Maxaa ka jira in cunista cambaha ay u wanaagsantahay dadka qaba cudurka macaanka?

Cambaha, oo uu ku badanyahay macaanka ah iyo noocyadiisa kala duwan ayaa ah mid muhiim ka ah xagaaga Hindiya, waana la fahmi karaa sababta ay dadku u rabaan inay ku raaxaystaan

Xigashada Sawirka, Mansi Thapliyal

Qoraalka sawirka, Waxaa jira in ka badan 1,000 nooc oo cambe ah oo laga beero Hindiya

Xilliga kulaylaha oo dhan Hindiya, mid ka mid ah su'aalaha ugu badan ee hogaamiye ku takhasusay cudurka macaanka ee Mumbai uu ka maqlo bukaannadiisa waa: "Miyaan cuni karaa canbaha?"

"Cambaha, oo uu ku badanyahay macaanka iyo noocyadiisa kala duwan ayaa ah mid muhiim ka ah xilliga xagaaga Hindiya, waana mid la fahmi karo sababta ay dadku u rabaan inay ku raaxaystaan cunistiisa," ayuu yiri Rahul Baxi.

Si kastaba ha ahaatee, su'aashan fudud, ayuu sheegayaa in ay ku timid fikrado khaldan - oo u dhexeeya aaminsanaanta in cambaha si adag looga fogaado, iyadoo dadka kasoo hor jeeda ay la tahay in cunista xad-dhaafka ah ee camabaha "ay u darnatahay cudurka macaanka".

Xaqiiqdu waxay ku taal meel u dhaxaysa labadaas, laakiin jahwareerka arinkaasi ma ah mid ku eg xilliga. "Xaqiiqdii, bukaanno badan ayaa ku soo noqda booqashooyinka la-socodka ka dib xilliga-cambaha kaas oo badanaa leh heerarka gulukooska oo sarreeya, mararka qaarkood, sababta waxa laga yaabaa in si xad dhaaf loo dareemo mirahan la jecel yahay," ayuu yiri Dr Baxi.

Jahwareerkan joogtada ah ayaa dad badan oo qaba cudurka macaanka ku reebay in ay ka digtoonaadaan "boqorka miraha". Hase yeeshe, cilmi-baaris cusub ayaa soo jeedinaysa in canbaha laga yaabo in uusan ahayn mid xun sida mararka qaarkood loo maleeyo.

Laba tijaabo oo caafimaad oo Hindi ah oo cusub ayaa wax ka bedelay xigmadda cunista cuntada , taas oo soo jeedinaysa in isticmaalka cambaha oo la xakameeyo, halkii karbohaydrayt (qaabka rootiga) ay dhab ahaantii hagaajin karto sonkorta dhiigga iyo caafimaadka dheef-shiid ka, waxyabaaha kiimikada ah ee dadka qaba nooca 2aad ee cudruka macaanka

Nooca 1-aad ee xanuunka macaanku waxa uu yimaadaa marka ganaca uu soo saaro insuliin yar ama ay insuliinta uu soo saari waayo, halka nooca 2-aad, jirku uu u adkaysto saamaynta insulinta.

Nooca 2-aad ee xanuunka macaanku waxa uu ka yahay in ka badan 90% kiisaska caalamka, sida ay qabto hay'adda International Diabetes Federation (IDF). Waana sababta sideedaad ee ugu horraysa ee keenta cudurrada culus ee adduunka oo dhan, waxana la saadaalinayaa in ay kaalinta labaad geli doonto sanadka 2050. In kasta oo aan si buuxda loo fahmin, waxa ay si xooggan ugu xiran tahay miisaanka xad-dhaafka ah, da'da, qowmiyaddaha iyo taariikhda qoyska.

Hindiya, qiyaastii 77 milyan oo qaangaar ah ayaa qaba nooca 2-aad ee cudurka macaanka, halka ku dhawaad 25 milyan ay qabaan cudurka macaanka iayagoo halis sare ugu jira inay ku dhacaan cudurka, sida laga soo xigtay Ururka Caafimaadka Adduunka.

Daraasad tijaabo ah oo dhawaan kasoo muuqan doonta Joornaalka Yurub ee Nafaqada Caafimaadka oo ay ku qeeybgaleen 95 qof ayaa waxa ay ku ogaadeen in saddex nooc oo canbaha caanka ah ee Hindiya

Xigashada Sawirka, Hindustan Times via Getty Images

Qoraalka sawirka, Dabaaldegyada cambaha ayaa ka dhaca guud ahaan magaalooyinka Hindiya, iyaga oo u dabaaldegaya muhiimada dhaqameed ee miraha
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Hase yeeshee caqabadaha jira marka laga yimaado, natiijooyinka cusub waxay bixinayaan rajo la yaab leh - gaar ahaan kuwa jecel canbaha.

Daraasad tijaabo ah oo dhawaan kasoo muuqan doonta Joornaalka Yurub ee Nafaqada Caafimaadka oo ay ku qeeybgaleen 95 qof ayaa waxa ay ku ogaadeen in saddex nooc oo canbaha caanka ah ee Hindiya - Safeda, Dasheri iyo Langra - ay soo saareen maadada glycemic oo la mid ah ama ka hooseeya rootiga cad, heer ah ilaa laba saacadood oo tijaabo gulukoos ah. (Jawaabta glycemic waa sida ugu dhakhsaha badan iyo inta ay cuntadu kor u qaaddo heerka sokorowaga dhiigga ka dib markaad cunto.)

La socodka joogtada ah ee gulukooska ee dadka qaba nooca 2aad ee macaanka iyo kuwa aan la qabin in ka badan seddex maalmood ayaa lagu ogaaday in, ka qaybgalayaasha qaba xanuunka macaanka isbeddellada sonkorta cuntada ka dib ay aad u yaraayeen ka dib cunista cambaha. Maadada glycemic oo hooseysa waxay faa'iido u yeelan kartaa jirka mustaqbalka fog, sida ay cilmi-baarayaashu sheegeen.

"Cambabaha waa miro aad loo jecel yahay oo ay ku badantahay gulukooska suurtogalka ah iyo saamaynta kor u qaadista miisaanka," ayuu yiri Dr Sugandha Kehar, qoraaga koowaad ee labada daraasadood.

"Daraasadahani waxay muujinayaan cuntooyinka koontaroolan ee loo qoray, in isticmaalka canbaha aysan waxyeello u lahayn gulukooska dhiigga oo xitaa laga yaabo inay faa'iido u yeeshaan."

Natiijooyinka waxaa xoojiya tijaabo labaad, siddeed toddobaad ah oo lagu daabacay Joornaalka Sokorowga & Dhibaatooyinka dheef-shiid kiimikada - oo lagu qabtay Delhi's Fortis C-DOC oo ay weheliso Golaha Hindida ee Cilmi-baarista Caafimaadka .

Soddon iyo shan qof oo qaangaar ah oo qaba nooca 2-aad ee cudurka macaanka oo ku beddelay rootigooda quraacda 250g oo cambe ah waxay arkeen horumar xagga gulukooska oo sida soonka ah, baaritaanka hemoglobin A1C (HbA1c) kaas oo cabbiraya celceliska heerarka sonkorta dhiigga, caabinta insulin, miisaanka, wareegga dhexda iyo kolestaroolka HDL. Calaamadahani waa tilmaamayaasha muhiimka ah ee xakamaynta sokorowga iyo guud ahaan caafimaadka dheef-shiid kiimikaada.

"Waxa aan kusoo bandhigay faa'iidooyinka qiyaasaha yar yar ee cambaha ee ku jira karbohaydraytyada (sdia roodhida) quraacda laba daraasadood oo faahfaahsan markii ugu horeysay, anagoo meesha ka saarnay dhammaan mala-awaalka ku saabsan saameynta dheef-shiid kiimikaadka xun iyo isticmaalkeeda," ayuu yiri Prof Anoop Misra, oo ah qoraa sare iyo hogaamiyaha daraasadda.

"Laakiin furaha waa xakameynta iyo la socodka caafimaadka - kani maahan shati loogu talagalay cunnooyinka cambaha ee aan xadidnayn."

Dr. BAx wax uu sheegay :in xakameynta barootiinka ay muhiim tahay, cambaha waa in la cunaa inta u dhaxeeysa cuntada in lagu daro karbohaydraytyka kale ama noocyada sonkorta leh, sida casiirka iyo caanaha macaan.

Marka laga soo tago saamaynta dheef-shiid kiimikaadka, canbaha waxa uu kaalin muhiim ah kaga jiraa nolosha Hindida – waa miro albaabbada u furaya macno ahaan iyo muuqaal ahaanba, oo xambaarsan muhiimad dhaqan, bulsho iyo xitaa diblomaasiyadeed.

Waxaa jira in ka badan 1,000 nooc oo cambe ah oo laga beero Hindiya. Joshi wuxuu qoray in cambaha Hindiya ay ku kala duwan yihiin gobol ahaan: Noocyada waqooyi iyo bari sida Langra, Dasheri, Chausa iyo Himsagar ayaa aad u macaan, halka noocyada koonfureed ay bixiyaan dhadhan macaan- oo dhanaan ah. Alphonso oo galbeedka Hindiya waxay leedahay dhadhanka iksu dheeltiran oo sonkorta iyo aashitada gaarka ah.

Waa mire udub dhexaad u ah nolosha Hindida in sanadka kalandarka laftiisa uu inta badan ka bilaabmo ubaxa canbaha. Abwaan Ghalib waxa uu canbaha ku tilmaamay " galaas malab ah oo xiran" , waxa laga qoray boqollaal buug oo u dabbaaldegaya soo jiidashada.