay si istiraatiiji ah u wiiqdda Iiraan."

12 maalmood ayuu socday dagaalka labada dal

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Qoraalka sawirka, .

Pakistan iyo Hindiya

Xiisad u dhaxeysa labada dal ee hubka nukliyeerka haysta ayaa jirtay sanado badan, balse bishii May dagaal ayaa qarxay kadib weerar ka dhacay Kashmir qaybta ay Hindiya maamusho.

Kadib afar maalmood oo duqeymo ah, Trump ayaa soo qoray in Hindiya iyo Pakistan ay ku heshiiyeen "XABAD JOOJIN DHAMMEYSTIRAN OO DEGDEG AH."

Wuxuuna sheegay in tani ay ka dhalatay "habeen dheer oo wadahadallo ah oo ay dhexdhexaadisay Dowladda Mareykanka."

Kashmir: Sababta ay Hindiya iyo Pakistan ugu muransan yihiin

Pakistan ayaa uga mahadcelisay Trump dadaalkiisa waxayna si rasmi ah u soo jeedisay in loo magacaabo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel-ka, iyadoo ku sheegtay inuu sameeyay "faragelin diblomaasiyadeed oo geesinimo leh."

Hindiya se way yaraysay kaalinta Mareykanka, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Hindiya Vikram Misri uu ku sheegay:

"Wadahadallada ku saabsan joojinta howlgalka milatari waxaa si toos ah u yeeshay Hindiya iyo Pakistan iyadoo loo marayo kanaalada jira ee labada ciidan u dhexeeya."

Rwanda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

Colaado soo jireen ah oo u dhexeysay labada waddan ayaa cirka iskusii shareeray kadib markii kooxda fallaagada ah ee M23 ay qabsatay dhul hodan ku ah macdanta oo ku yaalla bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo horraantii sanadkan.

Bishii Juun, labada dal waxay heshiis nabadeed ku kala saxiixdeen magaalada Washington, heshiiskaas oo lagu doonayo in lagu soo afjaro tobannaan sano oo colaado ah. Madaxweyne Trump ayaa sheegay in heshiiskan uu kor u qaadi doono ganacsiga u dhexeeya labada dal iyo Maraykanka.

Fallaagada M23

Xigashada Sawirka, Getty

Qoraalka sawirka, .

Qoraalka heshiiska ayaa ugu baaqay in la ixtiraamo xabbad-joojintii la isku afgartay bishii Agoosto 2024 ee u dhaxaysay Rwanda iyo DRC.

Tan iyo markii la gaaray heshiiskii ugu dambeeyay, labada dhinacba waxay isu eedeeyeen inay jebiyeen xabbad-joojinta, halka kooxda M23 – oo UK iyo Mareykanku ay ku sheegeen in ay xiriir la leedahay dowladda Rwanda – ay hanjabeen inay ka baxayaan wadahadallada nabadeed.

"Welina waxaa socda dagaal u dhexeeya Congo iyo Rwanda – sidaas darteed xabbad-joojintu waligeed si dhab ah uma dhaqangalin," ayay tiri Margaret MacMillan, oo ah borofaysar taariikhda ka dhigi jirtay Jaamacadda Oxford.

Thailand iyo Cambodia

26-kii Luulyo, Trump ayaa farriin ku qoray bartiisa Truth Social isagoo yiri:

"Waxaan hadda wacayaa Ra'iisul Wasaaraha ku-meel-gaarka ah ee Thailand, si aan ugu codsado xabbad-joojin iyo in la soo afjaro dagaalka hadda socda."

Maalmo yar kadib, labada dal ayaa ku heshiiyay "xabbad-joojin degdeg ah oo aan shuruud lahayn" kaddib toddobaad uu dagaal ka socday xadka labada waddan.

Wadahadallada nabadeed waxaa qabtay Malaysia, balse Madaxweyne Trump ayaa ku hanjabay in uu joojin doono wadahadallo gaar ah oo ku saabsanaa dhimista canshuuraha Maraykanku saaro badeecadaha soo galaya, haddii aysan Thailand iyo Cambodia joojin dagaalka.

Labada dalba waxay si weyn ugu tiirsan yihiin u dhoofinta badeecadaha Maraykanka.

7-dii Agoosto, Thailand iyo Cambodia waxay gaareen heshiis lagu yareynayo xiisadda ka taagan xadka ay wadaagaan.

Armenia iyo Azerbaijan

26-kii Luulyo, Trump ayaa farriin ku qoray bartiisa Truth Social isagoo yiri:

"Waxaan hadda wacayaa Ra'iisul Wasaaraha ku-meel-gaarka ah ee Thailand, si aan ugu codsado xabbad-joojin iyo in la soo afjaro dagaalka hadda socda."

Maalmo yar kadib, labada dal ayaa ku heshiiyay "xabbad-joojin degdeg ah oo aan shuruud lahayn" kaddib toddobaad uu dagaal ka socday xadka labada waddan.

Wadahadallada nabadeed waxaa qabtay Malaysia, balse Madaxweyne Trump ayaa ku hanjabay in uu joojin doono wadahadallo gaar ah oo ku saabsanaa dhimista canshuuraha Maraykanku saaro badeecadaha soo galaya, haddii aysan Thailand iyo Cambodia joojin dagaalka.

Labada dalba waxay si weyn ugu tiirsan yihiin u dhoofinta badeecadaha Maraykanka.

7-dii Agoosto, Thailand iyo Cambodia waxay gaareen heshiis lagu yareynayo xiisadda ka taagan xadka ay wadaagaan.


Bishii Agoosto, Trump wuxuu ku martigeliyay Aqalka Cad madaxweynaha Azerbaijan iyo ra’iisul wasaaraha Armenia.

Xigashada Sawirka, Getty

Qoraalka sawirka, .

Masar iyo Itoobiya

Markaan ma jiro dagaal uu madaxweynuhu joojiyay, balse muddo dheer ayaa khilaaf xooggan uu ka jiray biyo-xireenka webiga Nile.

Biyo-xireenka weyn ee Itoobiya, oo loo yaqaan "Grand Ethiopian Renaissance Dam", ayaa la dhammeeyay xagaagan, iyadoo Masarna ay sheegtay in biyaha ay ka hesho webiga Nile ay halis ku jiraan.

Ka dib 12 sano oo khilaaf ah, wasiirka arrimaha dibadda ee Masar ayaa sheegay 29-kii Juun in wadahadalladii Itoobiya ay istaageen.

Trump wuxuu yiri: "Haddii aan Masar ahaan lahaa, waxaan rabaa biyaha Nile." Wuxuuna ballanqaaday in Mareykanku si degdeg ah u xallin doono arrinta.

Masar waxay si wanaagsan u soo dhaweysay hadalka Trump, laakiin saraakiisha Itoobiya waxay sheegeen in hadalkiisu uu khilaafka sii hurin karo.

Ilaa hadda lama gaarin heshiis rasmi ah oo u dhexeeya Masar iyo Itoobiya si loo xalliyo khilaafkooda.

Serbia iyo Kosovo

27-kii Juun, Trump wuxuu sheegay inuu ka hortagay dagaal ka dhex qarxa Serbia iyo Kosovo, isagoo yiri: "Serbia, Kosovo way isku dhici lahaayeen, dagaal weyn baa dhici lahaa. Waxaan iri haddii aad dagaalataan, ganacsi lama lahaan doontaan Mareykanka. Markaas bay yiraahdeen, bal yaannan dagaalamin."

Labada dal waxaa muddo dheer ka dhexeeyay muran — taas oo salka ku haysa dagaalladii Balkans ee 1990-meeyadii — iyadoo xiisaduhuna ay kor u kacayeen sanadihii dambe.

Prof MacMillan ayaa noo sheegay: "Serbia iyo Kosovo ma dagaalamayaan ama ma is rasaaseynayaan, markaa ma aha dagaal la joojinayo."

Aqalka Cad wuxuu tilmaamay dadaalladii diblomaasiyadeed ee Trump intii uu xilka hayay.

Labada dal waxay saxiixeen heshiisyo dhaqaale oo ku saabsan soo celintaa xiriirkooda, kuwaas oo lagu saxiixay Xafiiska Oval ee Aqalka Cad sanadkii 2020, balse waqtigaas dagaal kama dhexeyn.