Maxaan ka ognahay hoggaamiyaha Falastiiniga ah ee Marwan Barghouti, oo wasiir Israa'iili ah ugu hanjabay xabsiga dhexdiisa?

Ben-Gvir ayaa ka soo muuqday muuqaalka, kaas oo la faafiyay Khamiistii, isagoo u sheegaya Barghouti: "Qof kasta oo xumeeya Israel, kii dila carruurtayada, kii dila haweenkayaga, waanu tirtiri doonnaa. Waa inaad taas ogaataa."

Xigashada Sawirka, Channel 12

Qoraalka sawirka, Marwan Barghouti oo ka soo baxay qolkii xabsiga ee uu ku jiray wasiirka Israa'iil Itamar Ben-Gvir oo ka hor yimid

Hoggaamiyaha Fatax ee reer Falastiin Marwan Barghouti ayaa muuqaal kooban oo laga soo duubay isagoo ku jira xabsiga Israel, waxay dood ka dhalisay fagaarayaasha falastiiniyiinta, sababa la xiriira isbadelka ku yimid muuqiisa isgaoo hortaagan wasiirka amniga qaranka Israel Itamar Ben-Gvir.

Ben-Gvir ayaa ka soo muuqday muuqaalka, kaas oo la faafiyay Khamiistii, isagoo u sheegaya Barghouti: "Qof kasta oo xumeeya Israel, kii dila carruurtayada, kii dila haweenkayaga, waanu tirtiri doonnaa. Waa inaad taas ogaataa."

Xaaskiisa oo ah qareen reer Falastiini ah, Fadwa Barghouti, ayaa sheegtay in aanay aqoonsan muqaalkiis.

Dhankiisa, madaxweyne ku xigeenka maamulka Falastiin Xuseen Al-Sheekh ayaa yiri, "Tani waxay ka dhigan tahay habacsanaan aan horay loo arag oo ku timid siyaasadda gumeysiga ee ka dhanka ah maxaabiista Falastiiniyiinta, taas oo u baahan faragelin degdeg ah oo ururda iyo hay'adaha caalamiga ah si loo ilaaliyo maxaabiista."

Bayaan ay soo saareen, dhaqdhaqaaqa Fatah waxa ay ku sheegeen in xukuumadda Netanyahu ay si buuxda mas'uul uga tahay nolosha Barghouti, iyaga oo sheegay in hanjabaadiisu "ay ka dhigan tahay xad-gudub bareer ah oo ka dhan ah dhammaan heshiisyada caalamiga ah iyo shuruucda," sida ay sheegtay wakaaladda wararka Falastiin ee WAFA.

Dhanka kale, Xubin ka tirsan Xafiiska Siyaasadda ee Xamaas Izzat al-Rishq ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in "in arxan-darradu aysan macno lahayn marka laga reebo shaqsiga mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha hay'addan bini'aadminimada ka baxsan," isaga oo ka hadlaya hanjabaadda Ben-Gvir ee Barghouti.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa ka soo xigatay ilo ku dhow wasiir Ben-Gvir in iska horimaadka labada nin uu u dhacay "si kadis ah" xilli Ben-Gvir uu booqanayay xabsiga Ganot, iyadoo aan la cayimin taariikhda booqashada. Maamulka Falastiiniyiinta ayaa sidoo kale sheegay in Ben-Gvir uu "kusoo weeraray" Barghouti qolkiisa.

Wargeyska afka Cibraaniga ku hadlo ee Haaretz ayaa soo wariyay, "Qaybinta dukumeentiyada maxaabiista amniga ee la yaqaan waa mid aad dhif u ah waxayna badanaa u baahan tahay ogolaanshaha Adeegga Xabsiga."

Dhanka kale, guddiga arrimaha maxaabiista Falastiiniyiinta ayaa sheegay in tallaabada Ben-Gvir ay "khatar toos ah" ku tahay nolosha Barghouti.

Dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee Barghouti

Marwan Barghouti waxa uu dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed ka bilaabay isaga oo shan iyo toban jir ah ururka Fatax oo uu hogaaminayey hogaamiyihii geeriyooday ee Falastiin Yaasir Carafaat.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Marwan Barghouti
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Marwan Barghout waxa magaciisa lagusoo daray heshiiskii xabad joojinta ee dhexmaray Israa'iil iyo Xamaas, kaas oo ay ku jireen sii deynta la haystayaal Israa'iili ah iyo tiro Falastiiniyiin ah oo ku jiray xabsiyada Israa'iil.

Marwan Barghouti waxa uu dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed ka bilaabay isaga oo shan iyo toban jir ah ururka Fatax oo uu hogaaminayey hogaamiyihii geeriyooday ee Falastiin Yaasir Carafaat. Isaga oo adeegsanaaya dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed, Barghouti waxa uu taageero u raadiyay qadiyadda Falastiin iyo xalka labada dawladood.

Barghouti ayaa la xiray ka dib howlgalkii Israel ay ugu magac dartay Gaashanaka Difaaca ee sandkii 2002, markaasoo Israel ay ku eedeysay inuu aasaasay guutada Shuhadada Al-Aqsa, eedeymahaas oo uu beeniyay.

Guutooyinka Al-Aqsa oo soo shaac baxay xilligii Intifaadada labaad ayaa bilaabay howlgallo is daba joog ah oo ka dhan ah ciidamada Israa'iil iyo kuwa la deegaameeyay, iyagoo sidoo kale beegsaday dad rayid ah oo ku sugnaa gudaha Israa'iil.

Waxaa xusid mudan in guutooyinka Al-Aqsa ay ka go'een dhaqdhaqaaqii Fatax sanadkii 2007-dii.

Barghouti ayaa lagu xukumay shan xukun oo xabsi daa'im ah, oo ay u dheer tahay 40-sano oo xabsi ah, waxaana lagu eedeeyay mas'uuliyadda weerarradaas.

Hogaamiyaha falastiiniyiinta ayaa diiday in uu aqoonsado awooda maxkamada Israel intii ay socotay dacwada, waxa uuna diiday eedeymaha loo soo jeediyay.

Xaaskiisa Fadwa, ayaa horaantii sanadkii hore u sheegtay BBC-da lanta af Carabiga: "Dacwad lagumasoo oogin inuu gacmihiisa ku sameeyay falalkan, laakiin waxa uu ahaa hogaamiye."

Fadwa ayaa intaas ku dartay wakhtigaas in Barghouti "uu diiday dhammaan eedeymaha" intii lagu jiray su'aalaha, oo ay ku jiraan "inuu aasaasay guutooyinka Shuhadada Al-Aqsa."

Maxay ka dhigan tahay in la masaafuriyo Barghouti?

Qaar ka mid ah warbaahinta Israa’iil ayaa tilmaamaya in laga yaabo in Israa’iil ay sii deyso Barghouti iyada oo ku xirtay shuruud ah in “loo masaafuriyo meel ka baxsan dhulka Falastiin”.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Fatah ayaa bilaabay olole lagu sii dayn lahaa Barghouti kadib markii la xiray bishii April 2002dii.

Qaar ka mid ah warbaahinta Israa'iil ayaa tilmaamaya in laga yaabo in Israa'iil ay sii deyso Barghouti iyada oo ku xirtay shuruud ah in "loo masaafuriyo meel ka baxsan dhulka Falastiin".

Anis al-Qassem, oo ah khabiir ku takhasusay sharciga caalamiga ah, ayaa BBC-da u sheegay in haddii Barghouti laga musaafuriyo dhulka falastiiniyiinta, aysan aragti ahaan jirin wax ka hor istaagaya in uu qabto hoggaanka dowladda Falastiin isagoo dibadda jooga. Taariikh ahaan dawladihii dibad joogga ayaa asoo jiray, gaar ahaan dagaalkii labaad ee adduunka. Xitaa dastuurka Falastiiniyiinta iyo sharciyadu ma mamnuucayaan arinkan.

Al-Qassem aya aka hadlay waxa ay qaar ka mid ah wargeysyada Israa'iil soo tebiyeen oo ku saabsan "ku adkaysiga" Israa'iil ee ku aaddan masaafurinta Barghouti, isaga oo sheegay in sababta tani ay tahay "saldhigga ballaaran ee hoggaamiyaha Falastiiniyiinta, gaar ahaan gudaha dhaqdhaqaaqa Fatax".

Xarunta Falastiniyiinta ee Cilmi-baarista Siyaasadda iyo Sahanka ayaa daabacday ra'yi ururin December 13, 2023, taasoo muujineysa in Marwan Barghouti uu yahay "qofka ugu caansan Falastiiniyiinta."

Codbixintii xilligaasi waxay muujisay in haddii Barghouti oo ka tirsan Fatah uu madax weynenimada Falastiin kula tartamo madaxweynaha maamulka Falastiin Maxamuud Cabbaas iyo hoggaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh (ka hor inta aan lagu dilin Tehran July 2024) in dadka u soo baxaya doorashada ay sare u kaceyso 71%, halka Barghouti uu helayo 47%, Haniyeh 43%, iyo Abbas 7%.

Barghouti waxa uu ku qoray wargeyska Washington Post sanadkii 2002, "In kasta oo aniga iyo dhaqdhaqaaqayga Fatax aan aad uga soo horjeedno weerarrada iyo beegsiga dadka rayidka ah ee gudaha Israa'iil.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Barghouti waxa uu ku qoray wargeyska Washington Post sanadkii 2002, "In kasta oo aniga iyo dhaqdhaqaaqayga Fatax aan aad uga soo horjeedno weerarrada iyo beegsiga dadka rayidka ah ee gudaha Israa'iil, deriskeenna mustaqbalka, waxa aan xaq u leeyahay inaan difaaco nafteyda, aan iska caabiyo haysashada Israa'iil ee dalkayga, oo aan u dagaallamo xorriyaddayda."

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri "Waxa aan sii wadaa in aan raadiyo wada noolaasho nabadeed oo dhexmarta laba dawladood oo siman oo xor ah, Israa'iil iyo Falastiin, taas oo ku salaysan in si buuxda looga baxo dhulka falastiiniyiinta ee la qabsaday 1967-kii..."

Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa hore ugu sheegay BBC-da Carabiga in Barghouti, oo ku xirnaa Israa'iil tan iyo 2002, uu noqon karo "rabitaan la isku raacsanyhay " si uu ula wareego maamulka Falastiin iyo isu diyaarinta dowladda mustaqbalka.

Qoraaga Israa'iil Gershon Baskin ayaa wargyska Haaretz ku qoray bishii Janaayo 2024 in xilliga ku meel gaarka ah ee ka dambeeya dagaalka Gaza uu u baahan yahay "hoggaamiye Falastiini ah oo awood u leh in uu kor u qaado midnimada Falastiiniyiinta oo go'aansado in uu gobolka noqdo mid ka caagan hubka, hoggaamiyahaas wuxuu noqon karaa Barghouti."

Barghouti waxa uu ku dhashay 1958 tuulada Kobar, oo u dhow magaalada Ramallah.

Waxa uu jiray ilaa 9 sano markii Israa'iil ay qabsatay Daanta Galbeed iyo Bariga Quddus, isagoo 15 jir ah waxa uu ka mid noqday dhaq-dhaqaaqa Fatax.

Waxa ay isarel xirtay 1978 isgoo xirnaa in ka badan afar sano, kadib markii lagu eedeeyay in uu ka tirsan yahay koox Falastiini ah oo hubaysan.

Barghouti waxa uu helay shahaado dugsi sare ,waxana uu luqadda Cibraaniga u uku bartay xabsiga dhexdiisa. Ka dib markii la sii daayay, waxa uu waxbarashadiisii heerka koowaad ee cilmiga taariikhda iyo siyaasadda ku dhammaystay Jaamacadda Birzeit, laakiin dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed ayaa dib u dhigay dhammaystirka waxbarashadiisa muddo kow iyo toban sano ah.

Barghouti waxa uu leeyahay seddex will iyo gabar waxana u dhaxda haweeneey qareen ah oo lagu magacaabo Fadwa oo u dhaqdhaqaaqa siyaasadda.

Barghouti waa taageeraha hanaan nabadeed oo lala gala Israa'iil, laakiin wuxuu shaki ka muujiyay sida ay Israa'iil uga go'an tahay in ay fuliso heshiisyada.

Sannadkii 2014-kii, wargayska The Guardian ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa daabacay maqaal ra'yi ah oo Barghouti ku tilmaamay "Nelson Mandela". Qoraaga, Martin Linton, waxa uu yiri, "Haddii Israa'iil ay dhab ka tahay in ay nabad ka dhex dhaliso Falastiiniyiinta iyo Israa'iiliyiinta, waxay sii dayn lahayd Barghouti, oo ah qofka ku habboon in uu la shaqeeyo si heshiis nabadeed loo gaaro."