Trump oo ku adkaynaya Ukraine inay aqbasho heshiiska nabada ee Ruushka

Ukriane

Xigashada Sawirka, Getty Images

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in diidmada Ruushka ee ah in la ogolaado xabbad joojinta ay adkeyneyso dadaallada lagu joojinayo dagaalka.

"Waxaan aragnaa in Ruushku uu diiday baaqyo badan oo xabbad-joojin ah oo aannu weli go'aamin goorta uu joojinayo dilka. Tani waxay sii adkeynaysaa xaaladda," ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X, ee horey loo oran jiray Twiter

Isniinta, hogaamiyaha Ukraine wuxuu u safri doonaa Washington DC, halkaasoo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay inuu ku boorin doono Zelensky inuu aqbalo heshiis nabadeed.

Trump ayaa sheegay in uu doonayo in uu ka gudbo xabad joojinta Ukraine si uu si toos ah ugu gudbo heshiis nabadeed oo joogto ah ka dib markii uu la kulmay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Isbedel weyn oo mowqif ah, Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidaas ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social, kaddib shirkii Jimcaha in tani ay tahay "habka ugu wanaagsan ee lagu soo afjari karo dagaalka argagaxa leh ee u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine", isaga oo intaas ku daray in xabbad-joojinadu marar badan "aysan sii jirin".

Ka dib markii uu taleefoon kula hadlay Trump shirwaynaha ka dib, Zelensky wuxuu ku baaqay nabad waarta oo dhab ah, isagoo intaas ku daray "dabka uu waa inuu joogsadaa" iyo in dilalku ay istaagaan.

Bayaan dambe oo uu ku daabacay baraha bulshada, Zelensky wuxuu faahfaahiyay shuruudihiisa ku aaddan "nabad waarta oo lagu kalsoonaan karo" oo lala gaaro Moscow, oo ay ka mid tahay "dammaanad amni oo la isku halleyn karo" iyo soo celinta carruurta uu sheegay in Kremlin-ku ka afduubtay dhulalka la haysto.

Hadallada Trump ayaa muujinaya isbeddel weyn oo ku yimid mowqifkiisa ku saabsan sida loo soo afjari karo dagaalka, iyadoo uu Jimcihii – ka hor shirka – sheegay in uu doonayo xabbad-joojin "si degdeg ah".

Dalabka ugu weyn ee Ukraine wuxuu ahaa in la gaaro xabbad-joojin degdeg ah ka hor inta aan laga hadlin xal waqti dheer qaadan kara, waxaana la sheegay in Trump uu horay ugu sheegay hoggaamiyeyaasha Yurub in ujeedkiisa shirka uu ahaa in uu helo heshiis xabbad-joojin ah.

Dhanka kale, wararka ayaa sheegaya in Putin uu Trump u soo bandhigay dalab nabadeed oo ku xiran in Ukraine ay ka baxdo gobolka Donetsk ee Donbas, taas beddelkeedana Ruushku uu joojin doono dagaalka ee xudduudaha hore ee Zaporizhzhia iyo Kherson.

Ruushka ayaa si sharci darro ah uga goostay Crimea Ukraine sanadkii 2014, kadibna wuxuu qaaday duullaan buuxa oo militari siddeed sano kadib. Wuxuu sheeganayaa in Donbas ay tahay dhul Ruush ah, isagoo gacanta ku haya inta badan gobolka Luhansk iyo ku dhowaad 70% gobolka Donetsk.

Putin iyo Trump

Xigashada Sawirka, Reuters

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Madaxweynaha Mareykanka, oo horay u sheegay in heshiis nabadeed uu u baahan karo "isku beddelasho dhulal ah", ayaa la sheegay inuu dalabka Ruushka u gudbiyay Zelensky intii lagu jiray wicitaanka ka dambeeyay shirka ee dhexmaray.

Maalmo uun ka hor, Madaxweynaha Ukraine ayaa si cad u sheegay inuusan marnaba oggolaan doonin in uu ka tanaasulo gacan-ku-haynta Donbas — oo ka kooban gobollada Luhansk iyo Donetsk, isagoo sheegay in haddii la siiyo Ruushka, ay noqon karto meel laga bilaabi karo weerarro dambe oo Ruushku ku qaado Ukraine.

Warbaahinta CBS, ee Mareykanka, ayaa soo xigatay ilo diblomaasiyadeed oo sheegaya in diblomaasiyiinta Yurub ay ka walaacsanaayeen in Trump uu Isniinta isku dayo inuu cadaadis saaro Zelensky si uu u aqbalo shuruudo uu isaga iyo Putin kaga wada hadleen shirkii Alaska.

CBS waxay sidoo kale xustay in Trump uu la hadlay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Yurub kaddib shirka, isagoo sheegay in Putin uu diyaarinayo "qaar ka mid ah tanaasul", balse uusan caddeyn waxa ay yihiin.

Wareysi uu Trump siiyay Fox News kaddib shirkii Jimcaha, ayaa wax laga weydiiyay talada uu siinayo hoggaamiyaha Ukraine. Trump wuxuu si toos ah u yiri: "Samee heshiis".

Wuxuu sidoo kale ku daray: "Ruushku waa awood weyn, iyaguna ma aha."

Trump ayaa horay u hanjabay isagoo sheegay in uu jiri doono "cawaaqib aad u culus" haddii Putin uusan aqbalin in uu dhammeeyo dagaalka, isagoo bishii la soo dhaafay u qabtay Moscow waqti kama dambeys ah si ay u aqbasho xabbad-joojin – haddii kale ay la kulmi doonto cunaqabateyn cusub oo adag, oo ay ku jiraan canshuuro labaad.

Ma jirin wax badan oo lagu dhawaaqay oo heshiis ah kaddib shirkii Jimcaha ee labada madaxweyne, laakiin Trump wuxuu ku adkeystay in horumar la gaaray.

Sabtidii, Putin wuxuu shirkii ku tilmaamay "mid aad u faa'iido badan", isagoo sheegay in uu awooday "in uu Trump u faahfaahiyo mowqifkooda."

Diplomaasi sare oo Ruush ah ayaa mar dambe u sheegay BBC in shirka ka dhacay Alaska uu ahaa "tallaabo dhismo muhiim ah" oo lagu sii xoojinayo dadaallada lagu joojinayo dagaalka.

Dmitry Polyanskiy, oo ah Ku-xigeenka Koowaad ee Wakiilka Joogtada ah ee Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobay, ayaa sheegay. "Qof kasta oo doonaya nabad waa inuu ku qanacsanaadaa natiijada."

Wuxuu diiday in uu xaqiijiyo in Putin uu hadda la kulmi doono Zelensky.

Ukriane iyo Yurub

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dhanka kale, "isbaheysiga rabitaanka" oo ah - koox ka mid ah dalalka ballan qaaday in ay xoojiyaan taageerada Ukraine oo ay ku jiraan UK, France, iyo Germany - ayaa qaban doona wicitaan galabnimada Axadda ka hor booqashada Zelensky ee Aqalka Cad ee Isniinta.

Koox ka mid ah hogaamiyayaasha Yurub, oo ay ku jiraan Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, Hogaamiyaha Jarmalka Friedrich Merz iyo Madaxweynaha Komishanka Yurub Ursula von der Leyen, ayaa yiri "tallaabada xigta waa inay hadda noqotaa wadahadalo dheeri ah oo uu ku jiro Madaxweyne Zelensky".

Hogaamiyayaasha ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay ka shaqeeyaan shir madaxeed saddex geesood ah oo taageero ka helaya Yurub.

"Waxaan diyaar u nahay inaan taageerno cadaadiska Ruushka," ayay yiraahdeen, iyagoo raaciyay: "Waxay ku xirnaan doontaa Ukraine inay go'aan ka gaarto dhulkeeda. Xuduudaha caalamiga ah waa inaan xoog lagu beddelin."

Ra'iisul wasaaraha UK Keir Starmer ayaa bogaadiyay dadaalka Trump uu ku doonayo inuu ku soo afjaro dagaalka, isagoo sheegay inay "na soo dhaweeyeen sidii hore"