Muxuu yahay muranka qoolleyda ka dhashay ee Hindiya ka taagan?

Hindiya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dalka Hindiya

Go'aankii maxkamadeed ee dhowaan lagu mamnuucay in haadda lagu quudiyo meelaha dadweynuhu isugu yimaadaan magaalada galbeedka Hindiya ee Mumbai ayaa noqday arrin xiisad ka dhex dhalisay hay'adaha dawladda hoose, dhaqdhaqaaqayaasha caafimaadka dadweynaha, iyo dadka jecel xayawaanka.

Bishan gudaheeda, boqolaal qof ayay laba jeer isku dhaceen booliiska iyagoo ka mudahaaradaya xiritaanka goob lagu quudiyo baalleyda oo tobanaan sano jirtay, taasoo loo yaqaan kabutarkhana. waa erey af-Hindi ah oo hadada ku tacalluqa.

Qaar ka mid ah dadka mudahaaradayay ayaa rabshado sameyay, waxayna ku hanjabeen inay billaabi doonaan cunto-ka soomid aan waqti lahayn. Warbaahinta ayaa sheegtay in booliisku si kooban u xireen ilaa 15 qof intii uu socday mudaharaad kale.

Mas'uuliyiinta ayaa xarigga u sababeeyay walaaca caafimaad ee ka imaan kara saxarada qoolleyda.

Arrintan kuma koobna Mumbai oo keliya. Venice, waxaa laga mamnuucay in haadda lagu quudiyo barxadaha taariikhiga ah. Singapore waxay ganaaxyo culus ku soo rogtay goobaha shimbiraha, halka New York iyo London ay xadideen goobaha lagu quudin karo.

Hindiya gudaheeda, magaalooyinka Pune iyo Thane oo ka tirsan gobolka Maharashtra — oo Mumbai ay caasimad u tahay — ayaa iyaguna ciqaabo dul dhigay dadka quudiya haadda. Magaalada Delhi ayaa ka fikireysa inay soo saarto talooyin ka dhan ah in haadda lagu quudiyo meelaha dadweynuhu isugu yimaadaan.

Tallaabadan lagu xakameynayo quudinta haadda ayaa caro gelisay dadka jecel xayawaanka iyo kuwa quudinta xoolaha u arka cibaado, maadaama haaddu qayb muhiim ah ka tahay dhaqanka iyo hidaha Hindiya.

Filimada Hindiga ah ayaa inta badan muujiyo muuqaallo lagu quudinayo haadda, si ay u muujiyaan magaalooyinka sida Mumbai iyo Delhi, oo haaddu si joogto ah uga muuqato daaqadaha guryaha iyo mashiinnada qaboojiyaha.

Dalka Hindiya

Xigashada Sawirka, Hindustan Times via Getty Images

Qoraalka sawirka, Hindiya
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Qaar ka mid ah qoolleyda Mumbai waa waxaa lagu quudiyaa dhismooyin taariikhi ah oo caan ah, waxaana la sheegay in asal ahaan loo aasaasay meelahaas in sadaqada lagu bixiyo halkaas oo bulshooyinku ku deeqi jireen hadhuudh. Waxaa sidoo kale ku lug leh dareenno diimeed. Magaalada Mumbai, bulshada Jain-ka, oo u arka quudinta kabutarada waajibaad diimeed, ayaa si weyn uga qayb qaatay mudaaharaadkooda. Sidoo kale, dad badan ayaa xiriir la leh kabutarada — oo loo arko calaamadaha nabadda iyo daacadnimada.

Delhi, Syed Ismat ayaa sheegay inuu hadda quudinayay muddo 40 sano ah, wuxuuna u arkaa inay yihiin qoyskiisa. "Waxaa laga yaabaa inay yihiin kuwa ugu daahfurnaanta badan dhammaan makhluuqaadka. Waxa kaliya ee ay dalbanayaan waa naxariis yar," ayuu yiri Mr. Ismat.

Laakiin hadalladan ayaa ka soo horjeeda daraasado muujinaya in muddo dheer lala noolaado saxarada hadda anay keeni karto halis caafimaad oo ku saabsan sambabada iyo neefsashada. Kordhinta tirada kabutarada ee Hindiya sanadaha dhow ayaa khatartan sii kordhiyay, taasoo keentay in lagu soo rogo xayiraado.

Khabiir deegaanka oo ku sugan Delhi, Faiyaz Khudsar, ayaa sheegay in helitaanka sahlan ee cunnada ay sababtay kororka tirada qooleyda ee gudaha Hindiya. Hindiya gudaheeda, caqabadda ayaa sii kordhaysa iyadoo tirada shimbiraha sida goraiya, oo loo yaqaan house sparrow, ay hoos u dhacayaan iyaga oo qoolleyda baddalaya.

"Marka ay jirto cunto sahlan iyo ugaari la'aan, qoolleydu way tarantaa si ka dhaqso badan sidii hore. Waxay ka adkaanayaan shimbiraha magaalooyinka kale, taasoo keenaysa khasaare deegaan," ayuu yiri Mr. Khudsar.

Qoolleyda

Xigashada Sawirka, Anshul Verma/BBC

Qoraalka sawirka, Hindiya

Warbixinta Xaaladda Shimbiraha Hindiya 2023 ayaa sheegaysa in tirada qoolleyda ay korortay in ka badan 150% tan iyo 2000-dii – taasoo ah kororka ugu weyn ee dhammaan shimbiraha – iyagoo guryaha iyo meelaha dadweynaha uga tagaya saxaro badan, maadaama shimbir kasta ay soo saari karto ilaa 15kg (33 rodol) sanadkii.

Daraasadaha ayaa muujinaya in saxaradaasi ay ka kooban tahay ugu yaraan toddobo nooc oo oo sababi kara cuduro sida neef-qabatin, caabuqyo fangas ah, iyo xitaa dhaawac sambabaha ah ee dadka.

Nirmal Kohli, oo ah 75 jir degan Delhi, ayaa bilaabay inuu ka cowdo qufac joogto ah iyo neefsashada oo dhib noqotay dhowr sano ka hor.

"Ugu dambeyntii, sawirka CT scan-ka ayaa muujiyey in qayb ka mid ah sambabtiisa ay yaraatay," ayuu yiri wiilkiisa Amit Kohli. "Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in sababtu tahay saxarada qoolleyda."

Sanadkii hore, wiil 11 jir ah ayaa ku dhintay Delhi cudurka hypersensitivity pneumonitis – cudur keena barar ku dhaca sambabaha. Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in sababtu ahayd muddo dheer oo saxarada iyo baalasha qoolleyda uu ka ag dhawaa.

RS Pal, oo ah dhakhtar ku takhasusay cudurada sambabaha, ayaa u sheegay BBC in kiisaska noocaas ah ay caadi yihiin.

"Xitaa haddii aadan si toos ah u quudin qoolleyda, saxarada ay ka tagaan daaqadaha iyo balakoonada ayaa sababi kara hypersensitivity pneumonitis," ayuu yiri.

"Waxaan sidoo kale aragnaa caabuqyo bakteeriyo, fayras, iyo fangas ah oo ku dhaca dadka si joogto ah u taabta qoolleyda."

Walwalka noocan ah ayaa keenay in maamulka magaalada Mumbai ay mamnuucaan quudinta bishii hore, isla markaana ay bilaabaan olole lagu burburinayo xarumaha quudinta qoolleyda.