Maxey tahay arrinta muddada dheer Putin u diidnaa Ukraine oo hadda Trump ku raacay?

Xigashada Sawirka, Reuters
Donald Trump ayaa sheegay in madaxweynaha Ukraine uu dhamayn karo dagaalka Ruushka "haddii uu rabo", balse aysan jiri doonin "wax ku biiritaan ah oo Ukraine ay ku galayso NATO" oo qayb ka ah heshiiska nabadeed.
Saacado ka hor intuusan Trump Aqalka Cad kula kulmin Volodymyr Zelensky, wuxuu sidoo kale sheegay in aysan jiri doonin "wax soo celin ah" oo la xiriirta gobolka Crimea, oo Moscow si sharci-darro ah u qabsatay sanadkii 2014, sideed sano ka hor intaanu bilaabin duullaankiisa buuxa ee Ruushku ku qaaday Ukriane.
Arrintan waxay daba socotaa shir uu Trump kula yeeshay hoggaamiyaha Ruushka, Vladimir Putin, gobolka Alaska, kaas oo sababay in madaxweynaha Mareykanka uu ka laabto dalabkii xabbad-joojinta, isagoo sheegay in la gaaro heshiis nabadeed oo joogto ah.
Ergay Maraykankan ah ayaa Axaddii sheegay in Putin uu oggolaaday suuragalnimada heshiis amni oo la mid ah kan NATO oo loogu talagalay Ukraine.
Madaxweynaha Ruushka ayaa si joogta ah uga soo horjeestay fikradda ah in Ukraine ay ku biirto xulafada militariga.
Qoraal uu Trump soo dhigay bartiisa ee Truth Social, ayuu ku yiri: "Madaxweynaha Ukraine Zelenskyy wuxuu soo afjari karaa dagaalka Ruushka ku dhawaad isla markiiba, haddii uu rabo, ama wuu sii wadi karaa dagaalka.
"Xusuuso sida uu u bilaabmay. Ma jiro wax soo celin ah oo la xiriira Crimea oo Obama bixiyay 12 sano ka hor, lama ridin xabbad keliya!, sidoo kale MA JIRTO WAX GELITAAN AH OO UKRAINE KU BIIRAYSO NATO. Waxyaabo qaar waligood isma beddelaan!!!" ayuu Trump intaa ku daray.
Kahor inta uusan Trump dib ula wareegin xilka bishii Jannaayo, waddamada NATO ayaa ku heshiiyay in Ukraine ay ku jirto "waddo aan laga noqon karin" oo xagga xubinnimada isbahaysiga ah.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xoghayaha Guud ee NATO, Mark Rutte, oo ay weheliyaan hoggaamiyeyaasha Yurub sida Ra'iisul Wasaaraha UK Sir Keir Starmer, ayaa kula kulmi doona Zelensky magaalada Washington Isniinta si ay uga wada hadlaan mustaqbalka Ukraine.
Sidoo kale kulankaas waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, Ra'iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni, Ra'iisul Wasaaraha Jarmalka Friedrich Merz, Madaxweynaha Finland Alexander Stubb, iyo Madaxweynaha Guddiga Midowga Yurub Ursula von der Leyen. Ma cadda inta ka mid ah madaxdan ee tegi doona Aqalka Cad.
Trump ayaa mar dambe sheegay. "Maalin weyn ayaa berri ka dhici doonta Aqalka Cad. Waligeen ma aanan arag hoggaamiyayaal badan oo Yurub ah oo hal mar yimaada. Waa sharaf weyn inaan martigeliyo!!!"
In madax badan oo dalal Yurub ah ay si degdeg ah uga soo safraan si ay uga qaybgalaan shir degdeg ah oo xilliga dagaalka ah, waa arrin aan horey loo arag xilligan casriga ah, taasoo muujinaysa culayska iyo khatarta sare ee arrintan.

Xigashada Sawirka, Reuters
Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in mas'uuliyiinta Yurub ay ka walaacsan yihiin in Trump uu isku dayo inuu cadaadis saaro Zelensky si uu u aqbalo shuruudo, kaddib markii hoggaamiyaha Ukraine laga reebay kulankii Trump iyo Putin ee ka dhacay dhulka Mareykanka Jimcihii la soo dhaafay.
Laakiin Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa u sheegay warbaahinta CBS in wararka sheegaya in Trump uu qasbi karo Zelensky inuu aqbalo heshiis nabadeed ay yihiin "sheeko doqonimo ah oo warbaahintu faafineyso."
Hoggaamiyaasha Nato ayaa sidoo kale u muuqda inay ka taxadarayaan inuusan soo noqon wixii dhacay markii Zelensky bisii Febraayo ee sanadkan booqday Aqalka Cad markaas oo xafiiska Oval uu hadalka ka taag taagmay isaga ,Trump iyo madaxweyne xigeenka Maraykanak JD Vance.
Markaas oo Trump ku eedeeyey Zelensky inuu ciyaarayo khamaar sababi gara dagaalka saddexaad ee adduunka iyadoo xiriirka Kyiv iyo Washington uu xumaaday.
Laakiin hoggaamiyeyaasha Yurub ayaa si taxaddar leh uga shaqeynayay sidii dib loogu hagaajin lahaa xiriirka tan iyo markaas. Hoggaamiyaha Ukraine ayaa la tababaray si uu u hadlo luqad ganacsi iyo heshiisyo ah – taasoo ah hadal Trump la qabsado oo uu fahmo.
Shir muuqaal ah ayaa Axaddii dhex maray Madaxweyne Zelensky iyo dalalka taageera oo ay ka mid yihiin UK, Faransiiska, iyo Jarmalka kuwaasoo ballan qaaday inay ilaalin doonaan nabadda Ukraine marka la gaaro.
Kadib shirkaas, Emmanuel Macron ayaa wariyeyaasha u sheegay in qorshahoodu yahay inay "soo bandhigaan mowqif mideysan" marka ay la kulmaan Trump Isniinta.
Zelensky iyo hoggaamiyeyaasha NATO waxay muujiyeen xiisahooda in ay wax badan ka ogaadaan kadib markii danjiraha Mareykanka Steve Witkoff uu u sheegay telefishinnada Mareykanka in Putin uu Jimcihii aqbalay "dammaanad amni oo xooggan oo aan ku tilmaami karo mid beddeli karta ciyaarta."
Witkoff wuxuu sheegay in heshiiskan suuragalka ah uu noqon karo mid Mareykanka iyo Yurub u oggolaanaya inay si NATO la mid ah u difaacaan Ukraine mar haddii weerar kale yimaado.
"Waxaan ku guulaysanay inaan helno qodob oggolaanaya in Mareykanku bixiyo dammaanad amni oo la mid ah Qodobka 5-aad – taasoo ah sababta dhabta ah ee Ukraine u dooneyso inay ku biirto NATO," ayuu Witkoff u sheegay CNN Axaddii.
Putin ayaa muddo dheer kasoo horjeeday in Ukraine ay ku biirto NATO, waxaana Witkoff sheegay in habkaan uu noqon karo beddel haddii reer Ukraine ay "ku qanci karaan".
Qodobka 5-aad waa mabda'a ugu muhiimsan ee isbahaysiga NATO ee ka kooban 32 dal, kuna saleysan in weerar lagu qaado mid ka mid ah xubnaha loo arko weerar lagu qaaday dhammaan xubnaha, waxaana looga jawaabayaa si wadajir ah.
Witkoff ayaa sidoo kale u sheegay CNN in Ruushka uu sameeyay "qaar ka mid ah tanaasulaad" ku saabsan shan gobol oo si adag loogu muransan yahay gudaha Ukraine.
Markii uu la hadlayay xulafada Yurub kadib shirkii Alaska, Trump ayaa sheegay in Putin uu ku celiyay rabitaankiisa inuu helo gobollada muhiimka ah ee Donetsk iyo Luhansk – kuwaasoo ah qayb ka mid ah Donbas ee bariga Ukraine – sida laga soo xigtay saraakiil Yurub ah.













