Halkee bay ku taallaa maqaaxida cuntada looga iibsado qashinka halkii aad lacag bixin lahayd

Qashin cunno ku baddelasho

Xigashada Sawirka, Ritesh Saini/ Ambikapur Municipal Corporation

Maqaaxiyaha qashinka ayaa ku sii badanaya dalkan. BBC-da ayaa booqatay magaalada Ambikapur si ay u hesho inta ay le'eg tahay samaynta dhab ahaantii ku yeelanayan cagaaga iyo dadka.

Waa horraantii sanadkan 2025, xilli daruur iyo ceeryaamo badan ay jirto. Carafta ka soo baxaysa sanbuuska la dubayey ayaa isla markiiba ku saaqaysa markii aad ku soo dhawaato maqaaxida Qashinka. Gudaha, dad ayaa fadhiya kuraas alwaax ah iyagoo miisaska ay u saaran yihiin saxamo bir ka samaysan oo cunta ay ugu jirto, qaar waa sheekaysanayaan, qaar kalena iyagoo aamusan ayey cuntaynayaan.

Maalin kasta, dad gaajeysan ayaa yimaada Maqaaxidan oo ku taalla Ambikapur, oo ka tirsan gobolka Chhattisgarh ee bartamaha India, iyaga oo rajeynaya inay helaan cunto kulul. Laakiin ma bixiyaan lacag si ay u helaan cuntadaas – taa beddelkeeda, waxay keenaan xirmooyin caag ah sida bacaha wax lagu qaato duug, caagadaha biyaha laga cabo iyo bacaha cunnada laga cunay.

Vinod Kumar Patel, oo u hadlay dowladda hoose ee magaalada Ambikapuri wuxuu noo sheegay in dadku halkii Kilogram oo qashin ah ay dadku ku iibsadaan saxan buuxa oo ka kooban, bariis, khudaar Roodhi, ansalaato, Misir iyo qajar. Halka nus kiilada bacaha ay ku helikaraan quraac sida Sambuus iyo Beegar.

"Waxaan heli karaa cunto aan qoyskeyga siiyo anigoo ku beddelanaya caagga aan soo ururiyo. Tani waxay farqi weyn ku sameysay nolosheenna" Rashmi Mondal

Maqaaxi cuntada dadka ugu badesha qashinka

Xigashada Sawirka, Ritesh Saini/ Ambikapur Municipal Corporation

Ambikapur, oo ah magaalo ku taalla gobolka Chhattisgarh ee bartamaha India, ayaa isku dayday inay dhibaatada caagadaha wasakhda ah u isticmaasho sidii xal loogu heli lahaa gaajada. Waxay bilaabeen Maqaaxiyaha Qashinka sannadkii 2019, iyagoo adeegsanaya halku-dhigga ah: "qashin badan, dhadhan wanaagsan."

Maqaaxiyaha Qashinka waxaa laga maalgaliyey miisaaniyadda magaalada Ambikapuri, waxaana laga dhisay meel u dhow boosteeda ugu weyn ee busaska magaalada.

"Fikradda waxay ka dhalatay baahida loo qabo in la xalliyo laba dhibaato oo ka jirta Ambikapur: qashinka caagga ah iyo gaajada," ayuu yiri Patel.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Fikraddu way sahlaneyd: in la dhiirrigeliyo dadka dakhligoodu hooseeyo, gaar ahaan dadka hoy la'aanta ah iyo kuwa qashinka ka ururiya waddooyinka si ay u soo ururiyaan caagagga yaalla waddooyinka iyo goobaha qashinka, loogana siiyo cunto kulul oo ay ku beddeshaan.

Rshmi Mondal, waa haweenay deegaank ku nool oo qashinka keenta Maqaaxida. Arooryo kasta waxay xilli hore adaa waddooyinka Ambikapur si ay u raadsato caagado la tuuray – iyo wax walba oo haraadi qashin ah. Iyada, ururinta qashinkaas waxay u tahay hab ay nolosha ku sii wadan karto.

"Sanado badan ayaan shaqadan hayay," ayay tiri Mondal, iyadoo eegaysa tuur caagado ah oo ay soo ururisay. Horey, Mondal waxay caagga ay soo aruuriso ugu iibin jirtay ganacsatada qashinka deegaanka qiime dhan 10 rupees ee lacagata Hinidya ah halkii kiilo taas oo aan ku filnayn nolosha. "Laakiin hadda, waxayna cuntada qoyskeeda ka heshaa caagagan ay soo aruuriso.Tani waxay farqi weyn ku sameysay nolosheenna."

Maqaaxida Qashinka

Xigashada Sawirka, Ritesh Saini/ Ambikapur Municipal Corporation

Sharada Singh Patel, oo Maqaaxida ka shaqaynaysay tan iyo markii la furay, ayaa sheegtay in dad badan oo yimaada Maqaaxidan ay kasoo jeedaan bulshooyinka tabaaleysan. "Haddii cunto lagu heli karo caag beddelkiis, ma ahan oo keliya inaan calooshooda buuxinayno, ee sidoo kale waxaan ka qeyb qaadaneynaa nadiifinta deegaanka."

Qashinka ay Maqaaxiyuhu ka gadanayaan dadka ka soo aruuriya goobaha qashinka iyo xitaa wadooyinka waxay saamaysay xitaa goobaha qashinka lagu kaydiyo ee magaalada sida u u sheegay Ritesh Saini, oo ah qof ka shaqeeya waaxda nadaafada kana tirsan mashruuca Swachh Bharat Mission Urban – oo ah olole nadaafadeed oo dowladda India billowday sannadkii 2014.

Saini, wuxuu sheegay in tani iyo markii la bilaabay arrintan qashan ku baddelashada cunnada ee Maqaaxiyaha sanadkii 2019 uu ururiyay ku dhowaad 23 tan oo caag ah, taas oo gacan ka geysatay hoos u dhaca guud ee qashinka caagga ah ee la geeyo goobaha qashinka lagu shubo magaalada. Sanadkii 2019, magaalada waxa la geyn jiray qiyaastii 5.4 tan sanadkii, halka sanadkii 2024 ay hoos ugu dhacday laba tan sanadkii.