Ilmo ku beermay beerka korkiisa: Kiis hadda kahor ka dhacay Soomaaliya oo ka yaabiyay dhaqaatiirta Hindiya

Hindiya

Xigashada Sawirka, .

Dhowaan waxaa soo shaac baxday dhacdo naadir ah oo naxdin leh oo ku dhacday haweeney uur leh oo ku nool gobolka Uttar Pradesh ee dalka Hindiya kaas oo cunugga (uurjiifka) uu ku beermay beerka halkii uu ku beermi lahaa ilmo-galeenka haweeneyda.

Kiiska dhibbanaha 35-jirka ah ee Sarvesh wuxuu noqday diiradda dhakhaatiirta iyo khubarrada caafimaadka ee Hindiya.

Ka dib markii warkani soo shaac baxay, khubarrada caafimaadka, oo ay ku jiraan dadweynaha guud ahaan, waxay rabaan inay ogaadaan sida waxaas oo dhan u suurtagashay iyo sida ay tahay xaaladda haweeneyda, Sarvesh, hadda?

Waxaan sidoo kale tagnay tuulada Sarvesh 'Dastora' si aan jawaabo ugu helno su'aalahan la midka ah.

Markaan gurigeedii soo gaarnay, waxay ku jiiftay sariirta iyadoo suun dhexda kaga xiran yahay. Waxay sheegtay inay aad ugu adkayd inay xataa foorarsato.

Waxa ay sheegtay in 21 tolliin looga sameeyay dhinaca sare ee midig ee caloosha.

Dhakhaatiirtu waxay kula taliyeen inaysan qaadin shay culus, waxayna kula taliyeen inay aad u nasato oo ay cunto cunto fudud.

Sarvesh waa in ay caawimo ka raadsato ninkeeda si ay dharka isaga baddasho, u gasho suuliga, oo ay isaga beddesho dharka.

Sarvesh iyo ninkeeda Paramveer ayaa sheegay in kiiskani uusan ahayn wax qarsoodi ah u ah qoyskooda.

Hindiya

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Seyga Sarvesh, Paramveer

Aad ayaan u matagi jiray, waxaan dareemaya daal iyo xanuun. Ma fahmin waxa igu dhacay," Sarvesh ayaa sidaa u sheegtay BBC.

Waxa ay sheegtay in markii ay xaaladdeeda ka sii dartay uu dhakhtarku ka codsaday in la sameeyo ultrasound (raajada uur ku jirta), balse wax uma sheegin, waxayna sii wadday qaadashada dawooyinka ay dhakhaatiirtu u qoreen ee lagu daweynayo caabuqyada caloosha.

Waxay sheegtay in ka dib markii ay qaadatay dawo muddo bil ah, oo aysan jirin wax faa'iido ah, ay u tagtay isbitaal kale si raajo loo saaro.

Warbixinta raajada ee soo baxday ayaa ahayd mid aad loola yaabo oo xitaa dhakhaatiirtu ay rumaysan waayeen.

Dr. Sania Zahra, oo samaysay raajada, ayaa u sheegtay Sarvesh in ilmaheeda uu ku jiro beerka. Waxay ahayd xaalad la yaab ku noqotay Sarvesh iyo ninkeeda, Paramveer.

'Cunugga wuxuu ku jiraa beerkaaga'

Hindiya

Xigashada Sawirka, .

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Si loo sii xaqiijiyo warbixintan, waxay tagtay magaalada u dhow ee Meerut, halkaas oo lagu sameeyay raajo kale iyo sidoo kale MRI, laakiin warbixinteedu wali waa sidii hore.

Aad bay ugu adkeyd Sarvesh inay rumaysato warbixinta sababtoo ah dhiigga caadada ayaa u joogay waqtigaas.

Dr. KK Gupta, oo sameeyay raajada MRI-ga, ayaa BBC-da u sheegay in uusan waligii arag kiis noocaan oo kale ah muddo 20 sano ah.

Ka hor inta aan la gaarin gunaanadka warbixintan ku saleysan, dhowr jeer ayay dib u eegeen warbixinnada, waxayna si joogta ah u weydiiyeen haweeneyda xaaladdeeda caadada.

Sida laga soo xigtay Dr. Gupta, "Waxaa jiray uurjiif 12-toddobaad ah oo ku yaal dhinaca midig ee beerka haweeneyda, kaas oo garaaca wadnaha si cad loo arki karo, xaaladdan waxaa loo yaqaan 'enterohepatic ectopic pregnancy, taas oo ah mid aad u dhif ah. Xaaladdan oo kale, haweenku aad ayay u dhiig baxaan xilliga caadada waxayna u tixgeliyaan inay tahay dhiigga caadada ee caadiga ah, xaaladahan oo kale waxay qaadataa waqti in la ogaado uurka.

'Xal kale ma jiro aan qalliin ahayn'

Hindiya

Xigashada Sawirka, .

Dhaqtarka ayaa lammaanaha u sheegay in uur-jiiftu ay sii weynaaneyso, isla markaana ay taasi wax u dhimi karto beerka. Xaaladdan oo kale, way adag tahay in hooyadu ay badbaaddo. Sidaa darteed, ma jirin wax kale oo aan qalliin ahayn.

Paramveer ayaa sheegay in dhaqtar uusan joogin Bulandshahr oo xaaladdaas la tacaali karay, sidaa darteedna uu aaday Meerut, balse halkaas xitaa uu ka niyad jabay.

Sida uu seygeeda Paramveer sheegay, dhaqaatiirta ayaa u sheegay in kani uu ahaa kiis isku qasan oo nolosha hooyaduna ay khatar ku jirtay, sidaa darteedna uu qof walba kula taliyay inay aadaan DelhI.

Waa maxay xaaladdan, Soomaaliyana maka dhacday?

Dr Samiira

Xigashada Sawirka, Dr Samiira

Xaaladdan waxaa lagu magacaabaa intrahepatic pregnancy, waana ilmaha oo ku abuurma bannaanka minka,

Dr Samiira Axmed Amoore oo ah dhaqtaradda haweenka iyo qalliimadooda kana howlgasha isbitaalka Rajab Tayib Erdogan oo hore loo oran jiray Digfeer ee magaalada Muqdisho ayaa BBC u sheegtay in xaaladdan ay tahay mid naadir ku ah dunida oo dhan.

"Ilmaha inta badan waxay ku beermaan caloosha,

Balse waxay sheegtay in kiiskan oo kale uu sanadkii 2020 ka dhacay Soomaaliya gaar ahaanna haweeney ka timid magaalada Gaalkacyo ay tagtay isbitaalka Rajab Tayib Erdogan kadibna la ogaaday in ilmaha ay ku beermeen beerka.

"Dalka wax waa looga qaban waayay, waxaa la geeyay Turkiga oo lagu daweeyay. Hadda way fiican tahay oo ilmo kale ayayba ku dhashay isbitaalkeennna." Ayay tiri Dr Samiira.

Erdogan

Xigashada Sawirka, Rajab Tayib Erdogan Hospital

Qoraalka sawirka, Raajada haweeney Soomaali ah oo xaaladdan oo kale la kulantay

Haweeneydu caadi ahaan waxay uur qaaddaa marka manida ragga ay ukunta bacrimiso.

Ukunta bacrimisan ayaa caadi ahaan u dhaqaaqda dhanka makaanka iyadoo sii mareysa tubbo loogu talo-galay kadibna waxaa minka dhexdiisa ku abuurma uur-jiifta.

Dhaqaatiirta ayaase sheegay in marar qaar ay ukuntaasi gaari weyso minka ayna tubbada ku harto amaba ay ku dhegto xubin kale korkeeda.

Tusaale ahaan, kiiska haweeneydan ukunta ayaa ku dhegtay beerka korkiisa. Beerka wuxuu leeyahay hannaan fiican oo uu dhiigga ugu qeybiyo jirka intiisa kale, sidaa darteed wuxuu ukunta ugula muuqday sagxad fiican oo ay ku kori karto.

Balse xoogaa kadib, xaalad khatar ah ayaa lasoo gudboonaata hooyada iyo cunuggaba, mana jiro xal aan ahayn qalliin.