Ehelka Gabdho walaala ah oo ku geeriyooday magaalada Mombasa oo ka hadlay sidii ay wax u dhaceen

Xigashada Sawirka, Facebook
Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxeyso kadib markii maalmo ka hor xeebta Nyali ee magalaada Mombasa ay ku geriyoodeen laba gabdhood oo walaalo ahaa oo halkaas fasax ku joogay kuwaas oo doonayay in waqti qurux badan kula soo qaataan qoyskooda halkaas balse ay tii Alle u timid..
Masiibada ayaa dhacday kadib markii gabdhaha walaalaha ah ay ku geeriyoodeen barkadda dabaasha ee ku taal guryo firaashan oo dalxiis ahaan loo dego oo ku yaal Niyali, Mombasa.
Labada gabdhood ee geeriyooday ayaa kala ahaa Caa'isha Mohamed oo 13 jir ah iyo Hamdi Mohamed oo 9 jir ahayd kuwaas oo ka yimid magalaada Nairobi, doonayeyna in ay fasax qurux badan ku qaataan magalaada Mombasa maadaama ay ku jireen fasaxii iksuulka.

Xigashada Sawirka, CabdulqaadirDeeqow
Cabdulqaadir Deeqoow Xuseen oo ka tirsan Jaaliyada Soomaaliyeed ee deggan magalaada Mombasa, xigta dhawna la ah qoyska ay masiibadu ku dhacday ayaa BBCda uga warramay sida ay wax u dhaceen '' Aabaha iyo qoyskiisu waxa ay fasax ku yimaadeen dhinaca Mombasa maadaama ay iskuuladu xiranyihiin „ ayuu sheegay Cabdulqaadir oo intaas ku daray in qoysku ay ka yimaadeen magalaada Nairobi.
Aabaha ciyaalkiisa ayaa ka codsaday in uu fasax u wado, si qaas ahna waxaa uga codsaday mid ka mid ah gabdhaha geeriyootay sida uu Cabdulqaadir u sheegay BBCda .
Qoyska ayaa tareen kasoo raacay magaalada Nairobi iyagoo soo gaaray magaalaad Mombasa halkas oo ay habeenkii guri ka mid ah guryaha firaashan ee kirada ah ay degeen gaar ahaan oo ku yaal Niyali, magalada Mombasa.
Caruurta ayaa ku geeriyooday qaab dayacaad ah ka dib iyagoo markii uu waagu beryay hoos usoo dhaadhacay si ay ugu dabaashaan barkadda dabaasha. Cabdulqaadir waxa uu sheegay in barkadda dabaasha aan si wanaagsna loo callaamdeeyn lambaradeeda sida qeybaha ciyaalka iyo kuwa dadka waaweeyn islamarkaasna aanu halkaasi joogin qof ilaaliya oo hubiya qofka dabaalanaya inuu dabaal yaqaan iyo in kale „ Gargaarka degdegga ah goobta ma joogin si ay dadka u caawiyaan marka uu dhib dhaco „ ayuu sheegay Cabdulqaadir.
Caruurta ayaa dabaasha ka bilaabay meesha dadka waaweyn oo ahayd meel mool ah oo gaareysay ilaa iyo 7 mitir.
Cabdulqaadir Deeqow waxa u sheegay in Jaalliyada iyo booliskuba ay yimaadeen goobta uu shilku ka dhacay halkaasna ay ka fureen gal dacwadeed kaas oo lagu qoray qaabka ay u dhinteen gabdhuhu, iyadoo saxafiyiintuna ay halkaas yimaadeen. ''waxa aan xaqiiqsanay in halkaas uu Ka dhacay tacadi oo uu qof shaqadiisii iyo waajibaadkiis ka seexday" ayuu yiri Cabdulqaadir.
Ma jirta cid loo xiray falkaasi dhimashada ah ilaa iyo hadda sida u Cabdulqaadir u sheegay BBCda, laakin waxa uu xaqiijiyay in gal dacwadeed la furay.

Xigashada Sawirka, Cabdulqaadir Deeqoow
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Cabdulqaadir oo sheegay in arintani anaay ahayn mi curad ah ayaa ka codsaday maamulka gobolka in guryaha la baaro marka la dhisayo oo l a hubiyo badqabkooda „ Sanadkii lasoo dhaafay gabar ayaa ku dhimatay shil noocaan oo kale ah" ayuu yiri Cabdulqaadir
Mar aan wax ka weeydiinay Cabdulqaadir sida u yahay dareenka waalidiintii dhalay gabadhaha walalaaha ah ee geeriyooday waxa uu sheegay in hooyada laga waayay hadal aan ahay Alxamdulillahi ,(Ilaah ayaa mahadsan) halka aabahu uu hadli kari waayey. „ Aabuhu waa nin aan saaxibo nahay oo aan xigtana nahay laakin hadal ma laha" ayuu yiri Cabdulqaadir oo intaas ku daray in qoysku ay ahaayeen dad murugeeysan oo farxaddii iyo fasaxii ay ku yimaadeen Mombasa ay isku bedesahy geeri iyo murugo.
Caruurta ayaa lagu aasay magalaada Mombas iyadoo aaskooda ay kasoo qeeybgaleen Soomaalida iyo muslimiinta ku dhaqan Mombasa intaba kuwaas oo si wanaagsna ugasoo qeybgalay aask caruurtaas.
Cabdulqaadir aya ugu baaqay waalidiinta caruurtooda u wada dalxiiska in ay caruurtooda u foojignaadaan oo goobta ay degayaanna iska hubiyaan sida barkadda dabaashu in ay wanaagsantahy , korontada iyo weliba deriska ay la degayaan.










