Mareykanka oo joojiyay fiisooyinka dadka caafimaad ahaan ugasoo safra Gaza

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqday inay joojinayso dhammaan fiisooyinka dalxiiska ee dadka Gaza.
Joojinta Fiisooyinka ayaa qeyb ka ah "dib u eegis buuxda oo dhamaystiran oo lagu sameynayo nidaamka iyo hababka loo isticmaalay in lagu soo saaro tiro yar oo fiisooyin caafimaad iyo kuwa bini'aadanimo maalmihii la soo dhaafay,"
Go'aankaas waxa acambaareeyy qaar ka mid ah koxaha xuquuqda aadanaha ee Falastiin.
Hya'adda Gargaarka Caruurta ee Falastiin ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in go'aanku "uu saameyn xun oo aan lagasoo waaqsan karin ku yeelan doona awoodeena."
Isbedelka siyaasadeed ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa yimid ka dib markii u dhaqdhaqaaqaha caanka ah ee warbaahinta bulshada Laura Lummer ay dhaleeceysay barnaamijka fiisaha ,waxayna barta X si isdaba joog ah ugu baaqday maamulka Trump inuu " xiro waxan fadeexada ah."
Laura Lummer ayaa muujisay sida ay u taageersan tahay go'aanka AX ee Sabtidii ka dib markii la sii daayay bayaan lagu sheegay in dawladda Maraykanku ay hakisay fiisaha dalxiiska ee safarrada caafimaadka ee Gaza.
Hay'adda Gargaarka Carruurta ee Falastiiniyiinta (PSO) ayaa 169 carruur ah ka daadgureysay Gaza, waxayna geysay Bariga Dhexe, Yurub, Koonfur Afrika iyo Mareykanka si loogu daweeyo dibadda.
Dagaalka Gaza ayaa socday muddo labo sano iyo bar ah tan iyo weerarkii lama filaanka ahaa ee 7-dii Oktoobar 2023 lagu qaaday Israa'iil.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dagaalka ayaa burburiyay dhammaan kaabayaashii caafimaadka ee Gaza, iyadoo dadka reer Gazana ay soo food saartay cunto yari daran.
Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqul insaanka ayaa ku eedeeyay Israa'iil inay xirtay marinadii gargaarka.
Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa ku eedaynaya Israa'iil inay ka horjoogsatay Hayadaha Safamalka in ay gaaraan guud ahaan Gaza ama qayb ka mid ah tan iyo bishii Maarso.
Israa'iil ayaa sheegtay in sababta ugu weyn ee ugahor istaagtay inuu gargaarku soo galo Qaza ay tahay in ay ka hortagto in gargaarku uu gaaro Xamaas.
Hay'adda Qaramada Midoobay ay hogaamiso, hay'adaha samafalka iyo saxafiyiinta ayaa marar badan ka digay abaarta Gaza.
Dabayaaqadii bishii Luulyo, BBC waxay ku biirtay AFP, AP iyo Reuters bayaan ay si wadajir ah u soo saareen oo ay kaga digayaan walaaca ay ka qabaan abaarta ku soo wajahan Gaza.
Donald Trump ayaa sidoo kale sheegay isla bishaas in runtii macluul daran ay ka jirto Gaza, balse ma uusan joojin taageerada uu u muujinayo dowladda Israa'iil.
Marinka Gaza, ku dhawaad saddexdii qofba mid ayaa maalmo ah cunto la'aan, sdia ay ka digtay hay'adda cunnada adduunka ee WFP.
Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in xaalad sidaas ah aysan ka jirin Gaza.
Laakiin madaxa bini'aadannimada ee Qaramada Midoobay Tom Fletcher ayaa sheegay in loo baahan yahay cunto "badan" si loo joojiyo gaajada.
Mid ka mid ah shantii carruur ah ee ku nool Gaza ayey haysataa nafaqo darro iyadoo tirada dhibanayaashu ay sii kordhayaan maalin kasta, sida ay sheegtay hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR.













